Xerada Qaxootiga ee ugu Weyn Caalamka oo Buuxsantey

10.06.2011 | General, Kenya, Dadaab refugee camp

 

Xerada Dhadhaab

Qaxootiga oo ku Goádoonsan Meel ka Baxsan Xeryaha Dhabaab

Iyaga oo ku lug go’ay lamadegaanka gobolka waqooyi-bari ee Kenya, ayna ku wareegsan tahay ciid maylal fara badan ah iyo dhir aan si wanaagsan u bixin, ayaa 30,000 qof ay ku nool yihiin cooshado uga dhisan qorraxda gubaneysa hoosteeda. Qoysaska – oo xuduudda ka soo galey dalka deriska ah ee Soomaaliya, oo 80 km u jira halka ay hadda joogaan – waxa ay u socdaan xerooyinka qaxootiga ee Dhadhaad.  Laakiin saddexda xero ee degaanka Dhadhaab waaba ay buuxaan, mana lahan meel ay degaan.

Marka ay imanayaan, qaxootiga – kuwaas oo badidoodu ay yihiin haween iyo carruur – ma haystaan lacag, ma haystaan cunto, ma haystaan biyo mana haystaan hoy. Celcelis ahaan 12 maalmood ayaa ay ku qaadataa in ay helaan raashinka ugu horreeya, iyo 34 maalmood oo ay ku qaadato in ay maacuun iyo bustayaal ka helaan hay’adda Qaramada Midoobey ee Qaxootiga, UNHCR, oo maamusha xerooyinka. Ilaa muddadaas waxa ay ku khasban yihiin in ay isku debberaan deegaankaas oo ah mid qalafsan.

Iyada oo heerkul gaarayo 50 digrii, ayna cabsi ka qabaan weerar kaga yimaada waraabayaal, ayaa qoysasku waxa ay hoy jilicsan ka dhisanayaan dhulka lamadegaanka ah ee xerada hareeraheeda ku yaalla. Waxa ay dhismaha u isticmaalaan wixii ay heli karaabna: badiba laamo iyo jirid, oo la isku xirey si uu qaabkoodu u noqdo sidii qubbad oo kale, kaas oo ay ku daboolaan kartoono, baco ama marooyin dildillaacsan – wax kasta oo laga geli karo qoraxda aan qaboobeyn iyo busta neefta kugu qabatinto.

Xerooyinka Dhadhaab waxaa ku hareereysan  lama-degaan aan wax ka bixin. Saddexda xero – Dhagaxleey, Xagardheer iyo Ifo – oo wadajir ahaan loo yaqaanno xerada qaxootiga ee adduunka ugu weyn – waxaa la dhisey 20 sano ka hor si loo dejiyo 90,000 qof oo ka soo cararey rabshada iyo dagaalka sokeeye ee Soomaaliya. Iyada oo aaney muuqan in iskahorimaadku uu dhammaan doono, ayaa waxaa hadda ku jira dad ka badan 350,000 qof oo iskucufan ilaa deyrka xerooyinka, iyada oo tirada dadka cusub ee imaanaya ay cirka isku shareereyso. Sanadkan, 44,000 qof oo qaxooti cusub ah ayaa durba la diiwaangeliyey, waxaana dhammaadka 2011-ka ay u badan tahay in xerooyinku ay degganaan doonaan 450,000 qof,  taas oo ah labalaabka dadka deggan magaalada Geneva.

Iyada oo dad marba marka ka dambeysa intii hore ka sii badan ay isku ciriirinayaan xerooyinka iyo lama-degaanka ku hareereysan, ayaa helidda adeegyada aasaasiga ah – sida biyo, fayadhowr iyo waxbarasho – ay sii yaraanayaan, oo xaaladda nololeedna si degdeg ah u si xumaaneysaa.

Ballaarin lagu sameeyey mid ka mid ah xerooyinka, oo loo yaqaanno Ifo 2, oo qaadi karta 40,000 qaxooti ah, taas oo xal ku-meelgaar ahna u keeni karta in hoy la siiyo dadka dhowaan yimid, ayaa dhismaheedu qabyo yahay oo aan cidina joogin sababtuna waa burbur ku yimid wadahadalladii u dhexeeyey maamulka Kenya iyo UNHCR.

