MSF oo Kor u Qaadeysa Hawlaha Wax Looga Qabanaayo Nafaqo-xumada ee Geeska Afrika

11.07.2011 | Dhacdooyinka

Isbitaalka MSF ee Dhagaxley, Xeryaha Dhadhaab, Kiinya©Yahya Dahiye

Ururka ayaa Rajeynaya in hawlihiisa uu ku sii baahiyo Dhulka ay ka taliso Al-Shabaab

Baaqii mid ka mid ah kooxaha hubeysan ee Soomaaliya, dhaqdhaqaaqa islaamiga ah ee Al Shabaab, uu ku baaqey in ururrada gargaarka ee ajnebiga ah lagu soo dhoweynayo dhulka ay xukumaan ayaa kor u qaadey rajadii laga qabey in kor loo qaado gargaarka sida weyn loogaga baahan yahay gudaha dalka, sidaa waxaa yiri ururka caalamiga ah ee caafimaadka iyo bani’aadamnimada ee Médecins Sans Frontières
(MSF).

“MSF waxaa ay si joogto ah uga shaqeyneysaa Soomaaliya muddo ka badan labaatan sano iyada oo maamusha barnaamijyo caafimaad oo baaxad leh,” ayuu yiri Joe Belliveau, oo ah maareyaha hawlgallada MSF. “Waxaa inoo suuragashey in aan mashaariicdeenna ka sii wadanno degaannada ay Al-Shabaab ka taliso, laakiin xayiraado dhinaca sahayda iyo shaqaalaha caalamiga ah oo la soo rogey ayaa naga hor-istaagey in aan sii ballaarinno hawlaheenna. Waxaan rajeyneynaa in baaqa Al Shabaab uu horseedo in la qaado xayiraadahaas.”

Kooxaha MSF ayaa waqtiyo dheeri ah ku shaqeynaya degaanno kala duwan oo Soomaaliya ka  mid ah, waxaana ay sidoo kale gargaarayaan qaxootiga daallan ee ka soo gudbaya xuduudda Soomaaliya ee soo galaya Itoobiya iyo Kenya.

“Badi barnaamijyada quudin-ku-daweynta ee aan ku leenahay Soomaaliya ayaa u adeegaya dad ka badan intii loogu talogaley iyada oo 3400 oo carruur ahi ay hadda ku jiraan barnaamijyada aan dalka gudihiisa ka wadno. Toddobaadyadii la soo dhaafey waxaan aragney in ay si aad ah kor ugu kacayaan xaaladaha daaweynta u baahan iyada oo dadka qaar ay soo safrayaan boqollaal kiilomitir si ay u helaan
daryeel caafimaad iyo si ay daaweyn ugu helaan carrruurtooda ay nafaqo-xumadu hayso” ayuu hadalkiisa raaciyey Mudane Belliveau.

‘Cadar Maxamuud, oo ah hooyo 19-sano-jir ah oo hal ilmood dhashey, ayaa soo safartey 250 km si ay ilmaheeda tabar-darsadey u
keento xarunta daaweynta ee MSF ee Gaalkacyo. Gabadheeda 11ka bilood jirta ee Nimco magaceedu yahay, safarkaas dheer waxaa uu ku sigtey in uu noqdo mid lala soo daahey oo waqti dheer qaatey. “Iskama bixin karin kharashka gaadiidka (200,000 Sh.So ~8 USD), ma jirto cid igu biisha Gaalkacyo; waxaana ku noolahay waxa bukaannada kale iyo dadka daryeelaya ay i siiyaan.” Cadar ma garaneyso sida ay ugu noqon doonto gurigeeda, waxaa ay aaminsan tahay in xalka keliya ee muuqda uu yahay in ay iska iibiso raashinka la siiyo marka ay xarunta caafimaadka ka baxayso si ay isaga bixiso kharashka gaadiidka.

Degaamada kale ee Soomaaliya ka mid ah xaaladdu tan kama duwana. “Magaalada Mareerrey [koonfurta Soomaaliya] waxaan ku aragney in si aad ah ay kor ugu kaceen xaaladaha nafaqo-xumada ba’an ee dadka ka imaanaya guud ahaan dooxada Jubba,” ayuu intaa ku darey Mudane Belliveau. “Badi sariiraha cusbitaalka Mareerrey waxaa waqtigan ku jiifa carruur ay nafaqo-xumo hayso oo u baahan daryeel xaalad degdeg ah, waxaa la qaatey shaqaale dheeri ah si ay arrinta gacan uga geystaan.”

