JAGO BANAAN: Sheybaariiste/ Sumad Lam. 1134

25.08.2011 | General

Dhakhaatiirta aan xuduuda Lahayn waa urur caalami oo aan dowli ahayn. Dhexda dhakhaatiirta aan xuduuda lahayn ee Spain
mashruuceeda soomaaliya, waxaanu hada u qoreeynaa jago ee sheybaariiste, Saldiga Muqdisho.

JAGADA GUUD

Waxay mas´uul ka tahay inay dabakhdo borotokoolada sheybaarka ee MSF raacdana Istaandarka hay´adda MSF.

CADDEYNTA/QEEXIDDA MAS´UULIYADAHA

  • Waxay mas´uul ka tahay hawlaha laga qabto sheybaarka dhexdiisa.
  • Waxay qabaneysaa ayna la soconeysaa   waxii dhiig ku shubid ah ee Isbitaalka Dhexdiisa.
  • Waa inay aqoon u  leedahay borotokoolada sheybaarka ee hay´adda MSF.
HAWLAHA IYO SHAQOOYINKA
  • Waa inay raacdo nidaamka saxa ah ee lagu sameeyo barista kala duduwan(Malaariyo,Hemoglobin,waraabow,HIV,Hepatites B iyo C,baaris uur,Urinalysis,Grouping Test)
  • Waa inay si wanaagsan u aqrisaa natiijada.
  • Waa inay aqoonsataa qofka bixiyay iyadoo raaceyso sifaha: Culeyska,HB,Gouping IWM.
  • Iney sameyso dhiig ku shubid iyadoo raaceyso xeerarka  MSF u yaala:Ogaanshaha nooca cudurka baaris ka horeysa  uuna raaco dhiig ku shubid.
  • Waa inay ilaaliso ku kalsoonaanta  natiijada.
  • Waa inay  hubiso  silsiladda qaboojiyaha: inay dabagal ku sameyso heerkulka,qalabka yaalla,nadaafadda,IWM.
  •  Waa  inay Dabagashaa isticmaalka (maalinlaha ah,toddobaadlaha iyo billaha)  qalabka iyo daawooyinka.
  • Waa inay codsataa dalabka qalabka sheybaarka.
  • Waa inay si wanaagsan  ugu qortaa buugaag warbixinta la ururiyay sameeysaana tiro koob bishiiba  hal mar.
  • Waa inay si wanaagsan u dabakhdaa borotokoolada nadaafadda guud,taxadarrid guud iyo maareynta qashinka.
  • Waa inay kaalisaa kulanka shaqaalaha iyo qeybta tababarka.

XIRFADAHA LEYSKA RABO

  • Waa inay haysataa shahaado  darajo sheybaariistinimo ama tababar la mid ah(ugu yaraan Labo sannadood)
  • Waa inay waayo aragnimo u leedahay  shaqadaan iyo masúuliyadahaan mid la mid ah.
  • Waa inay ku hadli kartaa,aqrin kartaa,qori kartaana afka Soomaaliga.Haddii ay Ingiriis taqaanana waa Faaíido balse qasab ma ahan.
  • Waa inay tahay  qof aan waqtiga kasoo dib dhicin , abaabul leh mas´uuliyad dareensan isla markaana leh xiiso gelin meheredeed.
  • Awooddo inay wax barato,wax abuurto,edboonaan lehna xiriir wanaagsan.
  • Dabacsanaan waa lagama maarmaan,inay awood koox uga dhex shaqeyso leedahayna waa lagama maarmaan.

 

Haddii aad is leedahay waad leedahay shardiyada kor ku xusan, fadlan u soo dir CV­gaaga, waaraaqda dhiirigelinta, photo­kopi shahaadooyinkaaga ah iyo waraaqaha kula tallinta MSF Spain Somalia Xafiiska Nairobi: msferecruitment@gmail.com
,ref:1134
. Waa khasab in aad ku soo dartid 2 shaqaaleeye oo lala xiriiri karo.

Codsiga waa in la soo gudbiyaa ka hor ama 31st bisha Agosto 2011. Dadka la xusho waxay u diyaar garoobayaan imtixaan
iyo waraysi waxyar ka dib waqtigaas. Dadka la xusho keliya ayaa lala soo xiriirayaa

Tags: , ,

Qoraalada kale ee ku saabsan General