Kud ka guur oo qanjo u guur: Xaaladda dhibbanayaasha la dayacay ee iskahorimaadka Liibiya

08.07.2011 | Qeybta Guud

© Eddy McCall/MSF     Isbitaalka Al Nur Hospital ee magaalda Misrata, Liibiya.Hordhac

Tan iyo bilowgii dagaalka Liibiya, ayaa dad rayid ah oo ka badan hal milyan ay ka carareen iskahorimaadka, kuwaas oo badidoodu ay xuduudda uga gudbeen dalalka Tuniisiya, Masar, Aljeeriya, Jaad, Nayjar iyo Suudaan. Kuwo kale ayaa ka gudbey badda Miditereeniyanka oo gaarey Maalta iyo Talyaaniga. Iyada oo aan loo eegeynin dalalka ay u kala dhasheen, ama sababtii markii hore ay u joogeen Liibiya, dadkaan waxaa kulmiya in ay ka soo baxsanayaan dagaal. Waxaa ay ka soo baxsanayaan dagaal iyo rabshad, mararka qaarna xadgudub lala soo beegsado. Dadkaan waxaa ka mid ah rag, haween, carruur iyo waayeel, waxaana ay la soo carareen nafahooda.

Dhibbanayaashan dagaalka waxaa ay magan-gelyo u doonanayaan meel kasta oo ay kari karaan, iyaga oo rajeynaya meel ay ammaan ku helaan. Marka laga soo tago dadka u dhashey Liibiya, waxaa kale oo ka mid ah dad ka yimid Nayjeeriya, Suudaan, Soomaaliya, Eretriya, Bangaladesh iyo ugu yaraan 20 dal oo kale. Kuwan oo ay ururrada caalamiga ahi u bixiyeen ‘muwaadiniin dal saddexaad u dhashey’ waa dad horeyba uga soo cararey dalalkii ay asal ahaan ka soo jeedeen, iyaga oo raadinaya siyaabo ay ku badbaadaan – iyaga oo ka soo cararaya dagaal, rabshad/cunfi ama saboolnimo. Qaar badan waxaa markii ay u soo safrayeen Liibiya ku sugnaayeen xaalad adag oo aan degganeyn.

Tani waa sheekada qarsoon ee iskahorimaadka Libya. Dagaalku saameyn kuma yeelan oo keliya muwaadiniinta reer Liibiya, laakiin waxaa uu sidoo kale saameyn ku yeeshey 2.5 milyan oo muhaajiriin ka shaqeeya, ku nool ama safar ku soo mara dalkaa. Dalka Liibiya oo siyaasad xuduudo furan ku dhaqmi jirtey waxaa uu muddo dheer ahaa dal soo jiita shaqaale ka yimaada dunida Carabta, dalalka Afrika ee ka hooseeya Sahara iyo dalal kale oo soo koraya. Iyada oo tobankii sano ee ugu dambeeyey iyo muddo ka badanba, dalku noqdey mid qayb weyn kaga jira “la-dagaallanka” muhaajiriinta aan dokumentiyada wadan ee ku socda Yurub, ayaa Liibiya waxaa ay xakameysey socdaalka.

Dagaalka Liibiya ayaa weli socda, iyada oo duqeyn culus toddobaadyadii dhowaa laga soo sheegey hareeraha Misrata iyo Tiriboli. Magaalada Misrata, ayaa goobta (furinta) hore ee dagaalka waxaa ay dhowr kiilomitir oo keliya u jirtaa bartamaha magaalada, halka degaanka Buuraleyda Galbeed, ay goobaha dagaallada ka socdaan ay u sii siqayaan dhinaca waqooyiga degaanno ay dadka ku nooli badan
yihiin. Sidaa daraaddeed, tiro aan hore loo arag oo muwaadiniin Liibiya u dhashey ah ayaa ka cararaya dhulkooda, sida lagu arkey meelaha lagu gudbo xuduudd u dhexeeysa Tuniisiya iyo Liibiya. Degaannada qaar, dadweynaha ayaa ku xayirmey goobo dagaal oo xaaladahoodu aad u adag yihiin.

Ku dhowaad 600,000 qof oo ka mid ah halka milyan qof ee rayidka ah ee ka cararey iskahorimaadka waa muhaajiriin. Marka ay xuduudda Liibiya ka soo gudbaan, muhaajiriintan waxaa lagu magacaabaa ‘muwaadiniin dal saddexaad u dhashey’. Kuwaan waxaa ka mid ah muhaajiriin doonaya in ay ku noqdaan dalkooda, iyo sidoo kale qaxooti la aqoonsadey iyo magangelyo doon. 256,700 ee muwaadiniinta dalka saddexaad u dhashey ee galey dhinaca Tuniisiya ee xuduudda, ayaa qaar badan oo ka mid ahi waxaa ay ku noqdeen dalalkooda.
Haseyeeshee, 4,000 qof  – oo badidoodu yihiin dad u dhashey dalalka Afrika ee ka hooseeya Sahara – ayaa u noqon karin ama u noqoneyn sababo kala duwan daraaddood, kuwaas oo ay ka mid yihiin xaalado halis ah oo adag oo ka jira dalalkooda.
18,000 qof waxaa iyagoo doomo saaran ay ka degey xeebaha Talyaaniga tan iyo markii uu dagaalku bilowdey, kuwaas oo badidoodu ay ka carareen degaanka Tiriboli. Kuwanna badidoodu waxa ay u dhasheen dalalka Afrika ee ka hooseeya Sahara, iyaga oo nafahooda halis geliyey si ay uga tallaabaan badda Mediteraniyanka iyaga oo saaran doomo dadku ay buux-dhaafiyeen oo aan u habbooneyn in ay badda maraan. In ka badan 1,800 oo rag, haween iyo carruur isugu jira ayaa badda ku maashoodey ka dib markii ay doomahoodii degeen.

