Madaxweynaha MSF oo qaadaa-dhigey fikirkiisa

23.09.2011 | General

Hibo Cusmaan oo fadhida bannaanka xarunta quudin-ku-daweynta ee Cusbitaalka Koonfurta Gaalkacyo

Soomaaliya: Oggolow ama Diid

Miisaanka uu leeyahay ereyga “macaluul” iyo istaatistikada la bixiyey si loo muujiyo xaaladda degdegga ee hadda ka jirta Geeska Afrika waxaa ka dhalanaya culeys ilaa xad ah, marka lagu xisaabtamo caqabadaha la xiriira dhinacyada qiimeynta iyo wax ka qabashada dhibta ka jirta xaddunta gobollada ay dhibaatadu sida ugu weyn u saameysey taas oo ah koonfurta-bartamaha Soomaaliya. Ururrada gargaarka oo awoodi waayey in ay si cad u ogaadaan xaaladda dhabta ah ee jirta, waxaa ay baaqyadooda ay ku doonayaan taageerada dadka ay inta badan ku saleeyaan saadaan ku dhisan waxqabadyo kooban, kala jajaban oo badanaaban ah kuwo dibadda ka yimaada oo halisna ugu jira in ay qaloociyaan xaqiiqada jirta, iyaga oo yareynaya culeysyada la xiriira gaaritaanka iyo iyaga oo ka badbadinaya taabogalnimada/waxtarka gargaarka la bixiyo.

Ciidamada Amisom ee Soomaaliya jooga ayaa codsadey 3,000 askari oo dheeri ah si ay u xoojiyaan nabadgelyada xaafadaha ayna gacan u siiyaan dadka barokacayaasha ah ee caasimadda ku nool ka dib markii ay ka baxeen kooxaha Islaamiyiinta ah. Dowladda Federaalka Ku-meelgaarka (TFG) ayaa cafis u fidisey dagaal-yahannada Al Shabaab ee Muqdisho jooga ee oggolaada in ay dhigaan hubkooda. Ka dib markii ay soo baxeen hadallaas, oo ahaa kuwo lala dhacay, ayaa NGO-yada ay hadda u degdegayaan in ay galaan caasimadda – iyaga oo og in laga yaabo in joogitaankooda looga faa’iideysto siyaasad ahaan – si ay u gargaaraan 100,000 qof oo, sida ay qiyaasaha Qaramada Midoobey sheegayaan, soo galey caasimadda bilihii ugu dambeeyey.

Haseyeeshee, Muqdisho maanta ma ahan goob badbaado. TFG-du ma haysato sharciyad oo mana wada matasho kooxaha danaha kala duwan leh. Intaa waxaa dheer, magaalada waxaa burburiyey kala-qaybsanaan, isbahaysiyo is-bedbeddela iyo is-colaadin ka dhaxaysa qabaa’ilka ku kala xooggan xaafadaha kala duwan. Xiisadaha ka dhalanaya danaha laga leeyahay gargaarka bani’aadamnimada ayaa kor u kacay, halka dib-u-garashada xeeladeed ee ay dagaalyahanada Al Shabaab ay sii badin karta halista loogu jiro weerar, dil khaarijin ah iyo noocyo kale oo rabshad. Sida ay sheegayaan warar ka soo baxay ilo kala duwan, waxaa ay u muuqataa in ciidamada TFG-du ay mas’uul ka ahaayeen bililiqeysigii iyo xabadihii la ridey ee ay ku dhinteen dhowr qof oo rayid ah. Nabadgelyo-xumada jirta daraaddeed, waxaa yar fursadaha lagu socsocon karo, lagu qiimeyn karo xaaladda ama lagu qaadi karo tallaabo waxaana joogitaanka shaqaale caalami ah ay weli tahay mid adag. Wadahadallada loogu oggolaanayo in shaqaalaha gargaarku ay si taabogal ah ah uga shaqeeyaan degsiimoyinka ay deggan yihiin ayaa inta badan ah kuwo muddo dheer qaata oo adag. Taariikhda, nooca iyo baaxadda waxqabadyadu waxaa ay si la mid ah sida ay ugu xiran yihiin wadahadallada iyo shuruudaha lagu gaari karo qaar badan oo ka mid ah xerooyinka dadka gudaha ku barokacay ay ugu xiran yihiin nooca xaaladda degdegga ah. Intaa waxaa dheer, waxaa arrimaha sii adkeynaya tirada badan ee arrimaha caafimaadka ee loo baahan yahay in degdeg wax looga qabto: in koox da’ gaar ah jirta laga tallaalo jadeeco waxaa ay u baahan tahay nidaam hawlgal iyo mid nabadgelyo oo gaar ah oo ka duwan kan loogu baahan yahay rakibaadda nidaam biyood ama sameynta cunto-qaybin guud.

