Jago Banaan; CAAWIYE KALKAALIYE CAAFIMAAD

25.08.2011 | Qeybta Guud

DHAKHAATIIRTA AAN XUDUUDA LAHAYN EE SPAIN WAXAY RAADINAYSAA  CAAWIYE KALKAALIYE CAAFIMAAD  oo badan  kuwaas OO KA SHAQAYN DOONA Muqdisho SOMALIA.

Waajibaadka Kalkaaliyaha waxaa ka mid noqon doona kumase eka intaan:

1          Wuxuu ka caawin doonaa kalkaaliyaha caafimaadka shaqo maalmeedkiisa ah in uu daryeelo bukaanka cusbitaalka jiifa.

2          Wuxuu hubin doonaa in uu ka warhayo xaaladaha bukaanka.

3          Wuxuu hubin doonaa caalamadaha nolosha ee bukaanka

4          Wuxuu diyaarin doonaa, maamulina doonaa caanaha quudinta.

5          Wuxuu ka qayb qaadan doonaa waacyegelinta bukaanka iyo dadka la socda.

Shuruudaha shaqada:

1          Waa in uu haystaa shahaado dugsi sare.

2          Waa in uu qabaa tababar kalkaaliyenimo ee hore.

3          Waa in uu ku hadlaa, qoraana Afsoomaliga

4          Waa in uu ilaalin karaa xogta caafimaadka ee qarsoodiga ah.

5          Waa in uu yahay si fiican u xiriiri kara, aruursana.

6          Waa in uu yahay qof dadabacsan.

7          Waa in uu yahay qof in lala xisaabtamo aan waxba ka qabin.

8          Waa in uu yahay qof firfircoon

9          Waa in uu awood u leeyahay in uu in badan dhagaysto.

10.Waa in uu ka shaqayn karaa meel dadku leeyihiin dhaqamo kala duwan.

11.MSF sida ay u shaqayso awgeed, dadabacsanaan waa lagama maarmaan.

Haddii aad is leedahay waad leedahay shardiyada kor ku xusan, fadlan u soo dir CV¬gaaga, waaraaqda dhiirigelinta, photo¬kopi
shahaadooyinkaaga ah iyo waraaqaha kula tallinta MSF Spain Somalia Xafiiska Nairobi: msferecruitment@gmail.com ,ref:1133. Waa khasab in aad ku soo dartid 2 shaqaaleeye oo lala xiriiri karo.

Codsiga waa in la soo gudbiyaa ka hor ama 1st  bisha Septemba 2011. Dadka la xusho waxay u diyaar garoobayaan imtixaan iyo waraysi waxyar ka dib waqtigaas. Dadka la xusho keliya ayaa lala soo xiriirayaa.

MSF¬E is an equal opportunity employer.

Tags: , ,

Qoraalada kale ee ku saabsan Qeybta Guud