Ka dib markii dhowr jeer ay ugu baaqdey dalalka ku lugta leh dagaalka Liibiya in ay si habboon u qaabilaan, u gargaaraan una ilaaliyaan dhibbanayaasha dagaalkaa, ayaa, Médecins Sans Frontières (MSF) waxaa ay dooneysaa in ay dareenka dadka ku soo jeediso xaaladda 20,000 ee qof ee ka soo cararey dagaalka oo haatan ku xayiran xerada Shousha ee dalka Tuniisiya iyo xarumaha dadka soo-galootiga ah lagu qaabilo ee Talyaaniga. Dhibbanayaashan iskahorimaadka Liibiya ee la dayacay ayaa ay hadda xaalado qaabilaad oo liita iyo ilaalin aan ku filneyn ay ku haystaan dalalkii ay ammaanka u doonteen. MSF waxaa ay warbixintan kooban oo ku saleyneysan wixii ay ogaatey
muddadii ay dadkaan ugu adeegeysay Tuniisiya iyo Talyaaniga ka qoreysaa dhibaatoyinka ba’an ee ay arrintan ku yeelatey caafimaadkooda iyo nafahooda, waxaana ay tilmaameysaa baahida degdegga ah ee loo qabo ilaalin ka taabogalsan tan hadda jirta iyo waxqabad bani’aadamnimo oo ka xooggan kan hadda.

Waxqabadka MSF ee ku aaddan iskahorimaadka

Tan iyo markii ay shaqaaqooyinka bilowdeen bishii Febraayo, MSF waxaa ay gargaar caafimaad oo degdeg ah oo lacag la’aan ah siisey dadka uu saameeyey iskahorimaadka Liibiya (ee ku nool Benqaasi, Misrata, Zintan iyo Yefren), iyo sidoo kale kuwa u cararey Tuniisiya (Xerada Shousha, Ramada, dehiba iyo Tataouine) iyo Talyaaniga (Lampedusa iyo Mineo, Sicily). Maanta, MSF waxaa ay si weyn ugu
dadaaleysaa in loo oggolaado in ay gasho gobolka Tiriboli halkaas oo baahiyaha bani’aadamnimo ee ka jira ay badidoodu weli yihiin kuwo aan wax laga qaban.

Xerada Shousha, ee ku taalla xuduudda Tuniisiya iyo Liibiya, ayaa kooxaha MSF waxaa ay ku bixinayaan daryeel caafimaad oo aasaasi ah iyo daryeel caafimaadka dhimmirka ah. Tan iyo horraantii Maarso, MSF waxaa ay waddey barnaamij caafimaadka dhimmirka ah, maaddaama dad tiro badan ay goob-joog u ahaayeen ama ay toos u soo wajahdey rabshad intii ay ka soo cararayeen Liibiya. Intaa ka sokow, kumanaan dad magangelyo-doon iyo qaxooti ah oo u dhashey dalalka Afrika ee ka hooseeya Sahara ayaa ah kuwo ay la soo gudboonaadeen dhibaateyn iyo dhaqan-xumo loogu geystey Liibiya ka hor intii aanu dagaalku bilaaban, kuwaas oo ay haystaan dhibaatooyin dhimarka la xiriira oo aad u ba’an.

Jasiiradda Talyaanigu leeyahay ee Lampedusa, ayaa MSF waxaa ay baaritaan caafimaad ku sameysaa dadka marka ay yimaadaanba, waxaana ay hubisaa in daryeel caafimaad ay helaan kuwa ku jira xarumaha dadka lagu hayo ee jasiiradda ku yaalla. Muddadii u dhaxaysey Febraayo ilaa Juunyo 2011, MSF waxaa ay 15,000 qof ku gargaartey Lampedusa ka dib markii ay ka soo carareen iskahorimaadka Liibiya. Ku dhowaad 1,800 oo la-talin caafimaad ah ayaa lagu sameeyey goobaha xeebaha ah ee ay dadku degaan oo keliya.

MSF waxaa ay sidoo kale taageero caafimaadka dhimmirka ah ku bixisaa xarunta dadka lagu qaabilo ee Mineo, oo ku taalla Sicily, halkaas oo 2,000 magangelyo-doon ah oo dalal kala duwan u dhashey loo wareejiyey tan iyo bishii Maarso 2011ka. Intaa ka sokow, MSF waxaa ay si dhow ula socotaa xaaladaha nololeed iyo qaxootiga, magangelyo-doonka iyo muhaajiriinta ku jira xarumaha dadka lagu qaabilo iyo kuwa dadka lagu hayo ee ku yaalla dhulweynaha Talyaaniga u helaan daryeel caafimaad.

