Wareysi lala yeeshey Isuduwaha Caafimaadka MSF ee Soomaaliya

16.08.2010 | Gobolka Shabeelaha Dhexe, Koonfura iyo bartamaha Soomaaliya

“Soomaaliya waxa ay leedahay mid ka mid ah tilmaamayaasha caafimaadka ee ugu xun dunida oo dhan oo cudurka qaaxaduna kuwaas kama duwana”

Wareysi lala yeeshey Luis Neira, oo ah Isuduwaha Caafimaadka MSF ee Soomaaliya; wareysigan oo ku saabsan adeegyada cusub ee wax ka qabashada qaaxada ee uu ururku ka bilaabey in uu ka bixiyo laba degaan oo ku yaalla miyiga gobolka Shabeellaha Dhexe, ee Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya.

Luis waxaa uu ka mid yahay kooxda MSF ee xarunteedu tahay Nayroobi ee taageerta hawlaha ururka ee Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya, oo ay in ka badan 1,300 oo shaqaale Soomaali ah ay daryeel caafimaad ku bixiyaan siddeed gobol oo dalka ka mid ah. Luis waa qofka hawlaha caafimaadka u qaabilsan mashaariicda gobolka Shabeellaha Dhexe iyo sidoo kale kuwa Muqdisho, oo ah caasimadda dalka.

Gobolka Shabeellaha Dhexe, waxa MSF ay daryeelka caafimaadka aasaasiga ah ku bixisaa shabakad ka kooban afar xarumo caafimaad ah oo ku yaalla degaannada magaalooyinka iyo miyigaba ah ee ku yaalla dhowr degmo oo ka tirsan gobolka iyo waax uurreyda/umulaha u qaabilsan oo ku taalla magaalada Jowhar. 5tii Juunyo, ayaa kooxaha MSF ay bilaabeen in ay baaritaanka iyo daaweynta qaaxada ka bilaabaan degaannada miyiga ah ee Mahaddaay iyo Gololey.

Ka warran xaaladda qaaxada ee degaankan? Dad badan oo ay ku dhacdey miyaa la soo sheegey? Durba ma jiraan xaalado aad uga shakiseen cudurka?

Xaaladda qaaxada ee gobolka Shabeellaha Dhexe kama duwana tan dalka intiisa kale. Tilmaamayaasha caafimaadka ee Soomaaliya ayaa sanado badan ahaa qaar ka mid ah kuwa ugu liita dunida oo dhan qaaxaduna sidaas kama duwana. Istaatistikada (tirakoobka) uu soo saarey Ururka Caafimaadka Adduunka (WHO), oo aan wax laga beddelin ilaa 2007dii, ayaa tilmaameysa in cudurkani uu dilo in ka badan 5,500 qof sanad kasta. Xarumaheenna caafimaadka waxa aan ku ogaanney tiro dad ah oo aan uga shakisanahay in ay qabaan qaaxo, kuwaas oo baaritaankooda kama-dambeysta ah iyo daaweyntooduba ay aad u dhib badneyd sababta oo ah barnaamijyada oo ku yar degaankaas. Xaaladdu waxa ay ku sii daran tahay degaannada miyiga ah ee Mahaddaay iyo Gololey, maaddaama barnaamijka ugu dhow uu yahay kan Jowhar, oo halkaa aad uga fog oo in dadka reer miyiga iyo reerguuraaga ah ee ku nool degaannadan ay helaan daaweyn ka dhigeyso mid culus, haddiiba aaney ka dhigeyn mid aan suurtagal ahayn. Xaaladdan ayaa innagu dhalisey in aan barnaamij wax looga qabto qaaxada aan furno kaas oo awood inoo siinaya in aan gargaarno dadka aan heleyn daryeelka noocan ah.

Maxay ka kooban yihiin adeegyada ay bixiso MSF?

Xaaladaha cudurka looga shakiyo ayaa la aqoonsadaa marka ay socdaan la-talinta caafimaad ee aan ku sameyno xarumaheenna caafimaadka aasaasiga ah ee Mahaddaay iyo Gololey. Ka dibna saami laga soo qaadey bukaanka ayaa lagu baaraa sheybaar caafimaad oo uu barnaamijku leeyahay sidaa ayaana cudurka lagu ogaadaa laguna daweeyaa. Intaa waxaa dheer, in bukaanka caafimaadkiisa lala socdo, lala taliyo lana baaro dadka uu xiriirka dhow la leeyahay si loo ogaado in ay qabaan qaaxo iyo in kale, gaar ahaan carruurta ka yar shan sano jirka, waxaana taageero dhinaca nafaqeynta ah la siiyaa bukaannada uu cudurku ku keeney nafaqo-xumo.

