Soomaalida qaxootiga ah ee kasoo firxaday dagaalku waxa ay goobo ay degaan ka sugayaan xeryaha qaxootiga ee buux-dhaafay ee Kenya.

28.12.2010 | Keyna, Xeradda qoxootiga ee Dadaab

Soomaalida qaxootiga ah, ee kasoo firxanaysa dagaalada ka socda dalkoodu, waxa ay si isdaba-joog ah usoo gaarayaan xerada Dhadhaab ee ku taalla  gudaha xuduudda Kenya.  Seddexda xero qaxooti ee ugu waaweeyni , hore ayay u buux-dhaafeen, mana siin karaan degsiimo, sidaa awgeed waxa keliya ee ay samayn karaan qaxootigan cusubi waa in ay  guryo ku-kumeelgaar ah ka dhistaan saxaaraha  ka dambeeya xeryaha. MSF waxa ay caawisaa qaxootiga cusub iyada oo siinaysa  agabka ay gabood ka dhistaan, iyo daryeelka caafimaad ee ay aadka ugu baahan yihiin, inta ay ka helayaan goob ay si rasmi ah ugu noolaadaan.

Jahara Axmed Cabdi oo 35 jir ahi, dhawaan ayay kasoo talowday xuduudda Kenya iyada oo ay weheliyaan ninkeedii iyo seddex caruur ah  oo usoo badbaaday, iyaga oo aad u raadinaya in ay helaan meel nabad ah oo ka durugsan qalalaasaha wadankeedii dil-dilaaciyay. Qoysku waxa uu ku noolaa caasimadda Soomaaliya ee Mogadishu, laakiin markii Jahara wiilkeedii siddeed jirka ahaa rasaasi dishay, waxa ay xaqiiqsadeen in aanay khatartan usii adkaysan karayn (xammilayn). Si xuduudda loo geeyo, waxa ay bixiyeen US$150  doolar, lacagtaas oo qiyaas ahaan u dhiganta kala-bar lacagta qooyska Soomaaliga ahi filan karo in uu sanadkii shaqaysto,, waxaana ay soo gaareen  goob saxaare ah oo u dhow  Dhagaxley.
Dhagaxley waa mid ka mid ah seddexda xero-qaxooti ee Dhadhaab ee ku yaalla waqooyi-bari Kenya. Xerayahan  waxaa la sameeyay 1992 si ay hooy ugu noqdaan qaxootiga Soomaalida ah, sanad ka dib markii wadanku dhex-muquurtay dagaal sokeeye. Markii hore waxaa loogu talagalay in ay qaaddo 90,000 oo qof, laakiin Dhagaxley maanta waxa ay hooy u tahay dad  ku dhow 300,000 oo qof..

“Asbuuc kasta, waxaa noo yimaadda  1,400 ama 1,500 oo qaxooti cusub oo Soomaaliya ka yimi. Arintani waxa ay xerada ka dhigaysaa mid aad u buux-dhaaftay, taas oo micnaheedu yahay  in ay ciriiri iyo dhibaatooyin farabadan u keenayso dadkii hore usii degenaa goobta,” sidaas waxaa yiri  Mohammad Daoud,  oo ah xiriiriyaha  howlaha MFS ee Dhagaxley. MSF waxa ay ka shaqaynaysay xerada lagasoo bilaabo 2009, iyada oo mamausha cusbitaal qaada  110 sariirood iyo weliba afar goobood oo kale oo  adeeg caafimaad laga bixiyo.

Maadaama aysan muuqan in dagaalku dhamaanayo, Daoud waxa uu saadaalinayaa in dad badan oo qaxooti ahi imaandoono.  Ka dib marka ay   soo safraan masaafo dheer, iyaga oo badanaaba lugaynaya, qaxootigu waa kuwo aad u daallan, oo ay hayaan dhibaatooyin badan oo dhinaca caafimaadka ahi.  Baahiyaha caafimaadka ee Dhagaxley waa kuwo aad u balaaran, Cusbitaalka MSF iyo goobaha kale ee caafimaadkubana waa kuwo latan-dhaafiyay.  Xilligan la joogo 600 oo qof oo xanuunsanaya ayaa bil walba la jiifiyaa cusbitaalka,  iyada oo celcelis ahaanna 10,000 oo qof  oo bukaan-socod ah ay shaqaaluhu daweeyaan.

Dadka cusub ee yimaadda waxaa lagu qasbaa in meel ay ku noolaadaan ay ka raadsadaan goobo ka baxsan xerada Dhagaxley ee aadka u cabursan (ciriiriga u ah). Dhamaadkii Oktoobar 2010 markii  Jahara Axmed Cabdi iyo qoyskeedu ay yimaaddeen, qaxootiga kale ayaa gacan kusiiyay sidii ay u dhisan lahaayeen mutul ay ku noolaadaan. MSFna waxa ay siisay bacaha guryaha la saaro, si ay xilli roobaadka soo socda uga jirsadaan. Musqullo ma jiraan, waxaana dadku ay  u kaadi tagaan  dhul aanay wax badani ka bixin oo ka dambeeya mutalahooda, waxaana ay walaac (baqdin) joogta ah ka  qabaan in waraabe soo weeraro caruurtooda.  Weli wax cunto ah kama  aysan helin maamulayaasha degaanka, nolashooduna waxa ay ku xiran  tahay deriskooda oo marba wax kasiiya wixii cunto ah ee ay haystaan..