Xaalad aad u xun oo haysata dadka u cararaya Tuniisiya iyo Talyaaniga

Talyaaniga iyo Tuniisiya, ayaa qaxootiga iyo magangelyo-doonka ay waqtigaan dhinacna u dhaafin xerooyinka iyo xarumaha ay dadku
ku sii jiraan muddo aan cayimneyn, iyaga oo xoriyadda ay u leeyihiin in ay socsocdaan ay aad u xaddidan tahay. Tas-hiilaadka dadku ku sii hakadaan iyo adeegyada hadda jira ayaan loogu talogelin in dad ay muddo dheer joogaan, waxaana dadka oo lagu hayo xarumaha ay u dhigantaa sidii in ay xiranyihiin oo kale.

Xaaladdan ayaa saameyn ba’an ku yeelaneysa caafimaadka dhimmirka iyo kan jireed ee badi dadka nugul, oo ay ka mid yihiin da’yarta aan
lala socon, carruurta, haweenka uurka leh iyo dhibbanayaasha loo geystey jirdil, rabshad/cunfi ama kuwa la soo tahriibiyey. Goobahan ku yaalla Tuniisiya iyo Tallaaniga labadaba, hoyga hadda ay leeyihiin ayaan ku filneyn qof joogaya wax ka badan dhowr maalmood waxaana, badi dadka ugu nugul, ay gebi ahaanba u tahay goob aan lagu noolaan karin.

Xerada Shousha waxaa ay ku taallaa lama-degaan dhexdii, iyada oo dadka deggani ay ku haystaan kuleyl aad u sarreeya iyo dabeylo bus wata oo joogto uga dhaca, kuwaas oo nolosha ka dhiga mid aad u adag. Nadaafadda ayaa weli ah mid welwel weyn laga qabo, iyada oo musqulaha fadhiga iyo kuwa qubeysku aaney dad ku filneyn oo qashin-qubkuna aanu ahayd mid dad ku filan. Xerada lagama helo daryeel
caafimaad oo sare, waxaana gudbinta bukaannada loo gudbiyo xarumo caafimaad oo xerada bannaankeeda ah gacanta ku haya nidaamka caafimaadka ee mileteriga Tuniisiya. MSF ayaa hadda ka shaqeyneysa in ay wanaajiso nidaamka gudbinta bukaannada. Tan iyo dhammaadkii Maajo, ayaa kooxaha MSF waxaa ay daryeelka caafimaadka aasaasiga ah siinayeen dadka ku nool xerada Shousha, iyada oo tiro qaxooti ah ay qabaan dhaawacyo (ay ku jiraan jajab, dhaawacyo rasaas iyo kuwo toorrey loogu geystey) ka dhashey iskudhacyo rabshada wata oo xerada ka dhacay bishii Maajo. Waqtigan, cudurrada ugu badan ee dadka ku dhaca – shubanka, cudurrada maqaarka iyo caabuqyada neef-mareenka – ayaa ah kuwo si toos ah uga dhashey xaaladaha nololeed ee liidata iyo ciriiriga ka dhex jira xerada. Cudurrada dabadheer sida sokorowga iyo dhiig-karka ayaa sidoo kale ah kuwo badan. MSF ayaa waqtigan ballaarineysa hawlaheeda caafimaad si ay si ka wanaagsan sida hadda wax uga qabato baahiyaha caafimaad ee dadka ku nool xerada.

Toddobaadyadii la soo dhaafey, ayaa markii labaad muddo laba bilood gudahahooda ah, ay koox MSF ka socota ay qiimeyn ku sameysey xaaladaha nololeed ee dhowr xarumood oo kuwa dadku ku sii hakadaan ah iyo ‘Xarumaha Badbaadada iyo Gargaarka Aasasiga ah’ ee Sicily (ee Rosolini, Pozzallo, Porto Empedocle, Pantelleria iyo Cagliari). In kasta oo xarumahani aaney dhammaantood sharci ahaan u jirin,
haddana sharcigu waxaa uu dhigayaa in magangelyo-doonku ay ugu badnaan 48 saacadood ay joogaan Xarumaha Badbaadada iyo Gargaarka Aasaasiga ah ama xarumaha dadku ku sii hakadaan. Iyada oo ay taasi jirto ayaa markii la qorayey warbixintan, oo ahayd dhammaadkii Juunyo, kooxaheennu waxaa ay arkeen qaxooti iyo magangelyo-doon xarumahan oo kale lagu hayo ilaa 40 maalmood. Dhowr ka mid ah tas-hiilaadka la booqdey, ayaa aaney adeegyo ka jirin – iyada oo si yar loo helayo daryeelka caafimaadka aasaasiga ah, aaney jirin turjumaanno, aaney jirin talo dhinaca sharciga ah, aaney jirin macluumaad iyo telefoonno ay heleyaan kuwa halkaa ku xayiran. Dad ay ka mid yihiin haween uur leh iyo kuwo qaba dhibaatooyin caafimaad ayaa ku jiifa joodariyeyaal dhulka yaalla, iyada oo haweenka aan la qabin ama qoysasku ay si yar u helayaan hoy u gaar ah.