Dhulka ka baxsan caasimadda, waa ay adag tahay in la hubiyo in si joogto ah ay u joogaan shaqaale ajnebi ah. Waqtigaan, dhowr NGO ayaa gaara degaamo kale oo ay xukumaan mucaaradka hubeysan. MSF waxaa loo oggolaadey oo keliya in ay ilaa 10 barnaamij ka fuliso guud ahaan koonfurta-bartamaha Soomaaliya ka dib markii ay gashey gorgortan adag oo heer degaan ah, laakiin barnaamijyadan waxaa hadda ku adkaadey in ay hawlahooda ballaariyaan ayna qabtaan hawlo kala duwan. Iyada oo kooxaheennu Soomaalida ahi ay awood kooban u leeyihiin in ay lafaguris ku sameeyaan Muqdisho, haddana meelaha ka baxsan magaalada lafaguris ay sameeyaan kooxaha ayaa ah mid aad loo sii xakameeyey, iyada oo aasaasi ahaan xoogga la saarayo hawsha ay qabtaan barnaamijyada caadiga ah. Ilaa hadda, kuma aanan guuleysan waanwaan aan ka galno ballaarinta waxqabadyadeenna, in kasta oo ay jiraan calaamado welwel leh oo la xiriira nafaqo-xumo, cudurrada jadeecada iyo shubanka. Ururrada kale ee gargaarka badidoodu waa loo diiday in ay galaan dhulka, maaddaama looga shakiyey in ay jaasuus u yihiin Galbeedka, oo ay isku dayayaan in abuuraan degganaan la’aan dhaqaale ama in ay dadka diintooda beddelaan. Sidaa daraaddeed, waxa ay NGO-yo badan kaga duwan yihiin Shabaab, odeyaasha iyo hogaamiyeyaasha kale ee ganacisga “militeriga-siyaasadda” – “qabqablayaasha dagaalka” – ayaa ay hadda u eg tahay in ay ka weyn yihiin welwellada laga yaabo in ay wadaagaan. Waqtigaan, ururrada gargaarka bani’aadamnimada iyo wakiillada degaanka ma heli karaan arrin ay ku mideysan yihiin taas oo ah wanaajinta xaaladda dadka.

Soomaaliya waxaa uu iskahorimaad ka socdey 20 sano. Qarankaan burburey waxaa ka jira mid ka mid ah noocyada ganacsiga xorta ah ee dhab ahaan loo gaarey. Marka laga soo tago qaab-dhismeedka qabaa’ilka, qaab-dhismeedka bulsho ayaa noqdey mid gaar loo leeyahay oo aan mideysneyn, isaga oo marka ugu horreysa wax ka qabanaya danaha gaarka ah, halkii uu wax ka qaban lahaa danta guud. “Xaaladda Degdegga ah” ayaa sidaa daraaddeed waxaa ay tahay arrin marka dhabta laga hadlayo soconeysa oo keliya inta wadahadallada lala leeyahay dhammaan qaybaha ku lugta leh gargaarku ay socdaan.

Wadahadallada iyo danaha siyaasadeed ee xiriirka la leh gargaarka waxaa ay u baahan yihiin in waqtiga macne kale loo sameeyo, kaas oo ah mid wareerinaya MSF oo aan la jaanqaadi karin waqtiga saxaafaddu ay taqaanno. Sugitaan badan, gorgortamid, iyo xal meel dhexe la isugu yimaado iyada oo halis loo gelayo in qayb ahaan la is-indho-tiro – ayaa ah qiimaha aan bixinno. Laakiin waqtigaan, qiimahan aan bixineyno qiil uma sameynayo in aan dayacno hawl aan ku gargaareyno dadka uu dagaalku halakeeyey. MSF su’aal ayaa ay is weydiineysey 30ka sano ee ay ka shaqeyneyso Soomaaliya. Ilaa hadda waxaan dooraney in aan hawsha sii wadno.

Soomaaliya, sida meelaha kaleba, niyad wanaag oo keliya dad kuma filna. Hawsha bani’aadamnimadu waxaa ay mar walba ku lug leedahay xal-dhexe oo la qaato oo wax laga tago laakiin marna waa in aaney taas keenin in laga tago mabaa’diida aasasiga ah. Haddii aan ballanqaadno in aan marna gargaarka si khalad ah aaney uga faa’iideysan doonin oo aaney qayb ahaan weecsan doonin xoogagga dhulka jooga, waxaan is-ilowsiineynaa in hab-dhaqanno gaar ahi ay jiraan kuwaas oo mararka qaar noqonaya jidka keliya ee u furan gargaarka. Xaggee ayaan ka jeexaynaa xariiqda lama-dhaafaanka ah ? Waa middaa su’aasha innagu taagan. In aan kala dooranno xatooyo, baad, dano siyaasadeed oo loo weeciyo gargaarka, “lacago jidmarin ah” oo la bixiyo iyo in nala weydiisto in aan qoranno ilaaliyeyaal hubeysan ama aan wax ku biirinno dagaalka, waxaa sidoo kale ina haysta haliso iyo godad lagu dhici karo oo kala duwan, oo u baahan in aan kala doorasho sameyno, taas oo dhacaysa marar aad u badan : oggolow ama diid.

Dr Marie-Pierre Allié Madaxeynaha, Médecins Sans Frontières

Qoraalada kale ee ku saabsan General