Bukaanadda qaaxada ee isbitaalka MSF ee Gaalkacyo oo ka qisoonaya noloshooda

24.03.2011 | Gobolka Mudug, Koonfura iyo bartamaha Soomaaliya

Waa 6dii subaxnimo, isbitaalka Koonfurta Gaalkacyona, qoraxdu way soo baxaysay. Halkaan gudaha ah ee hooska ahna, bukaanku waxay bilaabeen inay dhaqdhaqaaqaan oo socsocdaan. Qaarkood waa da’, qaarkood waa dhalinyaro; qaarkood waa uun tilaabsan karaan, meesha kuwa kale ay fiiriyaan sawirka caafimaad; qaarkood waxay ka soo safreen dhowr mayl si ay halkaan u yimaadaan, kuwa kale maalmo ayay soo lugeeyeen.

Siday doonto ha ahaatee, waxay kuligood wadaagaan, waa cudurka qaaxada. Mid kastoo ayaga ka mid ahi wuxuu qabaa xanuunkaas, mid kastoo ka mid ahina wuxuu ka qaataa daaweyn lacag la’aan ah isbitaalka Dhakhaatiirta Aan Xudduuda Lahayn (MSF). Ilaa 2005tii, Dhakhaatiirta Aan Xudduuda Lahayn, oo ah urur caalami ah oo ka shaqeeya caafimaadka degdega ah, waxay ku daaweynaysay bukaano qaba qaaxo 6 isbitaal iyo xarumo caafimaad oo ku kala baahsan Soomaaliya. Sanadkii 2010 oo kaliya, MSF waxay ku daaweysay in ka badan 699 Soomaali ah oo uu haleelay xanuunku labo isbitaal oo ay ku hayso Koonfurta Gaalkacyo iyo Waqooyiga Gaalkacyo, 151 kalena meelo kale oo wadanka ku yaal.
“TB is a massive problem here in Somalia,” says HoM Karin Fischer Liddle . “We are seeing people travelling hundreds of kilometres to get to us because they have heard about the free treatment we are providing. Numbers are increasing all the time.”

“Qaaxadu dhibaato balaaran ayay ka tahay Soomaaliya,”ayaa waxaa yiri Madaxa Barnaamijka Karin Fischer Liddle. “Waxaan aragnaa dad ka soo safra boqolaal kiilomitir si ay noogu yimaadaan maxaa yeelay waxay maqleen daawaynta lacag la’aanta ah ee aan bixino. Tiradooduna way sii kordhaysaa xili kasta.
Patients who arrive at the MSF hospitals are tested for the disease and, if positive, are invited to begin treatment immediately. The treatment programme is intense. Patients are required to stay in accommodation near the hospital for six months if they are coming from far away and have no relatives in town and, due to the infectious nature of the disease, are only allowed to have one family member or friend with them to act as a caretaker.

Bukaanka yimaada isbitaalka MSF waxaa laga baaraa xanuunka, hadii laga helana, waxaa lagu marti qaadaa inay si dhakhso ah u bilaabaan daawada. Barnaamijka daaweyntu waa mid sareeya oo sharci adag leh. Bukaanka waxaa looga baahan yahay inay joogaan goobta jiifka ee u dhow isbitaalka mudo lix bilood ah haddii ay ka yimaadeen meelo fogfog qaraabana aysan ku lahayn magaalada, dabiicinimada jeermis dhalineed ee xanuunkaan awgiisna waxaa loo ogol yahay hal qof oo qaraabo ah ama saaxiib ah oo u shaqeeya si uu u daryeelo bukaanka.

“Joogista lix bilood meel ka baxan gurigiisa way adag tahay bukaanka qaarkood,”ayey tiri Karin “laakiin waxaan si adag ugu dhiirigalinaa dadka inay daawada dhamaystaan, maadaama ka tagista daawada qaaxada intaysan u dhamaan ay ku sababi karto inuu jirkiisu la qabsado daawada qaaxada, taas oo aanan ku daaweyn karin hada Soomaaliya. Ilaa iyo hada, dhawr bukan ayaa tagay ayagoon dawadii dhamaysan.”