Lampedusa, ayaa dadka ugu nugul – oo ay ka mid yihiin haweenka uurka leh, da’yarta aan la wehelin iyo dhibbanayaasha jirdilka iyo
kufsiga – waqtigan qorsheysan ah loogu hayaa xarumo xiran. Waqtigii la qorayey warbixintan, ayaa 450 da’yar aan la wehelin ah ay ku jireen xarumaha dadku sii maraan iyo kuwo lagu hayo ee Sicilly (Pozzallo, Porto Empedocle, Mineo, Caltanissetta) waxaana maaddaama aaney jirin dhismayaal ku filan oo lagu martigeliyo, ay in ka badan 300 oo carruur aan la welehin ah ay toddobaadyo badan ku xiran yihiin xarumaha dadku sii maraan ee Lampedusa, 80 ka mid ahina ay ku xiran yihiin halkaan muddo ka badan 30 maalmood. Hab-dhaqannadan ayaa si cad uga soo horjeeda jaangooyooyinka Yurub ay u dejisey iyo kuwa caalamiga ah.

Maaddaama aaney jirin dadaal joogto ah oo lagu bixinayo hoy u kala gaar ah haweenka iyo ragga, ayaa MSF waxaa ay maamulka uga
digtey halista ah in ay xadgudubyo dhinaca jinsiga ah ay ka dhacaan xarumaha Lampedusa. Nasiib-darrose arrintan ayaa xaqiiqo noqotey ka dib markii xaalado rabshado jinsi ku dhisan markii ugu horreysey la soo sheegey 18kii Juunyo. MSF ayaa mar horeba dhowr jeer weydiisatey in la qaado tallaabooyin mug leh oo lagu wanaajinayo xaaladaha qaabilaadda iyo kuwa nololeed ee dadka Liibiya ka soo
cararaya ee u soo cararaya Talyaaniga. In kasta oo marar badan lala shirey madaxda Talyaaniga labadii bilood ee la soo dhaafey, haddana ma wanaagsanaan xaaladaha qaabilaadda ee xarumaha qaabilaadda iyo kuwa dadku sii maraan – dhab ahaantii waaba ay sii xumaadeen iyada oo boqolaal qof ay maalin kasta ka soo cararayaan Liibiya.  

Xaaladda nabadgelyada ayaa noqotey mid si aad u weyn oo aan hore loo arkin looga welwelo iyada oo xaaladaha nololeedna ay
muujinayaan in ay yihiin kuwo aan dad ku filneyn muddada fog. Xerada Shousha, ayaa dab kacay uu ku faafey habeenkii 22kii Maajo, kaas oo sababey geerida 4 qof oo qaxooti ah oo burburiyeyna 20 teendho. Waxaana taas xigey bannaanbaxyo iyo iskudhacyo rabshad wata oo ka dhacay xerada gudaheeda, kuwaas oo ay ku lug lahaayeen dadka degaanka, oo ay ku dhinteenna lix qof ayna ku dhaawacmeen dersinno dad ah. MSF ayaa daaweysey 35 qof oo qaba dhaawacyo rabshada ku soo gaarey, waxaana lagu khasbanaadey in dhowr qof oo qaxooti ah la seexiyo cusbitaalka. Laba boqol oo teendho ayaa sidoo kale la gubey.

“Tan iyo markii aan imid Mineo, wax aan iska-daba-wareegasho ahayn ma hayo. Waxaa ay la mid tahay in aan halkaan ku xabbisanahay. Laba bilood ayaa na loo sheegayey in waraaqaheenna dhowaan nala siin doono, laakiin weli wax nala siiyey ma jiraan. Waqti ayaa nagu socda mana garanayo sida ay qoyskeygu biil ku heli karaan gacan-siin la’aanteyda. Mar walba iyaga ayaan ka fekeraa dhab ahaantiina waan ku xanuunsadaa fikirkaas. Mararka qaar welwel daraaddii wax ma cuni karo.”

Cabdul, 42 sano jir, ka yimid dalka Nayjar (Xarunta Mineo)

Xerada Shousha iyo xarunta Mineo, ayaa geeddi-socodka lagu xaqiijinayo cidda qaxootinimo u qalanta uu yahay mid dheer mana ahan mid loo sameeyo si daahfuran, taas oo ay ka dhalatey macluumaadka oo aan guud ahaan la heleynin. Xarunta Mineo, in kasta oo ay xaaladaha nololeed ay maangal yihiin, haddana waxaa 20kii iyo 21kii Juunyo ka dhacay rabshado looga mudaaharaadayo Golaha Magangelyada Degaanka oo halkii maalinba eegi kara hal xaalad oo keliya, waana xarun waqtiganba ay ku jiraan 1,800 qof, kuwaas oo badidoodu ay yihiin kuwo quus ka taagan fikirka ah in ay sanado halkaa joogi doonaan. Xerada Shousha, ayaa dadka qaar loo ballamiyey wareysiyo lagu xaqiijinayo xaaladdooda qaxootinimo muddo aan dhoweyn sida bisha Febraayo 2012ka.

Muwaadiniinta Dal Saddexaad u Dhashey’ oo waddada ku sii xayirmey

Iyada oo hawlaha daaweynta iyo kuwa caafimaadka dhimmirka ay ku bateen gobolka, ayaa kooxaha MSF arkeen bukaanno badan oo ka sheekeynaya safarkii ay soo galeen. Dadka badidoodu waxaa ay xaalado aad u adag ay uga soo gudbeen lama-degaanka Sahara, iyaga oo aan sidan wax alaabo ah marka laga reebo waxyar oo cunto iyo biyo ah. Qaar ayaa horeba ay rabshad/cunfi ugu soo mareen dalalkooda; qaar kale waxaa ay indhahooda ku soo arkeen oo ay goob-joog u soo ahaayeen geeridii kuwii soo gaari waayey Liibiya.

