Hawl Qalliinka Indhaha ah oo laga fuliyey Gaalkacyo, Soomaaliya

15.04.2011 | Dhacdooyinka, Gobolka Mudug, Koonfura iyo bartamaha Soomaaliya

 
 
Muuqaalka kore ee Gaalkacyo
 Waxa la qabtey: 

MSF waxa ay si ay si guul leh u soo gabogabeysey “hawl qalliinka indhaha ah”, oo looga dan lahaa in boqollaal qof ay araggoodii dib ugu helaan. Waa markii saddexaad oo ay MSF qabato hawshan oo kale iyada oo ay iskaashanayaan Mu’asassada Al-Nur Foundation. Muddadii u dhaxaysey 5-tii ilaa 28-kii Maarso ayaa waxa uu ururku baarey 3,137 qof waxaana uu qaley 486 ka mid ah (230 lab ah iyo 256 dheddig ah), iyada oo aasaasiyan dadka uu araggoodii dib ugu soo celinayey. Keliya tiro waxyar ka badan 1,100 bukaan oo aan u baahneyn qalliin ayaa la siiyey dawooyin indhaha lagu dhibciyo iyo indho-gashiyo (ookiyaaleyaal). Baaritaanka; daaweynta iyo qalliinkaba waxaa sameeyey 4 dhaqtar oo kuwa qalliinka ah; 2 maareeye iyo 12 farsamayaqaannada  caafimaadka indhaha ee loo yaqaanno ophthalmic technicians.  Markii ugu horreysey ayaa hay’adaha arrintan ku lug lahaa ay awood u yeesheen in ay qalabkii ugu dambeeyey ku isticmaalaan Soomaaliya iyaga oo qalabka loo yaqaanno keratometry iyo A-scan ku cabbirayey inta ay la le’eg tahay awoodda bukaaca bukaan kasta. Waxaa kale oo la isticmaaley qalabka phaco-emulsification oo lagu sameynayey qalliinnada cataract (aleelka) ayaa sidoo kale markii ugu horreysey taariikhda lagu adeegsadey Soomaaliya. Tan, oo ay weheliyeen in si adag loo xusho xaaladaha dadka la daweynayo iyo in si weyn loo jeermis-dilo saalada qalliinka ayaa bukaannada u keeney natiijo wanaagsan oo dhinaca aragga ah. Waxaa la qorsheeyey in laba baaritaan la sameeyo qalliinada ka dib. Mid la sameynayo 3 maalmood ka dib qalliinka iyo mid 10ka iyo 11ka Maajo ay bukaannada u soo noqonayaan in baaritaan dabogal ah lagu sameeyo si loo cabbiro araggooda waxaana la qiimeynayaa indhaha bukaanka ka hor inta aan si kama dambeys ah loo fasaxin.   

Bukaanka oo sugaya adeeg caafimaad

  Sababta loo qabtay: Dhibaatooyinka indhaha, ayaa sida qaar badan oo ka mid ah arrimaha caafimaadka la xiriira ee Soomaaliya, ay noqdaan kuwo aan daaweyn helin. Dagaal sokeeye, nidaamkii caafimaadka oo baaba’ay, iyo saboolnimo ba’an ayaa dhammaantood culays weyn ku ah awoodda ay dadku ku halayaan daryeel caafimaad. Xaaladda waxaa uga sii darey iyada oo aan guud ahaan dalka laga heleynin dhaqaatiir qalliin sameeya, kuwaas badidoodu ay ku urursan yihiin Muqdisho, oo 730km u jirta Gaalkacyo.Waxaa jirta in dhibaatooyinka indhaha soo gaara, sida cudurka catarakt (aleelka) ee caadiga ah (oo ah xuub fuula bikaaca isha), sidoo kale marar badan haddii aan la daweyn keeni kara indho-beel. Taas oo saameynta ay ku reebto nolosha dadka ay tahay mid aad u ba’an gaar ahaan dal inta badan ay dadku la kacaa-kufayaan in ay helaan nolol-maalmeedkooda. Sidaa daraaddeed, qalliinka indhaha waxaa uu raad ballaaran oo wanaagsan ku yeelan karaa nolosha bukaannada, isaga oo kor u qaadaya awoodda ay leeyihiin in ay ku noolaadaan nolol sharaf iyo caafimaad leh.   

