Xaqiiqada ka jirta Soomaaliya

13.09.2011 | Qeybta Guud

Xaaladda degdegga ah ee hadda ka jirta gudaha iyo hareeraha Soomaaliya ayaa waxaa ay qaar badan oo ka mid ah ururrada gargaar iyo saxaafadda ay ku soo bandhigayaan ereyo dhinac keliya wax ka eegaya, sida “Macaluusha Geeska Afrika” ama “abaartii ugu xumeyd muddo 60 sano ah”. Laakiin in eedda oo dhan la saaro sababo dabiici ah waxaa ay iska-indhotireysaa xaqiiqooyinka adage ee dhulka ka jira ee uga sii daraya xaaladda waxaana ay ku muujineysaa in waxa keliya ee loo baahan yahay ee uu xalku ku jiro ay tahay in la helo maaliyad oo cunto dad ku filanna loo raro Geeska Afrika. Laakiin nasiib-darro, in la qariyo waxyaabaha dad-sameega ah ee sababey
gaajada iyo macluusha gobolka iyo culeysyada lagala kulmo wax ka qabashadoodu ma xallinayaan dhibaatooyinka.

Dhowaan ayaan ka soo noqdey safar aan ku tegey Kenya iyo Soomaaliya  waxa aan anniga iyo saaxiibadeyda ka socday Médecins Sans Frontières (MSF) aan ku arkeyno degaanka waxaa ay muujinayaan xaalad aad looga xumaado. Magaalada Muqdisho, waxa aan kula kulmey haweeney da’ yar oo ka timid gobolka koonfurta ku yaalla ee Shabeellaha Hoose iyad oo hadda ku nool mid ka mid ah xerooyinka
cooshadaha ka sameysan ee ka muuqda meel kasta oo ka mid ah magaalada. Waxaa ay gurigeeda ka soo tagtey iyada oo ay wada socdaan ninkeeda iyo toddoba carruur ah maaddaama uu ka xumaadey dalaggii soo go’i jirey iyo maaddaama ay iibsan kari waayeen cunto iyo biyo. Intii ay dhexda ku soo jirtey ayaa ay ku khasbanaatey in ninkeeda iyo saddex carruur ah ay ka soo tagto, maaddaama ay ahaayeen kuwo aad u jilicsan oo aan sii wadan karin socodka shanta maalmood ah. Nasiib-darro, dhibatadaas oo kale waxaa iyana ay soo martey kumanaan qoys oo ku nool koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya ee uu baabi’iyey dagaalka iskahorimaadka sannadaha badan socdey oo ay gebiga ka sii riddey abaarta.

Nafaqo-xumada ka jirta qaybo badan oo ka mid ah Geeska Afrika ayaa ah mid dabadheer waxaana loo baahan yahay in dadaal caalami ah oo muddada fog ku wajahan loo galo si loo hubiyo in cunto nafaqo leh ay gaarto dadka u baahan. Haseyeeshee, maanta, baahiyaha ugu badan waxaa ay a jiraan koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya. Xataa haddii aanan sawir buuxa ka haysan, waxa in xaaladdu ay ba’an tahay aan ka garaneynaa tirada badan ee Soomaalida ah ee iyaga oo xaaladdoodu liidato imaanaya magaalada caasimadda ah ee Muqdisho, iyo xerooyinka ku yaalla xuduudda dhinaca Kenya iyo Itoobiya.

Baaqashadii dalaggii beeraha ka soo go’i lahaa waxaa ay uga sii dartey dhibaatadii horeyba u jirtey. Soomaaliya waa goob uu ka socdo dagaal ba’an oo u dhexeeya Dowladda Federalka Ku-meelgaarka ah, oo ay si weyn u barbartaagan yihiin Dalalka reer-galbeedka ah
ee ay taageeraan ciidamo ka socda Midowga Afrika, iyo kooxaha mucaaradka ah ee hubeysan, oo ay ugu caddahay Al-Shabaab. Dalkan oo siyaasad ahaan guul-darreystey, waa dagaalkan, oo ay uu weheliyo xafiiltalka ka dhexeeya qabaa’ilka kala duwan ee Soomaaliyeed, kan bulshooyin badan ka hortaagan in gargaar caalami ah oo madax-bannaan ay helaan. Dadka Soomaaliyeed waxaa ay dhexda u galeen xoogag kala duwan oo gargaarkii ay heli lahaayeen uga hortaagan dano siyaasadeed ama dadaal ay ku doonayaan in ay ku jilciyaan kuwa ka soo horjeeda daraaddood. Dhab ahaantii waxaa jira dhul ballaaran oo dalka ka mid ah oo aan daryeel caafimaad lagu heli karin.

