Xaaladda bani-aadamnimo ee agagaarka xeryaha Dhadhaab oo ka sii dareysa

14.07.2011 | Dhacdooyinka

Hayádda dhakhaatiirta aan xuduudda lahayn ee MSF ayaa soo hubisay in xaaladda nafaqa daro ee haysa qaxootiga Soomaalida ee ku sugan xeryaha Dhadhaab ee woqooyi bari Kiinya ay tahay mid aad u daran. Sidaa darted, Hayáddu waxay siyaadineysaa gargaarka iyo adeegga ay ka bixiso xeryahaas.

Maalinba maalinta ka dambeysa, kumanaan qaxooti Soomaali ah ayaa soo gaara xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab iyagoo ka cararaya rabshadaha Soomaaliya ka taagan. Waxaa xaldda ka sii darsiinaya aabaraaha bahsan ee saameeyay Kiinya iyo Soomaaliya. Guud ahaan gobolka Geeska Afrika ayaa la dhibateysan abaar daran ka dib markii 2 sano oo isdaba joog ah ay dií waayeen
roobaabkii la filaayey. Tan waxaa ay uga sii dareysaa qaxootigga oo soo gaaraya xeryaha iyagoo daalan oona dhiban maadaama ay ku soo jireen safar dheer maalmo ama todobaadyo qaadanaya. Qaxootigaasi ma helaan gargaar ku filan.

Xeryaha qaxootigga ee Dhadhaab waxaa ay ka kooban yihiin 3 xero oo kala ah; Ifo, Xagardeer iyo Dhagaxleey. Dhadhaab waa xerada qaxooti ee ugu weyne aduunka. Haatan xeradaasi wey buuxsantey. Dadka cusub ee soo gaaray xerayahaasi waxey ku khasbanyihiin in ay meel ka baxsan xeryaha degaan oo ay ka sameystaan hoy laga dhisay baakado iyo cooshas. Inkastoo MSF ay dhowr jeer codsatay in xal loo helo in dadka xeryaha ku sugan la kala yareeyo wax jawaab ah meysan helin. Tirada dadka ku sugan xeryaha waxaa ay ku sii socotaa 400,000, inkastoo xeryahaas loogu talagalay in la dejiyo 90,000 oo qof.

MSF waxaa ay adeeg caafimaad siisaa 113,000 oo qof oo ku sugan xerada Dhagaxaley, waxeyna Dhagaxley ku leedahay isbitaal guud iyo ilaa 8 xarumo oo kale oo lagu qaabilo bukaanka.Tirada qaxootiga cusub ee imaanaya ayaa sii kordheysa iyadoo lagu qiyaasi karo 500 oo qof maalin walba. Ku dhawaad 25,000 oo qof ayaa haatan ku nool meel banan ah oo ka baxsan xeryaha Dhadhaab. Tirada dadkaas ayaa la filayaa in ay sii korarto. Tan iyo bilowgii sanadkan kooxaha MSF waxaa ay gargaar u fidinaayeen qaxootiga cusub ee soo gaaraya
agagaarka xerada Ifo, iyagoo sugaya in si rasmi ah loo furo xerada cusub ee (IFO 2) oo sahli doonto bixinta adeegga caafimaad iyo gargaarka bani-aadamnimo.

Nafaqa daro aad u daran oo la dareemayo

Bilowgii bisha June ee sandkan, ayaa waxaa la furay xarun cusub oo lagu qaabilo qaxootiga oo ku taala Dhagaxley oo ay gacanta ku hayaan
maamulada Kiinya iyo hayádda Qaramada midoobe ee u qaabilsan umuuraha qaxootiga ee UNHCR si loo fududeeyo gargaarka la siiyo dadka qaxootiga ah.

Maalin walba kooxaha MSF waxaa ay eegaan xaaladda caafimaad ee dadka soo galaya xeryaha. Iyadoo la baaraayay caruurta ay nafaqa darada haysa ayaa waxaa la ogaaday in tirada caruurnta la il daran nafaqa darada ay tahay mid aad u sareysa. Tan waxaa ay siyaadisay in sara loo qaado baaritaanadii la sameynaayey bartamaha bishii June waxaana xaalada ay noqotay tii laga cabsi qabey oo ah nafaqa daro aad u daran.

Kuleyl aad u daran, biyo laáan iyo nadaafad xumo ayaa dib u dhigta diiwaan gelinta qaxootiga cusub ee soo gaaraya xeryaha taasoo hoos u
dhigtay quudinta dadkaas iyo noolashadooda guud oo sii adkaaneysa. Wakhtigii uu socdey baaritaanka ku saabsan nafaqa darada, gaar ahaan bartamahii June, ilaa 500 oo caruur ah oo ay daádoodu u dhaxeyso 6 bilood ilaa 5 sano jir ayaa la miisaamay. 37.7%, caruurta la baaray oo la miisaamay ayaa ahaa kuwo nafaqa daro ay hayso, 17.5% oo ka mid ah caruurtaasina aad ayey ula il daranaayeen nafaqa
darada. Caruur ilaa 10 sano jir ahna waxaa ka muuqatay nafaqa daro. “Waxaa aad u daran xaalada nafaqa darada. Aad ayaan uga

walwal qabnaa,” ayey tiri Monica Rull, oo ah Madaxa Mashaariicda Kiinya iyo Soomaaliya ee hayádda MSF.