Dadka qaar ayaa intii aanu dagaalkuba dhicin noloshooda Liibiya ay ahayd mid aad u xun. Badi dadka soo doonanaya la-talinta caafimaadka nafsaaniga ah ee xerada Shousha waxaa dagaalka ka hor loogu xirey Liibiya sababo la xiriira dokumenti la’aan ama in dib loo soo celiyey iyaga oo isku dayaya in ay soo galaan Yurub.  Dadku waxaa ay xabsiyada iyo xarumaha dadka lagu hayo ee Liibiya ay ka sheegaan in si xun loogula dhaqmey, in ay ka jiraan xaalado sharaf-tir ah, rabshado, baad iyo xadgudub jinsi. Qaar badan waxaa ka soo carereen dagaalka markii ay NATO duqeynta ku bilowdey Liibiya. Dhibaatooyinkan la soo marey ayaa weli saameyn ku leh nolol-maalmoodkooda caadiga ah – si sidii hore ka weyn, hadda oo ay ku xayiran yihiin xerooyinka iyo xarumaha qaabilaadda.

“Afar bilood ayaan xabsi ku jirey Liibiya. Maalin kasta waa la i qaraaci jirey. Saddex toddobaad cagaheyga iskuma taagi karin. Weli dhaawacyadii i gaarey xanuun bey igu hayaan. Waxaan ku khasbanaadey in aan aaso toddoba qofood, oo ay ka mid ahaayeen saddex gabdhood oo uur lahaa. Haddii aadan sidaas yeelin, adiga oo nool ayaa godka lagugula ridayaa meydadka.”

Cabdul, 23 sano jir, ka yimid Ivory Coast (oo ku nool xerada Shousha)

 

“Maaddaama Tiriboli ay qaraacayeen ciidamada NATO, wax kale oo aan sameeyo ma lahayn oo aan ahayn in aan mar kale qaxo.”

Elias,oo ka yimid Itoobiya (Xerada Shousha)

 

Sida uu sheegey dhakhtarka cudurrada nafsaaniga ah ee MSF uga shaqeeya xerada Shousha, waxaa la filayaa in ay kordhaan tirada
dhibaatooyinka la xiriira caafimaadka dhimmirka. “Bukaannadeennu waxaa ay ku xayiran yihiin xero; silic badan ayaa ay soo mareen, xaaladduna kama soo reynayso. Maaddaama aaney waqtigan wax rajo ah u muuqan, ayaa welwelkooda waxaa soo nooleeyey xaaladda, iyada oo bukaannadu ay dhexda ugu jiraan meerto xun oo silic nafsaani ah. Bukaannada qaar ayaa xusuusta waqtiyo jildil lagu sameeyey
waxaana ay dhab ahaantii dareemaan xannuunkii jirkooda soo marey.”

“Halkaan ayaan ku silceynaa. Xaaladaha noloshu waa kuwo adag. Waxaan dooneynaa in aan shaqeysanno, waxaan dooneynaa in aan noolaanno, waxaan dooneynaa in aan horey u soconno. Laakiin halkaan wax yaallaa ma jiraan. Weligeen baryo kuma noolaan karno. Taas oo ah sida aan halkaan ku joogno – cunto ayaan barinaa oo aan saf u galnaa.”

Emmanuel, 40b sano jir, u dhashey Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Kongo (xerada Shousha)

 

Waxqabadyada caafimaadka dhimmirka ee MSF ee xerada Shousha ayaa muujiyey in dadka badidoodu ay dareemayaan kalsooni la’aan waqtiga la joogo iyo mustaqbalka ay ka qabaan, iyo sidoo kale welwel iyo calaamado la xiriira oo ka dhashey wixii soo marey. Shaqaalaha MSF ayaa heley markhaati-kacyo ku saabsan qaxooti iyo muhaajiriin lagu weerarey, lagu qaraacey, lagu dhacay ama xataa lagu diley waddooyinka Liibiya. Qaar badan oo dhibaatada u nugul oo aan cid miciin u fidisana jirin ayaa markii dagaalku bilowdey halkaa ku
xayirmey waxaana ay ku khasbanaadeen in ay dad kale ay gacan ka siiyaan sidii ay u baxsan lahaayeen. Qaarkood waxaa soo saarey hay’ado caalami ah, laakiin qaar badan waxaa ay ku khasbanaadeen in ay miciinsadaan tahriibiyeyaal, iyaga oo mar kale noloshooda gacanta u geliyey dad kale iyaga oo rajeynaya in ay badbaadaan. Qaxootigu waxaa ay badidoodu yimaadeen xuduudda Tuniisiya iyaga oo waxa ay sitaan ay yar yihiin, qaarkoodna dhaawac ayaa ay qabeen ama waxa ay u baahnaayeen daryeel caafimaad. Kuwo kale ayaa laga soo sii daayey xarumihii lagu hayey ee Liibiya markii dagaalku bilaabanayey, baabuur ayaa laga soo buuxiyey iyaga oo aan wadan cunto iyo biyo waxaana lagu soo tuurey xuduudda Tuniisiya.