Bukaan kastoo ay tahay markiisii ugu horeysay ee uu daawo qaaxo qaato, habka daaweynta qaaxadu waa isku mid. Labada bilood ee ugu horeeya daaweynta, bukaanku waxay qaataan labo ilaa afar kiniini maalintii, ayadoo ay ku xiran tahay miisaankooda, taas oo ka kooban afar daawo oo la dagaalanta xanuunka. Afarta bilood ee ugu dambaysa, bukaanka waxaa looga baahan yahay inuu qaato labo daawo maalintii.

Bukaan kasta waxaa la siiyaa jiif lacag la’aan ah iyo cunto, kuwa nafaqo daridu hayso waxaa helaan cunto dheeraad ah oo nafaqayn gaar ah leh.Natiijooyinka daaweyntu waxay ahaayeen kuwo cajiib ah. MSF waxay ka daaweysa bukaanada qaba qaaxada dunida oo dhan, laakiin isbitaalada Koonfurta Gaalkacyo iyo Waqooyiga Gaalkacyo waxay muujiyeen inay yihiin meelo ay MSF ku guulaysatay natiijooyin aad u wanaagsan sida daaweynta loo adeecay iyo sida looga guulaystay xanuunka

“Aad ayay noo farxad galinaysaa inaan ka daaweynay dad badan oo qaaxo qabay Soomaaliya, xataa xaalado aad u adkaa,”ayay tiri Karin. “waxaa noo jooga toban shaqaale caafimaad oo kaliya oo ka shaqaynaya qaybaha labada isbitaal ee Waqooyiga Gaalkacyo iyo Koonfurta Gaalkacyo, laakiin taasi nagama aysan joojin inaan siino daaweyn tiro badan oo qaaxo qabta.” “Siday doonto ha ahaatee, waxa ugu qanaca badan ama faa’iidada badan waa aragtida dad laga daaweyey xanuunka rabana inay u sheegaan dadka kale waxqabadka caafimaad ee lacag la’aanta ah ee ay bixiso MSF. “dadku aad ayay uga mahadcelinayaan in la daaweeyey,’ayay tiri Karin . “waxay mar kasta noo sheegaan inay ku dhiirigalinayaan qaraabada kale iyo dariskaba inay daaweyn u yimaadaan.“waa arin mudnaanteeda leh in la arko”

1) Dahabo Maxamed, oo 55 jir ah waxay ka timid Guriceel, Soomaaliya

Dahabo Mohammed ©Siegfried Modola/MSF

“Bil ka hor ayay ahayd anigoo jooga guriga markii aan bilaabay inaan dareemo inaan aad u xanuunsanahay oo aan tabar daranahay,”ayay tiri. “Xabadka ayaa i xanuunay mana garanayn waxa i haya. Dad ayaa ii sheegay in laga yaabo inaan qabo cudurka qaaxada. Markaas ka dib ayay ahayd markaan ogaaday isbitaalka MSF ee ku yaal Koonfurta Gaalkacyo.”

Dahabo waxay daawo ku qaadanaysay qaybta qaaxada dhowr asbuuc oo kaliya waxaana daryeelaya mid ka mid ah gabdhaheeda. “Waxaan leeyahay caruur aad u fiican waana ku faraxsanahay in gabadh aan dhalay ay ila joogto, “ayay tiri. “laakiin waxaan dareensanahay inaan gurigaygii masaafo u jiro. Aad baan ugu faraxsanahay in la daaweynayo, laakiin waxaan rajaynayaa inaan soo raysto oo aan gurigaygii aado.

2) Cabdullaahi Cabdi, oo 50 jir ah. Wuxuu ka yimid Galinsoor, oo 90 kiilomitir koonfur ka jirta Gaalkacyo. Waxaa la soo jiifiyey Isbitaalka Koonfurta Gaalkacyo sadex bilood ka hor ka dib markuu bilaabay inuu hunqaaco dhiig.

Abdullahi Abdi©Siegfried Modola/MSF

Abdullahi Abdi©Siegfried Modola/MSF

“markii hore, uma imaan isbitaalka inaan xanuun dareemayey, laakiin waxaan waday qof qaraabo ah oo xanuunsan kaas oo, nasiib daro, dhintay waxyar ka dib markii aan isbitaalka nimid,”ayuu yiri. Aad ayaan u murugaysnaa waxaanan dareemayey inaan aad u xanuunsanahay, sidaa darteed waxaan go’aansaday inaan is baaro. Waxaan noqday mid qaba cudurka qaaxada wax badana kama soo wareegin markii aan bilaabay inaan daawo qaato.