Si loo daweeyo qaaxada, WHO waxa ay ku talineysaa istiraatiijiyada loo soo gaabiyo DOTS (Directly Observed Treatment Short-course), oo macnaheedu yahay in bukaannadu ay daawooyinka ku qaataan shaqaalaha caafimaadka hortooda si la isaga ilaaliyo in cudurku uu u adkeysto daawooyinka caabuq-bi’iyaha ah. Sidee ayaa istiraatiijiyaddan looga fulin karaa dal deganaansho la’aantiisu ay tahay sida tan Soomaaliya?

Istiraatiijiyadda DOTS ee WHO waxaa loo adeegsanayaa bukaannada maalin kasta tegi kara xarunta caafimaadka. Istiraatiijiyadda DOTS oo wax laga beddeley ayaa loo adeegsadaa bukaannada ay ku adag tahay in maalin kasta ay yimaadaan xarunta caafimaadka sababta oo ah iyaga oo meel fog ku nool ama sababo kaleba, istiraatiijiyaddan wax laga beddeley waxa ay awood u siisaa in ay daawada kowaad ay ku qaataan shaqaalaha caafimaadka hortooda ka dibna ay daawadooda ku dhammeystirtaan guriga ilaa laga gaaro ballanta taas xigta ee ay imanayaan xarunta caafimaadka. Waxa aan u sheegnaa in bukaan kasta uu sameysto “qof ka caawiya daawada”, qofkan waxa uu noqon karaa xubin qoyska ka tirsan ama qof saaxiib la ah oo hubiya in ay daawada u qaataan sidii loogu qorey. Qofkan ayaa sidoo kale mas’uul ka ah in uu qof shaqaale caafimaad ah uu soo ogeysiiyo in bukaankan uu daawada u qaadanayo sidii loogu talogaley ama in uu u soo sheego in bukaanku ay dhibeyso daawada. Sidan, ayaa lagu yareynayaa culayskii bukaanka kaga iman lahaa raacidda nidaamka daaweynta. Waxaa kale oo aan aragney in daacad u ahaanshahooda barnaamijku uu kor u kacay maaddaama aaney ku khasbaneyn in ay maalin kasta tagaan xarunta caafimaadka, taas oo ah arrin dhib ku ah dadka miyiga ku nool, oo ayna haystaan qof garab taagan oo ku dhiirrigeliya in ay daawadooda qaataan maalin kasta.

Qaaxada ka jirta dalalka koonfurta iyo galbeedka Afrika ayaa dhowaantan lala xiriirinayey in uu sabab u yahay HIV/AIDS waxaana la soo sheegey in ay dillaaceen noocyo qaaxada ah oo u adkeysta daawada caadiga ah ee caabuq-bi’iyaha. Arrimahaas ma ka jiraan Soomaaliya?

Xogta saxda ah ee la heli karo aad ayaa ay u yar tahay maaddaama shaqo aad u kooban laga qabtey HIV/AIDS iyo qaaxada u adkeysata daawada ee Soomaaliya. Haseyeeshee, waxa ay nala tahay cudurrada oo daawada u adkeystaa ay tahay dhibaato Soomaaliya ka jirta. Meelaha kooban ee laga helo ayaa daaweynta si aad u xun loo maareeyaa, waxaana jirta in farmashiyeyaasha toos loogu iibiyo daawada qaaxada, taas oo macnaheedu yahay in daawada aan la dhammeysan, daaweyn waqtigeedu kooban yahay la qaato ayna jiraan daawooyin tayadoodu shaki ku jiro. Taasna waa sabab kale oo mashruuca MSF uu muhiimad weyn u yeelanayo.

Labadii sano ee u dambeeyey barnaamijyada MSF ee Soomaaliya waxaa wadey shaqaale dalka u dhashey, oo ay taageeraan kooxo maareynta u qaabilsan oo saldhiggoodu yahay Nayroobi, sababo nabadgelyo-xumada jirta la xiriira daraaddood. Sidee ayaa aad kooxda ugu tababarteen baaritaanka iyo daaweynta qaaxada?