“Waxaan filaya in xaaladdu tan ka daran ay soo baxdo laakiin ma filaayi in ay noqoto musiibo aad u weyn,” ayey tiri Anita Sackl, Agaasimaha Baaridda nafaqa darada. “Inta badan dadka xeryaha imaanaya waxaa ay ka soo carareen gaajo, ma aha keliya in dalkoodi uu saameeyay dagaala socdey mudo dher,” ayey ku dartay Anita.

Xaladan oo ah mid kasii dareysa awadeed, MSF waxaa ay ku dartay barnaamijyada daweynta nafaqa darada oo ka wado xeryaha Dhagaxleey, caruurta da’doodu ay ka sareysa 5 sano jir.

Gargaarka baniaadamnimo tartiib ayuu u socdaa

Dib u dhigidda bixinta gargaarka baniaadamnimo ayaa noqotay dhibaata kale.  Qaxootiga waa in ay sugaan mudo 40 maalmood ah ka hor inta aysan diiwaan gelinin UNHCR iyo in ay helaan Kaar ay ku heli karaan cunto joogta ah. Ilaa 40 kaasi maalmood, waxaa ay helayaan oo kali cuno ku filan 2 malmood iyo caag biyo lagu keydsado oo 5 litar ah.

“Tan waa mid aan la aqbali karin,” ayey tiri Monica Rull. Hasayeeshee, Monica waxey soo dhaweyneysaa dib u habeynta la sameeyay wixii ka dambeeyay bilowga bishii July. “Tan iyo bilowgii July, qaxootiga cusub waxaa ay helayaan cunto ku filan mudo 15 malmood ah. Laakin
weli intaasi kuma filna. Barnaamijka cunada aduunka ee (WFP) waa in uu hubiyo in la bixiyo cunto joogta ah. Waa in dhamaan xeryaha Dhadhaab laga sameeyo baaritaan ku saabsan xaaladda nafaqa darada. Caruurta ilaa 10 sano jirka ah waa in lagu daro baaritaankaasi si looga qeyb geliyo barnaamijyaasi.”

Sidoo kale hayádda MSF waxaa ay ugu baaqeysaa hayádaha u xil saran diiwaan gelinta qaxootiga cusub in ay dadajiyaan qorshaha diiwaan
gelinta. Haatan, xeryaha Dhadhaab waxaa jira 1 xarun oo kali ah oo lagu diiwaan geliya qaxootiga taas oo ku taala xerada Ifo.

Goobaha qaar oo ka baxsan xerada Dhagaxley oo ay qaxootigu iskood u dageen, MSF waxaa ay aragtay dad aan xitaa helin 3 litar oo biya ah maalintiba. Biyahaasi waxey ku filanyihiin oo kali cabitaan looga talagalay goobaha ay cimiladu kulushahay iyadoo waliba an xitaa lagu dhowri Karin nadaafadda.Sidaasi darted waxaa loo baahanyahay in la kordhiyo biyaha la siiyo qaxootiga. Kooxaha MSF waxaa ay bilaabeen in maalin walba qeybiyaan in ka badan 100 fuusta oo biya ah oo ay lagu qaado baabuur.

Barnaamijka cafimaadka MSF oo sii balaaranaay

Cadaadis hor leh ayaa sii saarmaya isbitaalka Dhagaxaley ee ay maamusho MSF iyo sidoo kale xarumaha kale 5nta ah. In ka badan 1,600 oo caruur ah oo nafaqa dara aad u daran ay haysa ayaa haatan la siiya adeeg nafaqeyn ah, iyo in ka badan 700 oo qof oo hor leh ayaa laga diiwaan geliyaa isbitaalka todobaad walba. Inta badan bukaanka waxaa ay ka imaadaan xarunta cusub ee caafimaad oo goor dhaw la furay taas oo ku taala aagga ay dagaan qaxootiga cusub ee soo gaaraya xerada.

Todobaadkii nagatagey, shaqaalaha MSF waxaa ay diiwaan geliyeen 107 qof oo cusub kuwaas oo barnaamij nafaqeyn ah laga qeyb geliyey
todobaadkan. Iyadoo xaruntu ay ahayd mid ku howl galeyso in qiyaasteeda ka badan, ayaa hadana waxaa lagu siyaadiyey 60 sariirood oo loogu talagalay bukaan jiifka.

MSF waxaa ay ugu baaqeysaa dhamaan dhinacyada ku lug leh bixinta gargaarka xeryaha in ay kordhiyaan hwolaha ay wadaan si dadka ay u helaan gargaar ku filan. Taasi waxaa ka mid ah in gargaar dadka loogu geeyo goobaha xadka ku dhow iyo in la helo xal kama dambeys ah oo lagu kala yareyn karo dadka xeryaha ku sugan.

MSF waxaa ay adeeg caafimaad iyo gargaar baniaadamnimo ka bixineysey Kiinya tan ito 1992 dii waxeyna xeryaha Dhadhaab ka shaqeyneysay mudo 14 sano ah. Tan iyo 2009kii, MSF waxaa ay aheed hayádda kali ee ka bixisa xerada Dhagaxleey gargaar baniaadamnimo ee caafimaad iyadoo isbitaal 170 sariirood leh iyo 5 xarumood oo kale ee caafimaad. Xarumahaasi waxey u adeegaan
dadka ku nool xerada Dhagaxleey oo gaaraya 113,000.

Tags: , , , ,

Qoraalada kale ee ku saabsan Dhacdooyinka