MSF oo loo diiday inay gaarto goobaha abaarta saameysay

08.06.2011 | Gobolka Bakool, Koonfura iyo bartamaha Soomaaliya, Qeybta Guud

Todobaadyo wadahadal ah kadib, Hay’adda Dhakhaatiirta aan Xuduuda Lahayn waxay shegtay in bishii Abriil ee la soo dhaafay in maamulada maxaliga ah ka hor istaageen in ay ka fuliso hawlo caafimaad oo degdeg ah degmada Buur Hakaba, gobolka Bay ee bartamaha iyo koonfurta Soomaaliya, halkaas oo ay dadweyna abaarta ku saameysay ay u baahnaayeen cawimaad dhinaca nafaqada iyo biyo nadiif ah.

MSF waxay qorsheysay gargaar degdeg ah oo ka kooban biyo dhaamin, baaritaana xagga nafaqada ah ee ilmaha shan sano jir ka yar, iyo raashin qaybin la siinayo ilmaha nafaqa darida hayso.

Si kastaba ha ahaate, maamulada umaysan ogolaanin MSF in ay gaarto goobahaas.

Degmada Buur Hakaba waxaa ku nool dad fara badan oo lagu qiyaasayo 125,000 qof. Waqtigan xaadirka ah, majiraan dhinacya kale oo bulshadani u fidisa caawimada nafaqaynta.

————————-

MSF waa hey’ad caafimaad oo dhedhexaad ah. Kuna leh mashariic sideed gobol ee dalka soomaaliya ah. In ka badan 1,500 oo shaqaala soomaaliyeed  oo ay ka caawiyaan ku dhowaad 100 shaqaale oo ku sugan Nairobi, ayaa u fidiyaan daryeel caafimaad, daweynta nafaqa-darida, sidoo kale caawiya dadka barakacay, qaliin, biyo iyo saanada gargaarka meelaha qaar. MSF waxay siisaa caawimo dadka iyadoo ku salaynayso baahida oo keliya, ayadoo an eegeynin jinsiga, diinta, siyaasada ama qabiilka qofka u jenjeera.

MSF ma aqbasho wax deeq dowladeed ah si ay ugu fuliso mashaariicda soomaaliya, dhamaan deeqyadeeda waxay ka imaadaan tabarucaad khaas ah.

Tags: , , ,

Qoraalada kale ee ku saabsan Gobolka Bakool, Koonfura iyo bartamaha Soomaaliya

Qoraalada kale ee ku saabsan Qeybta Guud