Carqaladaha sii badanaya ee haysta bixinta daryeelka caafimaadka ee laga bixiyo Soomaaliya ayaa halis gelinaya nolosha bukaannada

07.10.2010 | Gobolka Jubadda Hoose, Koonfura iyo bartamaha Soomaaliya

Nayroobi, Kenya, 7da   Oktoobar 2010:  Dhakhaatiirta Aan Xuduudda Lahayn  (MSF)  waxay wax ka qabaneysaa baahiyaha caafimaadka ee ku sii badaneysa Soomaaliya,. Haseyeeshee, bixinta daryeel caafimaad ayaa sii adkaaneysa, gaar ahaan koonfurta Soomaaliya, halkaas oo ay ka jireen culaysyo ku imanayey helidda sahay caafimaad iyo, sida mar dhacdeyna,  sahay ayaa la qaatay. Dhacdooyinkan ayaa halis gelinaya nolosha kumanaan bukaanno ah. MSF waxa ay codsaneysaa in hawlaheeda, shaqaalaheeda, sahaydeeda iyo xarumaheeda caafimaadba la ixtiraamo, si ay ugu suurtagasho in la gaarsiin karo  daryeel caafimaad oo nafo lagu badbaadinayo oo lacag la’aan ah dadka u baahan  

Bishii  la soo dhaafey, ayaa gaari weyn oo cuntada lagu daweeyo nafaqo-xumada u wadey mid ka mid ah cusbitaallada MSF ay joojiyeen rag hubeysan  rarkii saarnaana la qaatay. In kasta oo codsiyo isdabajoog ah la sameeyey, haddana sahaydii weli lama soo celinin. Isla bishaas dhexdeeda, ayaa MSF waxa la soo ogeysiiyey in qaar ka mid ah duulimaadyada agabka caafimaadka aasaasiga ah u sida mashaariicda qaarkood laga mamnuucay in ay soo degaan “Waxa keliya ee inoo furan hadda waa in aan sahayda soo marsiinno waddooyinka dhulka oo ah kuwo halis badan, safarkaas oo qaata shan ilaa toddoba maalmood si loo gaaro mashaariicda aan ka wadno degaannada fogfog ee koonfurta dalka,” ayaa ay tiri Karin Fischer-Liddle, oo ah Madaxa Hawl-galka MSF ee Soomaaliya. Tani waxa ay halis gelineysaa ololayaasha tallaalka ee MSF sida jadeecada, oo loo adeegsado tallaalo u baahan “qaboojiyeyaal” marka meel la geynayo oo daahiddana u nugul. Bishii Agoosto, koox ka socotey mid ka mid ah mashaariicda MSF ayaa tallaashey carruur ay tiradoodu gaareyso 3,360. “Kooxaheenna caafimaadka wax kagama qaban karaan xaaladaha degdegga ah 24 ilaa 48 saac sidii ay hore u sameyn jireen,” ayaa ay tiri Karin Fischer-Liddle. “Hadda, isticmaalka baabuur waaweyn waxa ay nagu qaadataa wax ka badan toddobaad. Waxa aan degdeg ugu baahannahay in la soo celiyo gaadiidkii cirka ee aan adeegsan jirney si looga hortago cudurrada faafa iyo si aan dhaqso wax uga qabanno xaaladaha degdegga ah.”

MSF ayaa weli ah hay’ada ugu weyn ee daryeel caafimaad oo tayo sare leh oo lacag la’aan ah ka bixisa Soomaaliya. Sanadkii la soo dhaafey, ayaa in ka badan 1,300 oo shaqaale Soomaali ah ay ku dhowaad 650,000 oo la-talin caafimaad ah ku bixiyeen xarumaha caafimaadka ee MSF, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen 3,000 oo qalliin oo la sameeyey. “Hadda, kooxaha caafimaadka ee Muqdisho ayaa waxay la tacaalayaan tirada sida aadka ah kor ugu kacaysey ee dhaawacyada dagaalka. Dooxada Jubbada Hoosena, carruurta ay hayso nafaqo-darida  ayaa si joogto ah  kor ugu kacaysay. “Waxaan muddo laba maalmood oo keliya ah qaabilney in ka badan 100 carruur ay nafaqo-daro hayso. Dhacdooyinka kala gooya sahayda daawo iyo alaabada kale ee caafimaad  ayaa waxa ay keeni karaan silic iyo geeri aan loo baahneyn.” 