Kuwa ka degaya Talyaaniga, hubaal la’aan ku saabsan xuquuqahooda iyo aqoonsiga ay u heli doonaan xaaladdooda qaxootinimo ama
magangelyo-doon ee Talyaaniga ayaa silic kale ku keenaya. Waxaa sidoo kale la mid ah macluumaad la’aanta ku saabsan in ay noloshooda dib u dhisi doonaan waqti dhow.

“Halkaan oo ah Mineo maalin kasta tii hore kama duwana. Ma hayno wax macluumaad ah; ma haysanno wax aan ku mashquulno. Ma garanayo waxaan u baxayo maanta. Haddii aan dhiman lahaa, ilama ahan in ay cidi ii barooran lahayd. Waa hurudnaa, waan soo toosnaa, maalintiinna saddex-jeerna wax baan cunnaa. Waa aan wanaagsanahay. Laakiin ma garaneyno waxa ay xaaladdeenu noqon
doonto. Halkaan ayuun baan fadhinaa. Mustaqbalkeygu waxaa uu mar kale dib u bilaaban doonaa marka aan noqdo qof fikiri kara, ‘waxaan rabaa in aan waxyaabo badan sameeyo’. Laakiin waqtigaan ma garanayo waxa ay yihiin
.”

Akin, 34 sano jir, Nayjeeriyaan ah (Xarunta Mineo)

MSF ayaa horeyba hoosta uga xariiqdey, dhowr jeer, sida weyn ee ay qaxootigu iyo muhaajiriintu ugu nugul yihiin rabshad iyo xadgudub ku yimaada inta uu socdo dagaalka Liibiya. Iyada oo aaney jirin daaweyn caafimaadka jirka iyo kan nafsaaniga ah oo muddo dheer socda, iyo iyaga oo bilo badan meel lagu hayo, ayaa qaxootiga iyo muhaajiriintu ay halis ugu jiraan in ay noqdaan kuwo intii hore ka sii nugul, taas oo wax u dhimeysa awoodda ay u leeyihiin in ay u adkeystaan xaaladaha liita ee dadka lagu hayo iyo in ay codsadaan magangelyo iyo ilaalin dhinaca sharciga ah.

MSF waxaa ay mar kale ugu baaqeysaa madaxda dalalka iyo ururrada caalamiga ah ee ka mas’uulka ah qaabilaadda, gargaaridda iyo
ilaalinta dadkaan nugul in ay tixgeliyaan baahiyadooda muddada fog. Dhibbanayaasha rabshadda, jirdilka iyo rabshadda jinsiga (kufsiga) waa in si dhaqso ah loogu aqoonsadaa xaaladdooda; waa in hoy u habboon ay helaan lana siiyaa daaweyn ku habboon, oo ay ka mid yihiin daryeel caafimaad oo cid khibrad u lihi ay bixiso iyo daryeel caafimaadka dhimmirka ah.

Waxqabad aan ku filneyn ayaa dhibbanayaasha dagaalka ku khasbey in ay mar kale qaxaan

Dhibaatooyinkii dhowaan soo marey dadka ku jira xerada Shousha ayaa uga sii darey dareenkii ay badi dadku qabeen ee rajo-dhigga ahaa.
Iyada oo badi dadkii imanayey Tuniisiya ay markii hore ku faraxsanaayeen in ay ka soo baxsadeen Liibiya, ayaa waxaa haysta xaalado nololeed oo liita, waxaana ay hadda u baqayaan ammaankooda iyo mustaqbalkooda. Qaar badan waxaa ay dib ugu noqonayaan Liibiya ama waxaa ay isku dayayaan in ay ka gudbaan badda Mediteraniyanka oo ay gaaraan Lampedusa, iyaga oo diyaar u ah in ay mar kale halis geliyaan nafahooda iyaga oo si naf-la-caarinimo ah ku raadinaya meel ay ku nabadgalaan oo halkaan ka wanaagsan. Iyada oo loo wada jeedo, ayaa tahriibiyeyaashu ay dadka ka tahriibiyaan xerada Shousha iyaga oo xuduudda ka gudbinaya oo ku celinaya Liibiya.

“Maaddaama aaney wax rajo ah u muuqan, ayaa tiro sii kordheysa waxaa ay dib ugu noqonayaan Liibiya, iyaga oo diyaar u ah in ay mar
kale noloshoosa halis geliyaan iyaga oo si naf-la-caarinimo ah u raadinaya mustaqbal. Dersinno dad ah ayaa maalin kasta ka taga xerada Shousha si ay dib ugu noqdaan Liibiya. Maalinimada ayaa ay baxaan si ay dhinaca kale ee xuduudda u gaaraan inta ay ishu wax arkeyso. Arrintan aad bey inoo welwelgelineysaa”. Ayaa uu yiri Mike Bates, Madaxa Ergada MSF ee Tuniisiya.