 Ma jiraan wax aan soo qaadaney marka laga reebo dharkii aan xirneyn. Soomaaliya waxaan ku ahayn beeralley, abaarta ayaana leysey dhammaan xoolihii aan haysanney. In kasta oo magaaladeennu aannu dhab ahaantii ka soconin dagaal, haddana koox xag-jir ah ayaa gacanta ku haysey, waxaana ay naga doonayeen in aan cashuur bixinno.

Waxaa dhacdey in aan bixin waayey cashuurtii ay na weydiiyeen, sidaa daraaddeed waxaan xaqiiqsanney in aan ku khasbannahay in aan meesha isaga tagno. Aad ayaan uga naxayey marka ay kooxaha hubeysan ay na joojiyaan intii aan waddada ku jirney.

Tan ma tahay tageero buuxda oo la siiyo baniaadamka?

Dhulka xuduudaha ahi waa meel sharci aan ka jirin oo halis ah, waxaana ay qaxooti badan inta ay safarka ku soo maryaan kala kulmaan rabshad, baad iyo dhibaateyn – ay u geystaan kooxaha hubeysan, askar iyo booliis, iyo burcad hubeysan, kuwaas oo dhammaantood si fudud u ugaarsada.

Dadkaasi marka ay soo gaaran xeradana waxaa ay la kulmaan hooy laáan, biyo iyo cuno yari. Marka ay soo gaaraan xeryaha qaxootiga, dadka dhibaateysan ma heystaan fursado badan 

maadam uu qaanuunka Kiinya uusan u ogoleyn in ay ka baxaan xeryaha. Rajada inta badan qaxootigaas waxey ahayd dib u dajin ay k aheelaan dal sadexaad balse haataan waxaa sii yaaranay fursad in dib u dejinta ah oo ay bixin jireen wadama reer galbeetka ah. Soomaaliduna waxaa ay la sii kulmayaan takoor iyo dhibaateyn hor leh. Sandkii 2010 in k ayar 2% kali oo qaxootiga xeryaha dhadhaab ah ayaa heshay dib u dejin.

Gabagabo

Ugu dambeynta marka ay soo gaaraan xerooyinka, badi qaxootiga cusub waa kuwo jir ahaan liita. Nidaamka caafimaadka ee Soomaaliya waxaa uu ku sugan yahay xaalad uu burbur ku dhow yahay, waxaana badi dadku ay sanado ku noolaayeen iyaga oo aan haysan daryeelka caafimaadka ee caadiga ah. Abaarta ayaa uga sii dartey daryeelka caafimaadka, waxaana dad badan ay u baahan yihiin gargaar caafimaad oo degdeg ah. Iyada oo tirada dadka cusub ee imanaya ay sii badaneyso, ayaa culayska saaran adeegyada caafimaadka ee xerooyinku uu sii  kordhayaa.

“Qaxooti kale oo badan ayaa waddada ku soo jira,” ayaa ay tiri Nenna Arnol oo ah Kaalkaaliso caafimaad oo MSF u shaqeysa. “Waxaan horeba ugu dhoweyn in aan kala daadanno, laakiin tirada dadka ayaa mar walba kor u sii socota. Xaaladda taagan waa mid bani’aadamnimo oo degdeg ah.”  Nenna Arnold waxaa ay madax ka tahay korjoogteynta/la-socoshada baahiyaha 

caafimaad ee dadka dhowaan yimid. Waxaa la shaqeeya 78 shaqaalaha caafimaadka bulshada ah, kuwaas oo dhammaantood Soomaali ah. Maalin kasta, iyada iyo kooxdeedu waxa ay aadaan xerada iyo degaannnada ku hareereysan si ay u soo helaan dad u baahan daaweyn. Kuwa xanuunkoodu ugu culus yahay – oo ay ka mid yihiin tiro badan oo carruur qaba nafaqo-xumo dhexdhexaad ah iyo mid ba’an, oo inta badan ay dhibaatooyin caafimaad-xumo ay ula socdaan – waxaa toos baabuur loogu geeyaa rugaha caafimaadka ee MSF ama cusbitaalka guud ee mashquulka ah ee MSF ay ku leedahay xerada Dhagaxleey.  