Qaar ka mid ah meelaha ay ka socdaan mashaariicda MSF, ayaa laga mamnuucay in ay u safraan qaar ka mid ah shaqaalaheenna khubarada ah ee ka yimaada dibadda Soomaaliya, kuwaas oo ay ka mid yihiin dhakhaatiir iyo kaalkaaliyeyaal caafimaad oo leh xirfado farsamo oo gaar ah iyada oo sidoo kale mamnuuciddaas ay saameysey shaqaalaheenna adeegga. Maaddaama aan nahay urur caafimaad oo higsanaya in uu bixiyo daryeelka ugu heer sarreeya, waxaa aad muhiim inoogu ah in shaqaalaha muhiimka ah ay iman karaan goobaha ay mashaariicdu ka socdaan si ay kor ugu qaadaan xirfadaha iyo aqoonta shaqaalaha MSF ee Soomaalida ah. “Soomaaliya kama jiro gargaar farsamo oo caafimaad, sidaa daraaddeed haddii aanan si joogto ah u soo booqan karin mashaariicdeenna gudaha dalka ka socda si aan u tababaro sahqaalaha una  qiimeyno barnaamijyadeenna isla markaasna u fiirino tayada daryeelka aan bixino, waxaa dhici kara in nolosha bukaankayaga soo wajihi doonto ” ayaa ay tiri Karin Fischer-Liddle.

In kasta oo caqabadaha jiraa ay sii badanayeen, haddana MSF waxa ay sii waddaa in ay boqolaal qof maalin kasta ku daweyso toban goobood oo Soomaaliya ah iyada oo ka daweyneysa dhaawacyo rabshado ka soo gaarey, cudurro iyo naaqo-daro. MSF waxa ay maamullada ku boorrineysaa in ay wax ka qabtaan baahida adaga ee caafimaad ee haysata dadka Soomaaliyeed iyaga oo ka qaadaya xadaynta  kana yareynaya cadaadisyada handadaada ku haya in ay MSF bixiso daryeel caafimaad oo lacag la’aan ah oo nafo lagu badbaadinayo.

Gargaarka ay MSF siiso dadka Soomaaliyeed:

  • Ujeeddada keliya ee MSF ay leedahay waa in ay bixiso daryeel caafimaad oo tayo leh.
  • MSF ma aha faa’iido-doon. Dhammaan dhaqaalaha aan ku bixinno Soomaaliya waa deeqo aan ka helno dadweynaha caadiga ah ee daafaha kala duwan ee dunida ku nool. MSF kama qaadato wax   maaliyad ah ama dhaqaale dan gaar ah laga leeyahay dowlado ama hay’ado si ay ugu isticmaasho barnaamijyadeeda Soomaaliya.
  • MSF waxay wadaa barnaamijyadeeda Soomaaliya ayadoo ay wadaana in ka badan 1,300 oo shaqaale Soomaali ah oo ay caawiyaan koox yar oo ah khubarro ku takhasusey caafimaadka, adeegga iyo maareynta oo ku sugan dibadda dalka.
  • MSF waxa ay ka shaqeysaa toban  goobood oo ku yaal sideed gobol oo Soomaliya ah: Jamaame iyo Mareerey (Dooxada Jubbada Hoose), Diinsoor (Baay), Dayniile (Banaadir), Afgooye (Shabeelada Hoose),  Jowhar (Shabelada Dhexe), Beletweyn (Hiiraan), Guri Ceel iyo Dhuusamareeb (Galgaduud),  iyo Gaalkacyo (Mudug).
  • MSF waxa ay bixisaa adeegyo caafimaad oo dhameys tiran oo lacag la’aan ah, ayna ka mid yihiin qalliinka, daaweynta qaaxada, nafaqeynta, tallaalka, caafimaadka hooyada iyo dhallaanka, iyo adeegyo dhammeystiran oo bukaan-jiifka iyo bukaan-socodba leh.

Tags: , ,

Qoraalada kale ee ku saabsan Gobolka Jubadda Hoose, Koonfura iyo bartamaha Soomaaliya