Qoysaska deriska ah oo gacansiinaya ku siinaya Jahara Axmed Cabdi iyo qooyskeeda si ay u dhistaan mutul, iyada oo MSF na gacanta ka gelisay bacaha guryaha la saaro ee roobka celiya, si ay u isticmaalaan xilli roobaadka soo socda.@Nenna Arnold/MSF

Xilligan aynu joogno waxaa jira  5,000 oo qof oo ku nool degsiimooyin kumeel-gaar ah oo ka baxsan Dhagaxley. In ku dhow 700 oo qooysaska cusub ahi waxa ay yimaaddeen muddadii u dhaxaysay  Ogoosto iyo Nofeember 2010,  dhammaantoodna waxa ay ku noolyihiin xaalado adag iyaga oo ku nool mutolayaal ku meelgaar ah. Goobtu waa mid u nugul daadadka, markii ay da’een roobabkii ugu horeeyay ee xilli roobaadka ee bilowday Nofeember bilowgeeda,  degsiimooyinkii kumeel-gaarka ahaa oo dhan waxaa qaaday daadad. Qooysas farobadan ayaana ku waayay raashinkoodii iyo waxyaalihii  yaryaraa ee ay haysteenba..

Waxa ay u dhowdahay in xilli roobaad lagusii jiro ilaa bisha Janaanyo. Haddii lagusii noolaado xaalada sidan u adag, iyada oo aan lahaysan hooy (gabood) wanaagsan,  waxaa la filayaa in dhibaatooyinka caafimaad ee dadka haystaa kasii daraan.  Biyaha fadhiistaana waxa ay sababaan in ay dillaacaan cudurada biyaha ka dhasha ee ay ka midka yihiin caabuqa iyo shubanku, halka ay caruurtuna si gaar ah  halis ugu jirto in ay ku haleelaan cudurrada sambaba ku dhacaa. Shaqaalaha MSF waxa ay saacad walba heegan ugu jiraan sidii ay u dabooli lahaayeen baahida caafimaad ee qaxootiga imanaya (cusub), sida  Jahara Axmed Cabdi.

“Sida caadiga ah dadka caafimaadkooda ayaanu baarnaa, waannu tallaalaa, cusbitaalka ayaanuna geeynaa haddii laga maarmi waayo,” sidaas waxaa yiri Mohammad Daoud.

Dad cusub oo Soomaaliya ka yimi, oo kusoo daalay safarkii, kuwaas oo ay kooxda guur-guurta ee MSF daryeel ugu fidinayaan goob ka baxsan Dhagaxley. @Nenna Arnold/MSF

Daoud waxa uu sharaxayaa rafaadka (saxariirka)  soo gaaray qof dhawaan yimi. “Waxaa noo yimiday nin waayeel ah, waxaanu noo sheegay inuu arkay nin aad u xanuunsan. Waannu soo raacnay.  Waxaannu kusoo baxnay (nimi) geed meel cidla ah ku yaalla. Geedka harkiisa yar waxaa ahaa dameer uu daal aad u darani ka muuqdo,  gaari-dameer, labo riyo (eri) ah, shan carruur ah oo habaas (boor) qariyay oo ku ciyaaraya uskaga dhexdiisa, iyo nin dhallinyaro ah oo aan dhaqdhaqaaqayn  oo buste ku jiifa. Qoysku isla maalintaas ayay goobta soo gaareen, waxaana ay ka soo safreen Soomaaliya. Ninkan dhallinyarada ah xaaskiisii way maqnayd waxaana ay u raadisay gargaar, ama cunto, maanu xaqiijin karayn. Ninkii dhallinyarada ahaa wuxuu isku dayay in uu fariisto, laakiin uma aysan suurtogelayn haddii aan la taageerin. Ayaamo farobadan ayaanu cunto cunin. Waxaa noo cadaatay in xummad (qandho) aad u saraysaa haysay, uuna u baahnaa  in cusbitaal loo qaado. Waanu soo qaadnay.  Nasiib wanaag odaygii ayaa masuuliyaddii carruurta qaaday ilaa inta hooyadeed ka imaanaysay..”

Maalintii xigtay, Daoud ayaa ninkii dhallinyarada ahaa ku booqday cusbitaalka.. “Aad buu u xanuunsanayay, laakiin qandhadii way ka jabtay. Dib ayaanu u noqonnay si aannu usoo eegno qoyskiisii, waxaanuna u tagnay iyaga oo la jooga ninkii waayeelka ahaa ee maalin ka hor ku ahaa qariibka. Mutul yar ayuu dejiyay, waxaanu wax kasiiyay wixii cunto ah ee uu haystay.”

Qooyskii dhawaan yimi ee uu caawiyay ninka waayeelka ahi, isaga oo dejayay mutul, waxna kasiiyay wixii cunto ah ee uu haystay. @Nenna Arnold/MSF

Lagasoo bilaabo daadadkii Nofeember, markii roobabku bilaabmeen, inyar ayay kasoo raysay xaalada qoysaska degen  Dhagaxley. Qooys waliba waxa uu haystaa gabbood (hooy), iyada oo  qayb ka mid ah qoysaskaasna, inkasta oo aanay dhamaantood wada helin,  la siiyay biyo nadiif ah  Ma jiraan musqullo. Bilo farobadan ayay dadku sugayeen in  loo wareejiyo xeryo cusub, laakiin marwalba dib ayaa loo dhigayay, waxaana ay u dhowdahay in aan qorshahani fulayn inta ka horaysa bisha Janaayo ee sanadka cusub.. Bishii Nofeember,, MSF warsaxaafadeed ay soo saartay waxa ay ugu baaqday maamulayaasha wadanka Kenya iyo ururada gargaarkaba in ay sida ugu  dhaqso badan qaxootigan ugu  raraan meel ku habboon. Inta arintaas ka fulaysana, qooysasku sugitaankaas uun bay kusii jirayaan.  Qaxootiyo kale oo cusub ayaana marwalba kusoo biiraya.

Tags: , , ,

Qoraalada kale ee ku saabsan Keyna, Xeradda qoxootiga ee Dadaab