Dhaktarka oo baaraya mid ka mid ah dadka qaliinka lagu sameynaayey

Goobta laga qabtey: Qalliinka indhaha waxaa uu ka dhacay Gaalkacyo oo ku taalla bartamaha Soomaaliya. Magaalada iyo degaanka ku hareereysan waxaa ku nool dad lagu qiyaasey ilaa 300,000 qof. Magaaladu waxa ay u kala qaybsan tahay waqooyi iyo koonfur oo ay u kala degaanka qabaa’ilka halkaas dega, oo labada qayboodba waxa ay leeyihiin maamullo kala madax-bannaan oo magaalada qaybtooda ka xukuma. Khad ayaa kala qeybiya Gaalkacyo oo dadkuna si dhif ah ayaa ay labada dhinac ugu kala safraan.Baaritaankii hore ee Koonfurta Gaalkacyo laga fuliyey waxaa uu ka dhacay dugsiga sare ee Al Shacab waxaana intaa ka dib qalliinnada lagu sameeyey Cusbitaalka MSF ee Koonfurta Gaalkacyo intii u dhaxaysey 22-kii ilaa 24-kii Maarso.Baaritaan kale iyo qalliin kale ayaa ka dhacay cusbitaalka guud ee gobolka Mudug ee MSF ee ku yaalla Waqooyiga Gaalkacyo muddadii u dhaxaysey 25-kii ilaa 28-kii Maarso.Qalliinka marka laga soo tago waxaa jira barnaamijka caadiga ah ee MSF ee Gaalkacyo oo bixiya adeegyo caafimaad oo lacag la’aan ah oo ay koox 254 shaqaale Soomaali ah oo dadaal badan ay daryeel nafaha lagu badbaadiyo ku siiyaan bukaanno, ay qaarkood ka soo safraan meelo fogfog sida Itoobiya oo kale si ay daryeel u helaan: Adeegyada la bixiyo waxaa ka mid ah daryeelka carruurta; daryeelka hooyooyinka, daryeelka degdegga ah ee uurreyda iyo umulaha; quudin-ku-daweyn; daaweynta qaaxada iyo qalliin, iyo waxyaabo kale.  Sanadkii 2010-kii oo keliya, kooxaha MSF ee waqooyiga iyo koonfurta Gaalkacyo waxa ay bixiyeen 83,621 la-talin caafimaad ah, waxa ay ka umuliyeen hooyooyinka 1,316 carruur dhalatey ah, waxa ay tallaaleen in ka badan 5,871 qof, waxa ay sameeyeen 98 qalliin oo waaweyn (marka laga reebo qalliinnada indhaha), waxaana ay qaaxo ka daweeyeen 699 bukaan.   

Dhakaatiirta oo qaliinka kuguda jira

Macluumaad kooban oo ku saabsan raad-raac taariikheed: Dr. Cabdirisaaq Axmed Dalmar Dr. Dalmar waa dhakhtarka indhaha, iyo guddoomiyaha mu’assasada Al-Nur Foundation iyo  Madaxa Tababarrada iyo Cilmi-baarista ee Right to Sight, oo ah hay’ad caalami ah oo samafal oo ka shaqeysa in ay taageerto mashaariicda daryeelka indhaha ee Hindiya iyo Afrika. Isaga oo wax ku bartey (ku tababartey) Soomaaliya, labaatan iyo shanta sanadood ee waayo-aragnimadiisa hawleed ah waxaa uu ka soo shaqeeyey goobo caafimaad oo kala duwan oo guud ahaan Afrika iyo Boqortooyada Midowdey (Ingiriiska) ku yaalla, iyada oo ay taas u weheliso hawlihiisa waxbarasho iyo aqoonta la xiriira isaga oo Bare Sare oo kolba soo booqda oo dhiga Cilmiga Caafimaadka Indhaha iyo Istaatistikada Caafimaadka ee Dadweynaha (Community Ophthalmology and Medical Statistics) ka ah Kuliyadda Caafimaadka ee Jaamacadda Banaadir, Soomaaliya; Cilmi-baare Caafimaad oo uu ka yahay Xarunta Caalamiga ah ee Caafimaadka Indhaha/the International Centre for Eye Health ee London School of Hygiene and Tropical Medicine; iyo maareeyaha xarun cilmi-baarista caafimaad oo ku taalla Dar es Salam, Tanzania. Dr. Dalmar waxaa uu sanado badan la shaqeeyey MSF, markii ugu dambeyseyna waxa ay ahayd isaga oo ahaa guddoomiyaha Ururka Horumarinta Mudug/Mudug Development Organizatiion oo taageerayey Cusbitaalka MSF ee Koonfurta Gaalkacayo ee Bartamaha Soomaaliya.   

Mu’asasada Al-Nur Foundation Hawsha loo abuurey Mu’assasada waxaa loo qeexey sida tan:In ay dadka Soomaaliyeed ay adeegyo la xiriira cilmiga caafimaadka indhaha u siiso heer degaan, gobol iyo heer qaranba iyada oo aan dadka lagu kala takooreynin da’da, jinsiga, diinta, luqadda iyo isirka uu qofku ka soo jeedo.Ujeeddooyinka Mu’asassadu waa: In ay daryeel caafimaad oo heerka ugu sarreeya oo suurtagalka ah ay siiso dadka aan haysan adeegyo noocan ah oo ku filan  In ay horumarin/kobcin dhinaca aqoonta iyo waayo-aragnimada u sameyso shaqaalaha taageera iyo dhakhaatiirta Caafimaadka indhahaIn ay daryeel caafimaad ku bixiyaan degaannada fogfog ee ka tirsan Soomaaliya, iyaga oo sameynaya goobo waqtiyo kooban lagu daweeyo indhaha iyo waaxo caafimaadka indhaha oo goobaha fogfog ka shaqeeyaAl-Nur waxa ay cusbitaal caafimaadka indhaha ah ku leedahay Muqdisho; waxa ay laba xarumood oo yaryar oo kuwa caafimaadka indhaha ah ku leedahay Waddada Muqdisho-Afgooye iyo degmada Bandiiradley ee Maamul-gobolkeeda Galmudug State ee Soomaaliya. Intaa ka sokow Al-Nur waxa ay barnaamijyo tababareed ay siisaa shaqaalaha taageera dhakhaatiirta caafimaadka iyo ardayda caafimaadka ee Soomaaliyeed iyada oo adeegyo dadka goobahooda loogu geynayo ku bixisa guud ahaan dalka.   

Mid ka mid ah bukankii indhaha loo fiiqay

   

   

   

  

  

  

  

  

  

  

  

  

  

  

  

  

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Tags:

Qoraalada kale ee ku saabsan Dhacdooyinka

Qoraalada kale ee ku saabsan Gobolka Mudug, Koonfura iyo bartamaha Soomaaliya