Cabdullaahi way kala tageen xaaskiisii wuxuuna leeyahay labo wiil iyo labo gabdhood, kuwaas oo kan ugu wayni ku nool yahay Nayroobi halkaas oo ay shaqo ka raadraadiso. “Aad ayaan u tabaa gabadhaydii qaaliga ahayd” ayuu si neef tuur ah u yiri. Waan ka walwalaa inay ku sugan tahay magaalo sidaas u wayn telefoonka ayaanan ka wacaa markastoo aan awoodo.

Cabdullaahi hada waa xoolo dhaqato, laakiin mar wuxuu ka ahaan jirey sarkaal sare dowladii dhexe, “Had iyo jeer waxaan dib uga fakaraa xiligii Soomaaliya ay deganayd uuna ahaa wadan midaysan,” ayuu yiri. Xiligii hore bulshada iyo qoysaskuba way daryeeli jireen dadka xanuunsada. Maanta, waxaa jira silic iyo darxumooyin aad u badan sida abaaro adag iyo dagaal wayna adag tahay in cidina awood u yeelato inay daryeesho cid kale. Waa arin murugo ah.”

3-4) Xabiibo Cali oo 35 jir ah waxaa keenay isbitaalka Koonfurta Gaalkcyo dad qoyskeeda ah ka dib markii uu ku sii batay kaar daran oo ka hayey dhinaca midig ee xabadka.

Habiibo ©Siegfried Modola/MSF

Habiibo ©Siegfried Modola/MSF

“Waxaan ka imid Dure, taas oo ah tuulo yar oo ilaa afar saac gaari looga socdo halkaan ayadoo wado boor badan uu marayo,” ayay tiri. “Maalintii aan nimid safarku aad ayuu u dheeraa wuuna xanuun badnaa. Waxay ahayd mid raysasho leh inaan imaado aanan ogaado inaan ka soo raynayo.”
Xabiibo waxay labo billod qaadanaysay daawo waxaana u haray afar bilood oo kale inta aysan daawadu u dhamaan.

“Waxaan leeyahay shan caruur ah, laakiin aad bay uga yar yihiin inay sameeyaan safar dheer si ay ii soo arkaan. Aad ayaan u tabayaa wayna igu adag tahay inaan la dagaalamo xanuunkaan ayadoon qoyskaygii ila joogin. Laakiin waan ogahay inaysan mudo dheer iga xigin markaan mar kale hab siin lahaa iyaga. Sidaas inaan u fakaro waxay iga dhigaysaa inaan halkaas ka sii wato daawadayda

5 -6)Maxamed Saha wuxuu ka yimid Budbud, waa tuulo in ka badan 100km bari kaga beegan Koonfurta Gaalkacyo

Mohammed_Saha ©Siegfried Modola/MSF

Mohammed_Saha ©Siegfried Modola/MSF

“waxaan jiraa 70 sano si adagna u soo shaqeeyey intaan noolaa, laakiin waan ogaa in wax iga qaldanaayeen markii uu igu dhacay oo igu sii batay dhabar xanuun daran dabadeedna si tartiib tartiib ah uu iiga dhumay isticmaalkii lugahayga,” ayuu yiri.

Maxamed wuxuu qaatay daawada qaaxada sadex bilood xaaladiisuna way soo hagaagaysaa. “Waxaan leeyahay sadex wiil iyo afar gabdhood waxaanan ahaan jirey xoolo dhaqato,” ayuu yiri. Laakiin waan iska daayey xoolo dhaqatanimadii ka dib markii ay iiga baxday in ka badan 70 neef oo geel ah jeermis xanuun dhaliye ah oo ku dhacay awgiis. Dabadeed waxaan u shaqayn jirey sidii xamaali, laakiin waan dareemayaa waagii aan geelayga haystay. Waxay ahayd xili fiican. “ogaanshiiyaha inaan ka soo raynayo maalinba maalinta ka dambaysa way i farax galisaa. Waxaa sugayaa inaan maalin maalmaha ka mid ah aan ku noqon kari doono gurigaygii iyo reer kaygii qaaliga

Qoraalada kale ee ku saabsan Gobolka Mudug, Koonfura iyo bartamaha Soomaaliya