MSF: Daahin iyo Caqabado kale ayaa la isugu darey Soomaalida u baahan gargaarka iyo magangelyada

25.07.2011 | War-Saxaafadeed

 

© Serene Assir/MSF Children arriving at one of five MSF-run health posts in Dadaab refugee camp, Kenya are weighed as one of the measures taken by the medical staff to check whether or not they are suffering from malnutrition.

Nayroobi, 22 Luuliyo 2011 – Iyada oo lagu xisaabtamayo dhibaatooyinka nafaqada la xiriira ee ka jira Soomaaliya, ayaa ururka caalamiga
ah ee gargaarka caafimaadka ee Médecins Sans Frontières (MSF) waxaa uu dhammaan dhinacyada kala duwan ee Soomaalida, dalalka deriska ah iyo bulshada caalamkuba ku tirtirsiinayaa in ay si ballaaran u wanaajiyaan gargaarka ay siiyaan dadka Soomaaliyeed ee gobolka ku nool iyo in ay meesha ka saaraan dhammaan caqabadaha waqtigaan hortaagan in la baahiyo gargaarka madax bannaan ee gudaha Soomaaliya gaaraya.

Dhibaatooyinka waqtigan taagan waxaa ay inta badan saameynayaan dadka Soomaaliyeed. Si loo qiimeeyo guud ahaan baahida dadweynaha iyo si loo ballaariyo waxqabadka degdegga ah ee deegaankan dhibka badan, ayaa waxaa muhiim ah in si madax-bannaan oo degdeg ah loo gaaro gudaha Soomaaliya.

Iyada oo uu kooban yahay gargaarka lagu helo gudaha Soomaaliya, ayaa kumanaan Soomaali ah waxaa ay toddobaad kasta imanayaan
xerooyin kala duwan oo ku yaalla degaamada xuduudda ah ee dalalka deriska la ah ee Kenya iyo Itoobiya. Kooxaha MSF ayaa ku soo warramaya in heerarka nafaqo-xumada ee dadka cusub ee imanaya ay aad u sarreeyaan. Mid ka mid ah saddexdii carruur ah ayaa qaba nafaqo-xumo ba’an. Carruurta iyo qoysaskoodaba waxaa soo wajaha daahid badan sababo la xiriira xuduudda xiran, caqabado dhinaca maamulka ah ee goobaha qaabilaadda ee xerooyinka ku qabsada ka hor inta aaney loolan u gelin gargaarka kooban ee lagu helayo xerooyinka qaxootiga ee buux-dhaafey, jahawareerku ka jiro oo ay dadku ku badan yihiin sida xerada Dhadhaab ee Kenya iyo tan Doolow Addo ee Itoobiya.

Guud ahaan gobolka ay dhibaatadu saameysey ayaa MSF waxaa ay in ka badan 10,000 carruur ah oo ay nafaqo-xumo ba’an ay hayso ay ku daaweyneysaa xerooyinkeeda quudinta iyo rugaheeda caafimaadka. ‘Qof kasta oo ay dhibaatadu saameysey waa in uu gargaar ku helaa gudaha Soomaaliya ama marka uu u soo qaxayo dalalka deriska la ah, ayaa uu yiri Jean Clément Cabrol oo ah Agaasimaha Hawlgallada ee MSF. ‘Kenya iyo Itoobiya ayaa martigeliya tirada ugu badan ee qaxootiga Soomaalida ah waana in dalalkaas ay mudnaanta siiyaan furitaanka xerooyin cusub iyo sii wanaajinta kuwa hadda jira. Laakiin bulshada caalamka waxaa saaran mas’uuliyad ay wadaagaan oo ah in ay caawiyaan dadka Soomaalida ah ee magangelyada doonaya iyaga oo hubinaya in ay si hufan u
diiwaangeliyaan, raashin iyo hoy ku filanna ku siiyaan xerooyika hadda jira iyo kuwa cusub ee la sameynayo. Xayiraadaha iyo caqabadaha maamul ee hadda jira ayaa sababaya daahid aan loo baahneyn waana in la qaadaa dhammaan tallaabooyinka wax looga qabanayo xaaladda degdegga ah ee jirta.’

