Soomaaliya: Dadka Abaaruha ka Qaxaya oo sii Badanaya

22.07.2011 | Dhacdooyinka

Iyadoo in ka badan 2000 oo qof oo Soomaali ah oo raadsanaya kaalmo ay u gudbayaan xuduudaha dalalka Kiinya iyo Itoobiya maalin walba, gudaha dalka Soomaaliya nafahaantiisa waxaa aad u soo badanaya barakaca dadka u baahan cunto iyo gargaar caafimaad. Kooxaha MSF ee dalka Soomaaliya ayaa la tacaalaya dadka ku barakacay dalka gudahiisa kuwaas oo tiradooda ay sii kordheysa iyagoo soo gaaraya xarumaha taakuleynta caafimaad, nafaqeynta iyo quudinta ee MSF ka dib markii ay soo maraan safar aad u dheer.

Luul Sankuus oo ah hooya Soomaaliyeed ayaa iyada iyo ninkeeda waxaa ay soo safreen 160 KM si ay u gaaraan xaafdda Hurufle ee dooxada Juba.

“Muda 9 bilood ah maanan arag gobolka anaga. Waxaan nahay beeraley. Markii ay roobabki dií waayeen wax noo harayna aysan jirin waxaan goáansanay in aan kasoo qaxno degmada Diinssor. Ninkeyga iyo 2 caruurteena ka mid ah waxey kasoo lugeeyeen Diinssor ilaa xaafadda Hurufle oo haatan aanu ku nahay barakacayaal dalka gudahiisa ku sugan. Hurufle waxaan nimid ka dib markii uu wilkeyga yar uu aad u xanuunsaday. Mahaysanin wax daawo, cuno ama hoy ah sidaa darteed waxaa laigula taliyey in aan geeyo isbitaalka MSF ee Mareerey. Sidaa ayaana halkaan ku jooga,”

Xaaladda musiibada haatan jirta waxaa calaamad u ah dadka tirade badan oo haatan ka qaxay tuulooyinka iyo goobaha miyiga ka dib markii abuurkii beeraha uu halaagsamay xoolihina ay dhamaaden.

“Barakaca ma aha wax ku cusub Soomaalida. Ayuu leehyahay Joe Belliveau. “Sanadihii ugu dambeeyey boqolaal kun ayaa ka barakacaday
rabshadihii ka socdey Muqdisho iyo goobaha kale. Arinta cusub ayaa ah dadka oo haatan ka qaxaya tuulooyinka sababtu ma haystaan wax ay cunaan,”

Xeryo looga talagalay dadka barakacay ayaa laga dhisayaa gudaha Soomaaliya meel walba oo aay dadku dareensanyihiin in ay ka heli karaan gargaar. Mathalan xaafadda Jilib oo ka tirsan dooxada Juba ku dhawaad 5,000 oo qof ayaa iska degay xero cusub iyagoo raja ka qabo in ay gargaar ka helaan dadka deegaanka, maamulada ama MSF.

MSF haatan waxey maamushaa 9 xarun oo nafaqeyn iyo quudin ah kuwaas oo ku yaala gobolada dhexe iyo kuwa Koonfurta Soomaaliya. Xarumahaas badankood waxaa ay ku yaalaan gooba ay maamusho al-Shabaab, iyo 3 da xarun ee waaweyn oo ay MSF ku leedahay xeryaha ku yaala Kiinya iyo Itoobiya kuwaasoo ay kumanaan qof la talin cafimaad ku siiso maalin walba iyadoo sidoo kale daaweysa
10,000 oo caruur ah oo ay hayso nafaqa daro.

“Gooba badan oo ka tirsan Soomaaliya xaaladda hadda ka taagan ayaa ah tii ugu xumeed oo aan aragno 10kii sanoo la soo dhaafay,” ayuu yiri Mr Belliveau. “Agabka caadiga ah oo aan ugu talagalnay aad ayaa loo isticmaalaa.  MSF waxaa ay diyaar u tahay in ay kordhiso
howlaheeda laakiin waa in cadaadiska qaar la qaado. Haddi loo ogolaado in shaqaalaheeda caalamiga ah ay ka garab shaqeeyaan kuwa wadaniga ah oo ka badan 1000 qof oo Soomaali ah, loona ogolaado in ay si toos ah dayuurada sida daawooyin u duulaan Soomaaliya, waxey diyaar u tahay in ay kordhiso howlaheeda,”

Hadaladii ugu dambeeyay ee al-Shabaab waxaa ay cadeynayaan in ay rabto in la kordhiyo gargaarka bani-aadamnimo ee la bixiyo, laakin iyadoo ay jiraan cadaadiska la saaray shaqaalaha caalamiga ah iyo duulimaadyda waxa ay qaban karta ayaa ah wax aad u yar.

MSF waxaa ay si joogta ah uga shaqeyneysay Soomaaliya tan iyo sanadkii 1991. Haatan waxaa ay adeeg caafimaad oo bilaash ah ka bixisaa 8 gobol oo ka tirsan Koonfurta Soomaaliya. In ka badan 1,400 oo shaqaala Soomaali ah ayaa ka howgala xarumahaas iyadoo ay taageerayaan 100 kaloo shaqaala caalami ah oo ku sugan Neyroobi. Kooxaha MSF ayaa dalka Soomaaliya ka bixiya adeegyo isugu jira adeega asaasiga ah ee caafimaad, nafaqeyn, qaliin, biyo dhaamin  iyo taageeridda dadka ku barakacay dalka gudahiisa. MSF wax lacag ah kama ogolaato dowladaha si ay u maal geliso mashaaricda ay ka fulisa Soomaaliya. Dhamaan deeqaha ay hesho waxaa bixiya shaqsiyaad gaar ah

Tags: , , , , ,

Qoraalada kale ee ku saabsan Dhacdooyinka