Kooxaha MSF ee Lampedusa ayaa la kulmey dhowr qof oo soo marey xerada Shousha ka hor intii aaney u soo amba-bixin Talyaaniga. Nin
reer Nayjeeriya ah ayaa 6dii Juunyo markii koowaad isku dayey in uu Talyaaniga soo gaaro isaga oo ay la socdaan xaaskiisa iyo laba carruur ah oo uu dhaley; xaaskiisa iyo carruurtiisii ayaa dhammaantood badda ku maashooday, iyaga iyo 15 qof oo kale, iyaga oo ku soo jira safarkoodii ay uga soo gudbayeen badda Mediteraniyanka. Isagii waa uu badbaadey, Tuniisiya ayuu ku noqdey waxaana uu
ugu dambeyntii soo gaarey Lampedusa isaga oo keligii ah 11kii Juunyo.

Kuwa aan ku dhiman doomaha tahriibiyeyaasha ee ka soo gudbi waaya badda Mediteraniyanka ayaa waxaa sidoo kale loo wareejiyaa
xerooyinka Ras Ajdir, taas oo abuureysa dad badan oo ku xayirma tas-hiilaadka dadku sii maraan.

“Muddo bil ah ayaan ku jirey Shousha. Xageen aadi karaa? Dalkeygii kuma noqon karo kumana noolaan karo saxarahan. Waa sida ay nolosheennu tahay: waxaan nahay dhallinyaro halkaan ayaan ku xayirannahay, annaga oo aan waxba qabaneyn. Waa in aan mar
kale isku dayaa.”

 

Elias, 23 sano jir, ka yimid Itoobiya, mid ka mid ah sagaal qof oo ka soo badbaadey doon ay saarnaayeen 72 rakaab ah oo bishii Abriil ku burburtey iyada oo ka soo gudbeysa badda Mediteraniyanka (Xerada Shousha).

Gebogebo

Iyada oo MSF ay isku dayeyso in ay yareyso saameynta xaaladaha qaabilaadda iyo kuwa nolosha ee Tuniisiya iyo Talyaaniga, ayaa dagaalka Liibiya uu weli dadka rayidka ah uu dalka ka soo saarayaa; isla waqtigaanna, sida ay MSF horeba ugu dhaliishey waraaqdii ay soo saartey 19kii Maajo, dalalka xubnaha ka ah Midowga Yurub, ayaa in kasta oo ay ku lug leeyihiin dagaalkan, ay adkeynayaan
xuduudahooda ayna xoojinayaan tallaabooyinka dadka lagu haynayo laguna tarxiilayo. Iyaga oo ugu qiil sameysanaya magaca la dagaalanka ‘muhaajiriinta sharci-darrada ah’, iyo cabsi laga qabo ‘soo jiidashada’, dalalka reer Yurub waxaa ay halis ugu jiraan in ay qaxootiga iyo magangelyo-doonka u diidaan ilaalinta iyo si bani’aadamnimo ku jirto ula dhaqmidda ay mudan yihiin, iyo in
ay geliyaan xaalad aan dhinacna u dhicin oo kordhineysa salicooda. Iyada oo ay ka muuqato siyaasaddan mas’uuliyad-darrada iyo bani’aadamnimo ka baxa ah, ayaa Talyaanigu waxaa uu durbaba la cusbooneysiiyey Golaha Qaranka ee Ku-meelgaarka
ah, heshiiskiisii iskaashiga ahaa ee uu la lahaa Liibiya, taas oo dib u fureysa suurtagalnimadii ahayd in la-hor-qabateeyo ‘dadka doomaha
saaran’ – oo ay ka mid yihiin magangelyo-doon iyo qaxooti – oo dib loogu celiyo Liibiya oo ay halakeeyeen dagaallo iyo xaalad aan sugneyn.

Dadka doomaha saaran ee ku soo qulqulaya xeebaha Talyaaniga laguma tilmaami karo ‘muhaajiriin sharci-darro ah’ laakiin arrintu waa safar loo soo gelayo badbaado, ammaan iyo ilaalin. ‘Mas’uuliyadda ilaalineed’, ee ay sababtey faragelinta mileteri ee Liibiya, kuma eka xuduudda Liibiya ee waxaa ay sidoo kale ku habboon tahay dhammaan dadka rayidka ah, oo ay ka mid yihiin qaxootiga iyo
muhaajiriinta ku noolaa, ka shaqeysanayey ama soo mari jirey Liibiya oo ah dhibbanayaal si toos ah uga dhashey iskahorimaadka. “Muwaadiniinta dalka saddexaad’ ee qaxootinimo ku doonaya Tuniisiya iyo Talyaaniga waa dhibbanayaasha ugu nugul ee ugu muuqashada yar ee dagaalkan.

MSF waxaa ay dhammaan dhinacyada ku lug leh iskahorimaadka iyo dalalka deriska ah ay xusuusineysaa waajibaadka uu saarey sharciga caalamiga ah ee “sii hurin la’aanta” iyo mas’uuliyadda ka saaran in ay u furaan xuduudahooda ayna ilaalin caalami ah siiyaan qaxootiga
iyo magangelyo-doonka, iyaga oo qaadaya tallaabada fudud ee ah in ay hubiyaan in kuwa ka soo cararaya Liibiya aan laga horjoogsan soo-gelidda ama joogidda dhulkooda. Xaaladaha qaabilaadda ee liita iyo ilaalin la’aantu waa in aaney sinna u noqon ‘arrin lagu riixo’ si qaxootiga iyo magangelyo-doonka looga hor-istaago in ay soo doontaan meel ay ku badbaadaan.