Iskahorimaadka aan ka soo sheekeyney, oo ay arrimo badan ku lug leeyihiin daraaddii, ayaa ay ururrada gargaarka ee caafimaaadka sida MSF ay ku adag tahay in ay ballaariyaan adeegyada caafimaadka oo ay waxtar yeeshaan. MSF waxa ay Soomaaliya ka shaqeyneysey labaatankii sano ee la soo dhaafey waxaana ay mashaariic ka waddaa sagaal goobood oo labada dhinacba ka kala xiga soohdinta dagaalka – oo kala ah degaannada gacanta ugu kala jira Dowladda Federaalka Ku-meelgaarka ah iyo Al-Shabaab. Waxa aan sameyneynaa wax kasta oo aan sameyn karno si aan kor ugu qaadno hawlaheenna oo aan wax uga qabanno baahiyaha sii kordhaya. Waxaan waqtiganba in
ka badan 8,000 carruur ay nafaqo-xumo ba’an ay hayso ah ku haynaa barnaamijyadeenna quudinta, waxaana jira carruur badan oo aaney nafaqo-xumo oo keliya haynin ee ay cudurro u weheliyaan. Dhammaan afartii carruurta ahaa ee aan la kulmey oo dhammaantood ka yimid Shabeellaha Hoose waxaa nafaqo-xumada u wehelisey jadeeco. Waxaa ay hooyadood iyo kumanaan qof oo kale oo barokacayaal
ah kula nool yihiin xaalado dadku ay is-dul-tuban yihiin oo aan fayadhowr lahayn. Qaar kale oo xerooyinkan ku nool waxaa ay ka cabanayaan caabuqyada maqaarka iyo kuwa indhaha, shuban-biyood iyo caabuqyada neef-mareenka. Qaarkood waa kuwo aad u nugul oo xataa aan doonan karin cunto ama daryeel caafimaad.

Xerooyinka qaxootiga ee Kenya iyo Itoobiya waxaa aan daryeel caafimaad iyo mid nafaqo ku siinnaa tobannaan kun oo qof. Laakiin in hawlgallada kor loo qaado Soomaaliya gudaheeda waa mid gaabis ah waana ay adag tahay. MSF waxaa mar walba lagu khasbaa in ay kala doorato arrimo adag marka aan fulineyno ama aan ballaarineyno waxqabadyadeenna. Haddii aanan awood u helin in aan fulinno daraasado qiimeyn oo madax bannaan oo aan gargaar ka bixinno meelaha aan aaminsannahay in ay yihiin degaamada ay dhibaatadu sida
ugu ba’an ay u taabatey, awood uma yeelaneynno in aan ka hortagno cirib-xumooyinka ugu daran ee ka dhalan kara xaaladdan degdegga ah.

Gargaarka bani’aadmanimada waxaa uu noqdey mid ay dhammaan dhinacyada iskahorimaadka ku lug leh ay u arkaan fursado ama handadaad. Degaamada loo arko in yihiin meelaha xuddunta u ah dhibaatooyinkan, ayaa Al-Shabaab, oo horeyba uga shaki qabtey ajandayaasha reer-galbeedka, waxaa ay ka mamnuucdey in shaqaale ajnebi ah ay yimaadaan, in sahayda daawooyinka iyo
qalabka ah lagu keeno dayaarado, iyo hawlaha tallaalka. Xataa laalidda ku-meelgaar ahaanta loo laaley xannibaadaha uu Mareykanku ku soo rogey in gargaar lagu bixiyo degaamada ay Al-Shabaab xukuno ayaa ay u egtahay in aaney wanaajin gargaar gaarsiinta dadka. Degaamada kale, gorgorton aan dhammaaneyn ayaa habraacyada ay ahayd in ay ahaadaan waxyaabo fudud oo caadi ah sida in la
shaqaaleeyo kaalkaaliye caafimaad ama la kireysto gaari waxaa uu ka dhigaa sidii mashaariic oo kale oo uu ku baxaa waqti badan oo qaali ah oo looga faa’iideysan karey in lagu bixiyo gargaar degdeg ah oo loo baahan yahay.

Xaqiiqo ahaan in maanta gargaar lagu bixiyo Soomaaliya waxaa ay joogtaa halkii ugu hooseysey ee ay gaari kartey. Shaqaalaheenna waxaa ay halis joogto ah ugu jiraan in la soo toogto ama la af-duubto iyaga oo bixinaya gargaar caafimaad oo nolol lagu badbaadiyo. In
kasta oo si joogto ah aan dhammaan dhinacyada iskahorimaadka ku lug leh ugula jirno wadahadal aan ku dooneynno in aan dadka ku gaarno, haddana waxaa laga yaabaa in aan ku khasbannaano in aan oggolaanno xaqiiqada jirta oo ah in weligeen aanan awood u yeelan in aan gaarno bulshooyinka ugu baahi badan gacan ay helaan ama in aan ku khasbanaanno in marka aan gaareyno aan madax-bannaanideenna qayb ahaan ka tagno.

Waa jawigan aan saaxiibtinimada lahayn dhexdiisa kan hal-ku-dhegyada ay ka mid tahay “Macluusha Geeska Afrika” loo adeegsado in lagu soo qaado lacago aad u badan oo cunto iyo sahay kale oo loo dirayo gobolka. Laakiin waxa aan ka walaacsannahay halka mayl ee ugu dambeeya: oo ah in gargaarka iyo sahayda laga soo qaado dekadda Muqdisho degdeg loo gaarsiiyo dadka ugu baahida badan. Haddii aaney dhammaan dhinacyada meesha ka leexin caqabadaha kala-dhex jooga hay’adaha awoodda u leh in ay badbaadiyaan nolol iyo dadka ka sugaya in ay badbaadiyaan, waxaa laga yaabaa in ay kumanaan qof oo kale ay dhintaan geeri laga hortegi karey.

Dr Unni Karunakara

Madaxweynaha Caalamiga ah, Medecins Sans Frontieres

Tags: , ,

Qoraalada kale ee ku saabsan Qeybta Guud