Horumar Laga Gaarey Daaweynta Duumada/Malaariyada Ba’an

19.04.2011 | Dhacdooyinka

Daawada Artesunate oo Bedesha Quinine Ayaa Sanad Kasta Badbaadin Karta 200,000 Nafood

Warbixin cusub oo ay MSF soo saartey ayaa ugu baaqdey Dowladaha Afrikaanka ah, WHO iyo deeq-bixiyeyaasha in ay si degdeg ah u hirgeliyaan isku beddelidda daawooyinkan

Geneva, 19 Abriil 2011 – Daawo la xaqiijiyey in ay yareyneyso geerida carruurta qaba duumada/ malaariyada ba’an ayaa ay waajib tahay in dhaqso looga isticmaalo dalaka Afrika, ayaa uu yiri ururka caalamiga ah ee caafimaadka ee bani’aadamnimada ee Médecins Sans Frontières/Dhakhaatiirta Aan Xuduudda Lahayn (MSF). Warbixinteeda cusub oo ay ugu magac dartey Making the Switch ama “Kala Beddelidda”, MSF waxa ay ugu baaqeysaa dowladaha Afrikaanka ah in ay raacaan habraacyada cusub ee Ururka Caafimaadka Adduunka uu dhowaan soo saari doono, oo ay daawada waxtarkeedu yar yahay ee quinine ay ku beddelaan artesunate, taas oo sanad kasta baajin karta geerida ku dhowaad 200,000 qof. MSF wax ay sidoo kale ugu baaqeysaa WHO iyo deeq-bixiyeyaasha in ay taageeraan dowladaha si daawo beddeliddan degdegga loogu baahan yahay dhaqso loogu hirgeliyo.

“Marka ay xarunta caafimaadka yimaadaan caruur qaba duumo ba’an, waxaa badanaa lagu arkaa qarqaryo, matag ama waxa ay halis ugu galaan miyir-beel sida qabatin oo kale ah, waxa keliya ee aad u baahan tahayna waa in aad awood u yeelato in aad siiso daawo waxtar leh,” ayaa ay tiri Veronique De Clerck, oo ah Isuduwaha Caafimaadka ee MSF ee Uganda. “Tobaneeyo sano, ayaa daawada quinine loo isticmaalayey daaweynta duumada ba’an, laakiin isticmaalkeeda ayaa noqon kara mid adag oo halisna ah, sidaa daraaddeed waxaa la gaarey waqtigii quinine la macasalaameyn lahaa. Daawada artesunate ee aan hadda haysanno waxa ay nafo badan ka badbaadisaa duumada ba’an, waana mid ka ammaan badan, ka fudud oo ka waxtar badan quinine.

Daawada quinine ayaa loo baahan yahay in qofka maalintii saddex-jeer lagu siiyo faleebo tartiib ugu socota taas oo qaadaneyso afar saacadood, waana daaweyn aad ugu culus bukaanka iyo shaqaalaha caafimaadkaba. Artesunate, marka la barbardhigo, waxaa qofka lagu siin karaa afar daqiiqo oo keliya, iyada oo qofka bukaanka ah daawada looga mudayo sinta ama xidid.

Tijaabo caafimaad oo la sameeyey dhammaadkii 2010-kii ayaa lagu ogaadey in daawada artesunate marka lagu daweeyo carruurta qabta duumada ba’an ay ku dhowaad rubuc is-dhimeyso halista ah in ay ilmuhu dhintaan. Daraasadda oo laga sameeyey sagaal dal oo Afrikaan ah, ayaa lagu ogaadey in 41-kii carruur ah ee la siiyo daawada artesunate beddelkii la siin lahaa quinine, ay taas ku badbaadeyso hal naf. Maaddaama ay adag tahay isticmaalidda daawada quinine, ayaa carruurta loo qoondeeyey in ay qaataan daawada quinine ay ku dhowaad afar-laab ay uga dhowaayeen in ay dhintaan ka hor inta aaney daawadaba qaadan.

MSF ayaa tijaabada kaga qaybqaadatey xarunteeda cilmi-baarista ee Epicetre, oo xarun cilmi-baaris ku leh Uganda. MSF ayaa tan iyo markaa beddeshey borotokoolkeeda daaweynta waxaana ay hadda qorsheyneysaa in ay maamullada caafimaadka qaran ay kala shaqeyso sidii ay isticmaalka daawada artesunate ay bilaha soo socda uga bilaabi lahayd mashaariicdeeda.

Caddeynta la hayo waa mid aad u weyn, laakiin warbixinta MSF waxaa ay si weyn u muujisey in aannu isbeddelka iska iman karin. Iyada oo WHO ay sheegtey in ay dhowaan soo saari doonto habraacyo ay ku talineyso in daawada artesunate loo adeegsado daaweynta duumada ba’an ee carruurta Afrika, Waxa ay sidoo kale ka dooneysaa in ay sameyso qorshe ay dalalka kaga caawineyso in ay kala beddeliddaa sameeyaan. Waa in dowladaha Afrika ay si degdeg ah u beddelaan borotokoolladooda daaweynta waxaana waajib ah in deeq-bixiyeyaashu ay si cad u sheegaan in ay taageeri doonaan kharashka dheeraadka ah ee ku baxaya hawshan, waa halka looga baahdo e. Daawada artesunate ayaa saddex-laab ka qaalisan daawada kale, laakiin lacagta $31 milyan ee doolarka Mareykanka ah ee dheeriga ah ee sanad kasta loogu baahan yahay kala beddelidda daawooyinka waa mid aad u yar marka loo eego ku dhowaad 200,000 ee nafood ee ay cilmi-baarayaashu sheegeen in la badbaadin karo.

“Sidan ayaan u taagneyn – markii sanadkii 2001-dii ay WHO beddeshey talooyinkeeda ku aaddanaa daaweynta duumada, muddo ayaana ay dalalka ku qaadatey in ay dhab ahaantii kala beddelaan daawooyinka, waxaase aad u yaab badan, in dalalka qaar ay daawooyinka aadka u liita ay weli isticmaalaan iyada oo ay toban sano ka soo wareegatey markii lagu taliyey in la beddelo,”  ayaa uu yiri Dr. Martin De Smet, oo isuduwa hawlaha wax ka qabashada duumada ee MSF. “Marka laga hadlayo duumada ba’an, waa in WHO ay hubisaa in kala beddelidda daawadu aanu daahin, si nafaha durba loo badbaadiyo. Ma jiraan wax qiil ah oo loo haysto in aan daawada haddadan la kala beddelin.”

MSF waxa ay daawada duumada siisey ku dhowaad hal milyan oo qof sanadkii 2010-kii. Duumada ba’an waxa ay sanad kasta dishaa 600,000 oo carruur Afrikaan ah oo ay da’doodu ka yar tahay shan sano jir. Sanad kasta, ilaa siddeed milyan oo xaalado duumo oo fudud ah ayaa isu roga duumo ba’an, taas oo ah in ay bukaannadu ka muuqato in xubnahooda ay dhibaato gaartey, xubnahaas oo noqon kara maskaxda, sambabada, kelyaha ama halbowlayaasha dhiigga.

‘Making the Switch’, oo ah warbixinta MSF ee ku baaqeysa in la beddelo borotokoolka daaweynta duumada ba’an ee carruurta waxaa laga soo dejinsan karaa www.msfaccess.org

Tags:

Qoraalada kale ee ku saabsan Dhacdooyinka