WARGELIN SAXAAFADEED: MSF KAMA BAXAYSO SOOMAALIYA

01.04.2011 | Qeybta Guud

31da Maarso 2011, Nairobi: Dhakhaatiirta Aan Xuduuda Lahayn ee MSF waxaa ka go’an in ay gargaar caafimaad siiso bukaana-deeda joogaa dhammaan Soomaaliya, in kasta oo ay jiraan warar marin habaabin ah oo sheegaya in Hay’ada caafimaadku ay hakisay hawl-galkeedii caafimaadka Soomaaliya oo dhan.

MSF xaqiiqdii, waxay si ku meel gaar ah u hakisay hawlihii caafimaadka ee Degmada Madiina, Muqdisho, ka dib markii labo weerar bam-gacmeed lagu qaaday xafiiskeeda ku yaal degmada Wadajir bishaan Maarso gudeheeda, Hase ahaatee Dhakhaatiirta Aan Xuduudka Lahayn ee MSF waxay shaqadeedii caafimaad ka sii wadaa 8 Gobol oo ku yaal koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya.

Hay’adu waxay ka shaqaynaysaa sidii ay dib uga bilaabi lahayd hawlaheedii caafimaadka  Degmada Madiina, waxayna sidoo kale ugu baaqaysaa dhammaan dhinacyada Soomaaliya ka jira in ay tix-geliyaan waajibaadkeeda bini-aadantinimo, Xarumaha iyo Shaqaalaha Caafimaadka intaba.

In ka badan 1,300 oo shaqaale MSF ah ayaa hadda ka shaqeeya gudaha wadanka, MSF-na waxay Soomaaliya si aan kala go’ lahayn uga shaqayneysey laga soo bilaabo 1991dii. Waqti xaadirkaan, Dhakhaatiirta Aan Xuduudka Lahayn ee MSF waxay mashaariic ka wadaa  gobollada Banadir, Bay, Galgaduud, Jubada Hoose, Hiiraan, Shabeellaha Hoose, Shabeellaha Dhexe iyo  Mudug ee  Soomaaliya, Sidoo kale waxay mashaariic ka wadaa Somaliland iyo Puntland.

Dhakhaatiirta Aan Xuduuda Lahayn ee MSF waxaa Hay’ad madax bannaan, sidaas awgeedna dhinacna lama safato markay timaado colaadaha. Dhakhaatiirta Aan Xuduuda Lahayn ee MSF waxay u dawaysaa dhammaan bukaan-keeda si siman, ayada oo aan u eegeyn qabiil, isir, diin iyo xiriir siyaasadeed midna. Dhammaan maal-gelinta Mashaariicda Soomaaliya waxay ka timaadaa dad shaqsiyaad ah.

Tags: ,

Qoraalada kale ee ku saabsan Qeybta Guud