Kooxdeenna wax ka qabata qaaxada waxa aan ka xulanney shaqaalaheennii caafimaadka ee horeba uga shaqeynayey mashruuca Jowhar, kuwaas oo ah dad leh waayo-aragnimo iyo xirfado caafimaad oo lagu biiriyey farsamayo-yaqaan dhinaca sheybaarka ah oo waayo-aragnimo ballaaran u leh barnaamijyada qaaxada ee MSF. Waxaa sidoo kale aan shaqaaleysiiney sarkaal caafimaad oo ku takhasustey cudurrada neef-mareenka ku dhaca, oo ka shaqeyn jirtey mashaariicda qaaxada ee MSF ee Kenya. Waxa ay taageero farsamo ay kooxda ka soo siisaa xarunteeda Nayroobi waxaana ay booqasho ku tagtaa gudaha dalka mar kasta oo ay suurtogal tahay. Kooxda waxaa ay qaateen tababar afar bilood ah oo ku saabsan maareynta qaaxada iyo guud ahaan barnaamijkaba. Tababarka waxaa ku jirey qayb theory ah (afka looga sheego) iyo qayb gacanta laga qabto oo baratiko ah oo lagu qaatey mashaariicda wax ka qabashada qaaxada ee MSF ay ka fulisey Kenya iyo gobollo kale oo Soomaaliya ka tirsan

MSF waxa si joogto ah ay Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya  uga shaqeyneysey tan iyo 1991gii. Waqtigan, ururku waxa uu joogaa siddeed gobol oo Bartamaha iyo Koonfurta Soomaali ka tirsan oo kala ah: Banaadir, Baay, Hiiraan, Galgaduud, Jubbada Dhexe, Shabeellaha Dhexe, Shabeellaha Hoose iyo Mudug.

MSF hay’ado iyo dowlado kama qaadato maaliyad ay u adeegsato mashaariicdeeda ay ka fuliso Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya. Dhammaan maaliyaddeeda waxa ay ka yimaadaan deeq-bixiyeyaal gaar ah.

Qaaxada: baaritaankeeda iyo daaweynteeda

Qaaxadu waa cudur faafa oo la isugu gudbiyo hawada. Noociisa sambabada ku dhaca, waxaa lagu gartaa qufac joogto ah, neef gaagaaban iyo xabadka oo xanuuna. Marka laga soo tago sambabada, caabuqu waxaa uu sidoo kale saameyn ku yeelan karaa ku dhowaad qayb kasta oo ka mid ah jirka, sida nudayaasha lymph, laf-dhabarta ama lafaha. Saddex-meeloodow meel dadweynaha dunida waxa ay sidaan bakteeriyada dhalisa qaaxada. Sanad kasta, sagaal milyan oo qof ayaa ay qaaxadu si buuxda ugu dhacdaa waxaana u dhinta ku dhowaad laba milyan oo qof.

Habka ugu badan ee baaritaanka qaaxadu ee laga adeegsado dalalka soo koraya waa in bukaanka looga shakiyo candhuuftiisa lagu eego weyneeye (microscope); habkan ayaa waxaa la heley muddo hal qarni aad uga badan ka hor waxaana lagu ogaadaa oo keliya kalabar dadka qaba qaaxada. Waqtigan, habka ugu wanaagsan ee la adeegsado waa habka beeritaanka (culture) oo ah in muunad ka mid ah candhuufta la geliyo cuq (la tallaalo) taas oo ah meel ay ku dhalan karto si loo arko haddii ay ku jiraan bakreetiyada qaaxada dhalisa oo nool. Habkan ayaa ah mid ay saxnimadiisu wanaagsan tahay, laakiin waxaa khasab ah in lagu sameeyo sheybaar ay joogaan shaqaale tababaran waxaana ay qaadan kartaa ilaa siddeed toddobaad.

Dawooyinka loo isticmaalo qaaxada waxaa la sameeyey 1950kii waxaana daaweynta qaaxo caadi ah ay qaadataa lix bilood. Si xun u maareyn iyo iyada oo aan si sax ah loo qaadan daawada  ayaa keentey in ay soo baxaan noocyo cusub oo bakteeriyada qaaxada ah oo u adkeysta mid ama qaar ka mid ah daawooyinka caabuq-bi’iyaha ah. Qaaxada nooceeda u adkeysata daawooyinka badan (MDR-TB) ayaa ah nooca ugu ba’an, kaas oo la arko marka ay bukaannadu u adkeysanayaan labada daawo ee caabuq-bi’iyayaasha raaca koowaad ah ee ugu xooggan. MDR-TB ma ahan mid aan la daweyn karin, laakiin daawada loo baahan yahay ayaa keenta dhibaatooyin kale oo badan waxaana ay qaadataa ilaa laba sanadood. Nooc cusub, oo ah qaaxo aad ugu adkeysata daawada (XDR-TB), ayaa la arkaa marka ay bukaannadu u adkeystaan daawooyinka raaca labaad iyaga oo haddana qaba MDR-TB, taas oo daaweynta ka dhigta mid intii hore aad uga culus.

Tags: , , ,

Qoraalada kale ee ku saabsan Gobolka Shabeelaha Dhexe, Koonfura iyo bartamaha Soomaaliya