Baahiyaha dadkaan dhowaan yimid ayaa si degdeg ah u sii kordhaya taas oo keentey in MSF ay si degdeg ah u keento shaqaale caafimaad oo dheeri ah iyo kheyraad kale. Bishii hore, 

bukaanno aad u tiro badan oo qaba caabuqyada neef-mareenka, shuban, qaaxo, nafaqo-xumo iyo dhaawacyo, iyo tiro sii kordheysa oo ah xaalado caafimaad oo culus. Rug caafimaad oo cusub ayaa bishii Maarso laga furey bartamaha degaanka ay degeen dadka cusub ee dhowaan yimid, rugtaas caafimaad oo durba sameyneysa celcelis ahaan 110 la-talin caafimaad ah maalintii. MSF waxaa tan iyo bishii Oktoobar ay qaadatey 50 shaqaale oo dheeri ah, taas oo wadarta shaqaalaha u jooga xerada Dhagaxley gaarsiisey 458.

40 boqolkiiba carruurta imanaya weligood lama tallaalin, taas – oo marka ay ugu biirto xaaladdooda nafaqo iyo xaaladahooda nololeed ee liita – noqoneysa halis caafimaad oo weyn. Ololayaal tallaal – oo qaarkood lagu dhex qabto

lama-degaanka, meel geed hoostiisa ah – ayaa wax ka taraya in laga hortago cudurro dillaaca.

Culasyka ayaa sidoo kale ku sii kordhaya cusbitaalka MSF ee 110-ka sariirood qaada, oo ku dhex yaalla xerada Dhagaxleey, halkaa oo shaqaale caalami ah, kuwo Kenyan iyo Soomaaliba isugu jira ay ku bixiyaan daryeel caafimaad oo lacag la’aan ah. Waa cusbitaalka keliya ee shaqeeya ee u adeega 113,000 qof oo qaxooti ah oo jooga xerada, iyo sidoo kale tirada sii kordheysa ee qaxootiga degey lama-degaanka. Dr. Geeddi Maxamed, oo ah agaasimaha cusbitaalka, ayaa yiri, “Ilaa dhowaantan, sariiraha cusbitaalka ee buuxa waxa ay ahaayeen 80 boqolkiiba, laakiin hadda waxaan arkeynaa in nisbada sariiraha buuxa ay yihiin 110 boqolkiiba”.

xubin shaqaalaha ka tirsan oo ka shaqeynayey rugaha caafimadka waxaa uu bixiyey 11,963 la-talin caafimaad. Waxaa ay la kulmayaan bukaanno aad u tiro badan oo qaba caabuqyada neef-mareenka, shuban, qaaxo, nafaqo-xumo iyo dhaawacyo, iyo tiro sii kordheysa oo ah xaalado caafimaad oo culus. Rug caafimaad oo cusub ayaa bishii Maarso laga furey bartamaha degaanka ay degeen dadka cusub ee dhowaan yimid, rugtaas caafimaad oo durba sameyneysa celcelis ahaan 110 la-talin caafimaad ah maalintii. MSF waxaa tan iyo bishii Oktoobar ay qaadatey 50 shaqaale oo dheeri ah, taas oo wadarta shaqaalaha u jooga xerada Dhagaxley gaarsiisey 458.

40 boqolkiiba carruurta imanaya weligood lama tallaalin, taas – oo marka ay ugu biirto xaaladdooda nafaqo iyo xaaladahooda nololeed ee liita – noqoneysa halis caafimaad oo weyn. Ololayaal tallaal – oo qaarkood lagu dhex qabto lama-degaanka, meel geed hoostiisa ah – ayaa wax ka taraya in laga hortago cudurro dillaaca.

Culasyka ayaa sidoo kale ku sii kordhaya cusbitaalka MSF ee 110-ka sariirood qaada, oo ku dhex yaalla xerada Dhagaxleey, halkaa oo shaqaale caalami ah, kuwo Kenyan iyo Soomaaliba isugu jira ay ku bixiyaan daryeel caafimaad oo lacag la’aan ah. Waa cusbitaalka keliya ee shaqeeya ee u adeega 113,000 qof oo qaxooti ah oo jooga xerada, iyo sidoo kale tirada sii kordheysa ee qaxootiga degey lama-degaanka. Dr. Geeddi Maxamed, oo ah agaasimaha cusbitaalka, ayaa yiri, “Ilaa dhowaantan, sariiraha cusbitaalka ee buuxa waxa ay ahaayeen 80 boqolkiiba, laakiin hadda waxaan arkeynaa in nisbada sariiraha buuxa ay yihiin 110 boqolkiiba”.

Tags: , ,

Qoraalada kale ee ku saabsan General

Qoraalada kale ee ku saabsan Kenya, Dadaab refugee camp