Dadka Soomaaliyeed ee uu daciifiyey iskahorimaadka labaatanka sano socdey, ayaa waxaa xaaladdooda uga sii darey beerihii oo aan u soo go’in abaarta daraaddeed iyo xoolihii oo ka dhammaadey iyo qiimihii cuntada oo kor u kacay. Xayiraadda hadda saaran dhaqdhaqaaqa
shaqaalaha gargaarka ee caalamiga ah iyo waddooyinka ay sahaydu u soo marto hay’adahooda ayaa sii daahiyey oo sii yareeyey gargaarka ay heli karaan dadweynaha. ‘Xarumaheenna quudinta ayaa u adeegaya dad ka badan intii markii hore loogu talogaley waxaana toddobaad walba ay degaannada qaar ay ku qaabilaan bukaanno toddoba laab ka badan kuwii sanadkii hore ay qaabileen.” Ayaa uu yiri Arjan Hehenkamp oo ah Agaasimaha Guud ee MSF. ‘Waqtigan waxaa aan Soomaaliya gudaheeda ku daweyneynaa in ka badan 30,000 carruur ay nafaqo-xumo hayso ah: ilaa 600 oo ay da’doodu ka hooseyso shan sano jir ayaa ku jira xarumaha quudin ku daweynta degdegga ah waxaana in ka badan 2,500 ay ku jiraan xarumaha quudinta bukaan-socodka. Waxaan degdeg ugu baahannahay in aan geyno kheyraad kale si aan u caawinno dhammaan dadka dhowaan yimid iyo si aan kor ugu qaadno hawlaha aan ka wadno dhammaan gobollada ay dhibaatadu saameysey.’ Goobo kala duwan, sida dooxada Jubbada Hoose, waxaa ka soo if-baxaya xerooyin iska sameysmay oo ay ku nool yihiin ilaa 5,000 qof oo ka soo cararey tuulooyinkooda iyo degaamada miyiga ah iyaga oo soo raadsanaya cunto iyo gargaar. 

‘Dagaalka Soomaaliya, xayiraadaha saaran diyaaradaha sahayda sida, shaqaalaha caalamiga ah ee taageerada bixiya iyo sidoo kale caqabado dhinaca maamulka ah ayaa ka wada qaybqaatey culayska hadda haysta dadka Soomaaliyeed’, ayaa uu yiri Unni
Karunakara,
oo ah Madaxweynaha Caalamiga ah ee MSF. ‘Waxaa muhiim ah in meesha laga saaro xayiraadaha iyo caqabadaha saaran gargaarka bani’aadamnimada maaddaama xaaladdu ay sii xumaaneyso.’

MSF waxaa ay si joogto ay Soomaaliya uga shaqeyneysey tan iyo 1991gii waxaana hadda ay daryeel caafimaad
oo lacag la’aan ah ku bixisaa siddeed gobol oo koonfurta Soomaaliya ka mid ah. In ka badan 1,400 shaqaale Soomaali ah, oo ay taageerayaan ku dhowaad 100 shaqaale ah oo Nayroobi jooga, ayaa daryeelka caafimaadka asaasiga ah, daaweynta nafaqo-xumada, daryeel caafimaad iyo taageerada dadka barokacay, qalliin, qaybinta biyo iyo sahay gargaar ku bixiya 9 goobood oo ku yaalla Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya.

MSF dowladna kama qaadato wax maaliyad ah oo ay ku fuliso mashaariicdeeda Soomaaliya, waxaana dhammaan
maaliyaddeeda ay ka timaaddaa deeq-bixiyeyaal gaar ah.

Tags: , , , ,

Qoraalada kale ee ku saabsan War-Saxaafadeed