Tixraaca Jagada: Adm/med 001/SO120

21.09.2011 | Shaqooyin

Muqdisho 20 Sebtembar 2011

MSF-France Waxay u Baahan tahay in ay Shaqo Qorto Dhakhtar Caafimaad

Tixraaca Jagada: Adm/med 001/SO120

Médecins Sans Frontières waxa ay u baahan tahay in shaqo qorto dhakhaatiir caafimaad oo aqoon iyo karti leh oo uga shaqeeya waxqabadyadeeda caafimaad ee ay ka waddo labada xero ee Jaasira –Rajo ee ku yaalla Muqdisho

 Dhakhaatiir Caafimaad oo Aqoon iyo Karti Leh

Goobta laga qorayo: Muqdisho

Goobta Shaqada: Xerooyinka Barokacayaasha ee Jaasira-Rajo

UJEEDDADA JAGADA:   In taageero dhinaca caafimaadka ah la siiyo Barokacayaasha hadda ku jira xerooyinka dadka barokacay ee ku yaalla Muqdisho iyo in sidoo kale ay wanaajiyaan tayada caafimaadka ee dadka barokacayaasha ah.

SHURUUDAHA SHAQADA LOOGA BAAHAN YAHAY

         Waayo-aragnimo uu u leeyahay caafimaadka carruurta dhibco ayaa ay u kordhineysaa

         Waa in uu akhrin karaa, ku hadli karaa oo qorina karaa Af-Ingiriisiga

         Waa in uu yahay qof  ku wanaagsan nidaaminta hawlihiisa

         Waa in uu yahay qof firfricoon, jecelna in uu wax ogaado

 HAWSHA

         Qiimeynta cudurrada ay bukaannadu qabaan iyada oo la adeegsanayo baaritaan caafimaad (clinical diagnosis)

         Qorista daaweyn caafimaad oo ku saleysan cudurka laga heley bukaanka

         Wax ka qabashada xaaladaha degdegga ah iyo in uu bukaannada siiyo daryeelka iyo taxaddarka ku habboon

 DOKUMENTIGA LA SOO GUDBINAYO

o          Waraaq codsi

o          Taariikhda Aqooneed iyo Shaqo (CV)

o          Nuqulka shahaadooyinka uu haysto oo la caddeeyey (certified)

o          Dhammaan dokumentiyada la socda ee taageerayo codsiga waa la aqbalayaa. (Markhaati-kacyada shaqooyin uu hore u soo qabtey, siminnaaro uu ka qabygaley..)

SOO GUDBINTA DOKUMENTIYADA

Dokumentiyada waa in la geeyaa ama e-mail lagu soo diraa iyada oo la xusayoTixraaca Jagada:

msff-somalie-adm@paris.msf.org

Human Resources

Médecins Sans Frontières

Paradise Hotel, Mogadishu, Somalia

Waqtiga ugu dambeeya ee la soo gudbin karo:  30 Sebtembar 2011  (11 saac ama 5ta galabnimo)

Imtixaan qoraal ah ayaa loo qabanqaabin doonaa liiska kooban ee loo soo xulo in ay u fariistaan waxaana lala xiriiri doonaa 1da Oktoobar 2011. Keliya kuwa la soo xushey ayaa lala xiriiri doonaa si ay u sameeyaan imtixaanka qoraalka ah.

Chris DARCIBA

Deputy Finance/Human Resources Coordinator

MSF France-Mogadishu, Somalia

+252 61 84 65 750 / +252 69 98 66 680

Qoraalada kale ee ku saabsan Shaqooyin