Isbitaalka Dhagaxley ee MSF, Xeryaha Dhadhaab, Kiinya©Yahya Dahiye

Isla waqtigaa, tobanaan kun oo Soomaali ah ayaa u soo cararayey Kenya iyo Itoobiya iyaga oo doonaya gargaar ay helaan. Xerada
qaxootiga Dhadhaab ee baaxadda weyn ee ku taalla bariga Kenya ayaa si dhaqso badan ay u kordhayeen dadka cusub ee imaanaya. Qiimeyn laga sameeyey goobaha ka baxsan degsiimooyin ka mid ah xerada Dhadhaab, ayaa kooxaha MSF ay ku arkeen heerar nafaqo-xumo oo aad u sarreeya oo ka dhex jira dadka cusub ee imanaya. [heer 37.7% nafaqo-xumada guud ee ba’an ah, iyada oo 17.5% ay qabaan
nafaqo-xumo aad u ba’an]. Taas waxaa ka dhalatey in MSF ay 320 carruur ah ay dhigaan bukaan-jiifka Xarunta Quudin-ku-daweynta bishii Juunyo oo keliya – taas oo ah saddex-laabka tiradii bishaan oo kale sanadkii hore. Sahanka ayaa sidoo kale lagu ogaadey in 43.3% carruurta da’doodu ay u dhaxayso shan ilaa 10 sano jir ay nafaqo-xumo hayso.

MSF waxa ay aad uga welwelsan tahay daahidda uu daahayo gargaarka la siiyo qaxootiga cusub ee Dhadhaab. Muddada ay ku qaadato in
qaxootiga yimaada xerada Dhadhaab ay raashinka ugu horreeya qaataan ayaa gaari karta ilaa 40 maalmood. ”Qoysaska imanaya Dhadhaab waxaa ay raadinayaan meel ay ku nabadgelaan, mana ahan mid la aqbali karo in muddada sidan u dheer ay sugaan
gargaarka aasaasiga ah ee cuntada iyo biyaha,” ayaa ay tiri Emilie Castaigner, oo ah Madaxa Ergada MSF ee Kenya.

Degaanka Doolow Addo, ee koonfurta-bari ee Itoobiya ayaa ilaa 1400 qof oo qaxooti ah ay maalin kasta xuduudda ka soo gudbaan, iyada 2700 ay soo gudbeen maalintii 28kii Juunyo oo keliya.

“Sahan dhowaan laga sameeyey qaar ka mid ah xerooyinka ayaa lagu ogaadey in ay nisbo nafaqo-xumo ba’an oo 33%  ah ay ka dhex jirto carruurta 5 sano jirka ka yar, iyo nisbada geerida oo ah 4,04 dhimasho 10,000 ee carruuur ah maalin kasta Malkadida  - labadan tiroba waa kuwo laba-laab ka sarreeya heerarka ugu hooseeya marka ay xaalado degdeg ahi jiraan –  iyo 2.26 oo tan Boqol Maanyo ah – tani sidoo kale waa mid ka sarreysa heerka ugu hooseeya marka ay xaalado degdeg ahi jiraan”, ayaa ay tiri Elena Estrada, La-taliyaha Arrimaha Bani’aadamnimada ee MSF ee Kenya iyo Itoobiya.  “Marka ay imanayaan Itoobiya ee ay ku jiraan Xerada Lagu Sii Hakado, ka hor inta aaney gaarin xerooyinka loo wareejiyo, ayaa 37% carruurta ka yar 5 sano jirka ee ay baartey MSF ay yihiin kuwo nafaqo-xumo ay hayso.”

“MSF waxa ay kordhineysaa baaxadda hawsheeda [xerooyinkan dhexdooda] laakiin waxaa ay ku dhowdahay in ay gaarto halkii ugu sarreysey ee ay hawsheeda gaarsiin kartey”, ayuu yiri Alfonso Verdú, oo ah Madaxa hawlgallada MSF ee Itoobiya.” Waxaa muhiim ah in hay’ado kale ay ka soo qaybgalaan wax ka qabashada dhibaatooyinka dhinaca nafaqada ah halka kuwa hadda jooga ay tahay in ay ka soo
baxaan mas’uuliyadahooda si aaney u dhicin geeri badan oo ku timaadda dad badan oo nugul.

MSF waxaa ay si joogto ah uga shaqeyneysey Soomaaliya tan iyo 1991 waxaana ay hadda daryeel caafimaad oo lacag la’aan ah ku bixisaa siddeed gobol oo ku yaalla koonfurta Soomaaliya. In ka badan 1,300 shaqaale Soomaali ah, oo ay taageerayaan ku dhowaad 100 shaqaale ah oo Nayroobi jooga, ayaa lacag la’aan ku bixinaya daryeelka caafimaadka aasaasiga ah, daaweynta nafaqo-xumada, daryeel caafimaad iyo taageero ay siiyaan dadka barokacay, qalliin, qaybinta biyo iyo sahay gargaar. MSF dowladna kama qaadato
wax maaliyad ah oo ay ku fuliso mashaariicdeeda Soomaaliya ay ka waddo, waxaana dhammaan maaliyaddeeda ay ka timaaddaa deeq-bixiyeyaal shakhsi/gaar ah.

Qoraalada kale ee ku saabsan Dhacdooyinka