Ka dib markii ay dabin ku galeen Liibiya, ayaa muwaadiniinta ajnebiga ah ay hadda dabin kale ku galeen xerooyinka iyo xarumaha, iyaga oo ku nool xaalado aad u cakiran, oo aan mustaqbal rajo laga qabo lahayn. Ka dib markii ay soo galeen safarkii halista ahaa ee ay dalalkooda uga soo ambabaxeen si ay ammaan iyo badbaado (nolol) ay ugu helaan Liibiya, ayaa hubaal la’aantan soo cusboonaatey
ay ku riixeysaa in ay horey u sii socdaan, si ay magangelyo ugu helaan meelo  kale iyo xataa in ay ku noqdaan Liibiyada dagaalku halakeeyey, halkaas oo ay ka mid yihiin kuwa ugu nugul iskahorimaadka.

MSF waxaa ay mar kale ku celineysaa baaqeedii ay ugu baaqeysey dalalka ku lugta leh dagaalka, iyo sidoo kale Qaramada Midoobey iyo Midowga Yurub, in ay ka soo baxaan mas’uuliyaddooda ayna qaadaan tallaabooyin degdeg ah oo lagu wanaajinayo xaaladaha qaabilaadda iyo kuwa nololeed ee dhammaan dadka ka soo cararaya dagaalkan iyo in ay hubiyaan caafimaadkooda iyo sharaftooda bani’aadamnimo meel kasta oo ay magangelyo u tagaan.  


 


1,104,027 sida lagu sheegey warbixin-xaaladeedda Ururka Caalamiga ah ee Muhaajiriinta (IOM), 20kii Juunyo 2011. Haseyeeshee, dad badan – oo badidoodu yihiin Liibiyaan – ayaa durba ku soo noqdey Liibiya.

Qiyaasta IOM, Maarso 2011.

Muhaajiriinta ka soo gudbey xuduudda Liibiya ee u gudbey dal aan kooda ahayn.

IOM iyo la-hawlgalayaasheeda ayaa ilaa haatan 149,319 qof ku caawiyey in ay ku noqdaan dalalkooda, war-bixin xaaladeedda IOM, 24 Juunyo 2011.

Wixii loo soo gaarey Juunyo 2011, Hay’adda Qaramada Midoobey ee Qaxootiga (UNHCR) waxa ay diiwaangelisey 980 qaxooti la aqoonsadey ah iyo 1,339 magangelyo-doon ah.

“Talyaanigu waa in uu si ballaaran u wanaajiyaa xaaladaha haysta qaxootiga, magangelyo-doonka iyo muhaajiriinta ah ee ka soo cararaya dalalka Waqooyiga Afrika, oo ay ka mid tahay Liibiya”: http://www.msf.org/msf/articles/2011/05/italy-must-drastically-improve-conditions-facing-refugees-asylum-seekers-and-migrants-fleeing-north-africa-including-libya.cfm;
Tunisia: Refugees fleeing Libya have no safe place to go”: http://www.msf.org/msf/articles/2011/05/tunisia-refugees-fleeing-libya-have-no-safe-place-to-go.cfm;
Open letter concerning civilians fleeing Libya for Europe”: http://www.msf.org/msf/articles/2011/05/open-letter-concerning-civilians-fleeing-libya-for-europe.cfm.

18kii Juunyo 2011, 3,647 qof ayaa ku noolaa xerada Shousha, halka 16,847 qof ay soo gaareen Talyaaniga iyaga oo ka yimid Liibiya tan iyo markii uu dagaalku bilowdey.

Qaar dadka ka mid ah waxaa lagu xayirey oo aaney dhinacna u dhaafin Rosolini, Sicily, tan iyo 6dii Maajo 2011 iyada oo aaney jirin wax tallaabo ah oo la qaadey.

Amarka Golaha Yurub ee qoraya jaangooyooyinka ugu hooseeya ee qaabilaadda magangelyo-doonka
(2003/9/EC), iyo Heshiiska Qaramada Midoobey ee Xuquuqaha Carruurta.

Doomaha sida muhaajiriinta, qaxootiga iyo magangelyo-doonka oo inta badda lagu hor-qabateeyo badda si dib loogu celiyaa Liibiya, waxaana taas ay ku jirtaa heshiis ay gaareen Talyaaniga iyo Liibiya, Heshiiska Saaxiibtinimada, Wadashaqeynta iyo Iskaashiga Jamhuuriyadda Talyaaniga iyo Jamhuuriyadda Hantiwadaagga ah ee Dadka Liibiya ee Carabta ah, oo la saxiixey 30kii Agoosto 2008.

Ilaha MSF ee kor lagu xusey (tacliiqa/footnote 6).

Eeg Heshiiskii Isfahamka ee dhex marey Taylaaniga iyo Golaha Qaranka ee Ku-meelgaarka ah, ee la saxiixey 17kii Juunyo 2011, iyo
war-saxaafadeedka MSF (tacliiqa/footnote 14).

MSF oo cambaareysey qodobbada heshiiska, oo lagu jebinayo waajibka caalamig ah ee hurin la’aanta, war-saxaafadeed la soo
saarey 23kii Juunyo 2011: http://www.msf.org/msf/articles/2011/06/msf-condemns-any-initiative-that-would-send-boat-people-back-to-libya.cfm

Tags: , ,

Qoraalada kale ee ku saabsan Qeybta Guud