Waraysi:ISku-duwaha MSF ee Iimey, Gobolka Soomaalida ee Etoobiya

27.08.2010 | Itoobiya, Gobolka ay Soomaalidu degto

Bishii Agoosto 2009kii, Médecins Sans Frontières (MSF) ayaa shaqo ka bilowdey Iimey, oo ka tirsan gobolka Soomaalida ee Itoobiya. Wareysigan, isuduwaha degaanka Christian Sorensen waxa uu kaga hadlayaa waayo-aragnimadii uu la soo kulmey, waxaana uu ku sharxayaa sababta ay muhiimka u tahay in MSF ay maanta halkaas ka shaqeyso.

Returning fieldcoordinator from Imey, Somali Region of Ethiopia©MSF

“Xarunteena Caafimaadka ayaa ah Tan ugu Dhow ee La Iman Karo”

Hordhac:

Ku dhowaad hal sano, ayaa iyaga oo ay weheliyaan shaqaalle ka socda Xafiis Goboleedka Caafimaadka, ay kooxaha shaqaalaha degaanka u dhashey iyo kuwa caalamiga ah ee MSF ay wadeen hawlaha xarunta daryeelka caafimaadka aasaasiga ah ee Bariga Iimey, waxaana ay taageerayeen xarun kale oo ku taalla Galbeedka Iimey, oo laduba ku yaalla gobolka Soomaalida ee Itoobiya.

Labada xarumood ayaa uu webi u dhexeeyaa, taasna waxa uu macnaheedu yahay in shaqaalaha ay bukaannada labada xurumood ugu kala wareejiyaan doon yar, labada xurumood ee caafimaadka ayaa waxa ay la-talin bukaan-socod oo joogto ah siiyaan bukaanno ka badan 2000 bil kasta. Adeegyada la bixiyo waxaa ka mid ah la-talinta caafimaad ee ka horreeysa dhalmada iyo tan ka dambeeysa dhalmada oo la siiyo hooyooyinka uurka leh, iyo kuwa dhowaan dhaley. Haweenka ku dhibtooda foosha, ayaa loo gudbiyaa waaxda hooyooyinka ee ku taalla webiga dhinaciisa kale ee Bariga Iimey. Labada xarumoodba, qayb tallaalka u qaabilsan iyo sidoo kale barnaamij nafaqeyn oo lagu daweeyo carruurta ay nafaqo-xumadu hayso ayaa ay hadda leeyihiin.

Ma noo sheegi kartaa waxa ay yihiin baahiyaha bulshada?

Saboolnimo daba-dheeraatey iyo roobabka oo aan si joogto ah u di’in ayaa nolosha adag ee dadka daaqsatada iyo reer-guuraaga ah ee Iimey ka dhigaya mid sii adag. Adeegyada caafimaadka aasaasiga ah ayaa si aad u yar u jira, waxaana ay bulshadu qabtaa baahiyo kiala duwan aad u badan.

Gaar ahaan Bariga Iimey, xaaladda bani’aadamnimada ee ka jirta ayaa ah mid aad u adag sababtuna waa nabadgelyo-xumada iyo kaabayaasha dhaqaalaha ee aan kobcin.Waxa aan 70 bukaan bishiiba ku daryeelnaa waaxda bukaan-jiifka ee 15ka sariirood leh. Carruurta ayaa la keenaa xarunta iyaga oo qaba caabuqyada neef-mareenka sida oof-wareenka ama iyaga oo qaba nafaqo-xumo ba’an. Mararka qaar waxaa yimaada dad ay soo qaniineen xayawaanno ama qaba dhaawacyo xabbadeed. Waxaana jirta in maaddaama tayada biyaha la helayo ay liidato, ay cuddurrada biyaha ka dhasha sida caabuqyada isha, cudurrada maqaarka iyo shubanka ay aad ugu badan yihiin dadka.

Qaaxada ayaa sidoo kale ah dhibaato caafimaad oo weyn oo ay qabaan dadka Bariga iyo Galbeedka Iimey, sidaa daraaddeed waxa aan qorsheyneynaa in mustaqbalka dhow aan bilowno baaritaanka iyo daaweynta bukaannada qaba qaaxada. Si loo sii wanaajiyo helitaanka adeegyada caafimaadka ay helaan dadka aan xitaa soo gaari karin xarunta, waxa aan bilowney in xarumo caafimaad oo wareega aan toddobaad kasta geyno goobo cusub.

Degmada kama jiraan tas-hiilaad caafimaad oo kale oo shaqeeya, ama ururro kale oo adeegyo caafimaad ku bixiya halkaan. Waa dhab in hawlaheennu ay ku wajahan yihiin daryeelka caafimaadka aasaasiga ah, sidaa daraaddeed waxa aan wax ka qaban karnaa oo keliya qaar ka mid ah baahiyaha jira. Shaki la’aan waxaa ah in ay jiraan hawlo badan oo weli u baahan in la qabto si dad kale oo degaannadan ku nool loo siiyo daryeel caafimaad oo aasaasi ah oo lacag la’aan ah oo tayadiisuna wanaagsan tahay.

MSF waxa ay bukaannada u baahan u dirtaa cusbitaalka ugu dhow, oo 6-8 saacadood ay baabuurtu u socdaan, sidee ayaa ay arrintaasi u taabaneysaa bukaannada?

Waxa ay u taabaneysaa waa iyada oo aan badi bukaannadu helin adeegyo cusbitaal, mana heli karaan gaadiid ay ku tagaan halkaas. Xarunteenna caafimaadka ayaa ah tan ugu dhow ee la tegi karo, waxaan ogahay in bulshadu ay dhab ahaantii ka mahadinayaan in aannu dadka u dirno Gindir; waxa ay og yihiin in haddii aan dadka wax ugu qaban karin xarumaheenna, aannu markaa bukaannada geyneyno cusbitaal si loogu sameeyo qalliinnada lagamamaarmaanka ah ama ka-umulinta kuwa foosha ku dhibtooda.

Haseyeeshee, iyada oo lagu xisaabtamayo in baabuurtu ay lix – 8 saac ay u socdaan cusbitaalka, waxa aan dhab ahaantii isku daynaa in aan bukaannada ku daweyno xarunteenna caafimaadka. Haddii aad xanuunsan tahay ama aad dhaawac qabto, 8 saac oo aad waddo xun ku socoto ayaa ah dhibaato kale, laakiin Iimey kama jiraan fursado kale oo aan taas ahayn.

Habeen ayaa na loo keeney haweeney foolaneysey dhowr maalmood. Kaalkaalisadeennii iyo umulisadii ka socotey Galbeedka Iimey, oo ah xarunta caafimaadka ee ku taalla dhinaca kale ee webiga, ayaa ka soo gudbey webiga goor habbeenimo ah si ay haweeneyda uurka leh u keenaan Bukaan-jiifka ku yaalla xarunta Bariga Iimey. Xarunta caafimaadka kuma lihin daryeel qalliin oo wax looga qabto haweenka foosha ku dhibtooda, sidaa daraaddeed markii xaaladda haweeneyda la dejiyey, waxa aan baabuur ugu qaadney cusbitaalka Gindir oo aannu u gudbinney. Nasiib wanaag, hooyadii iyo ilmaheedii cusbaaba waa ay badbaadeen.

Sidee bey dadka Bariga Iimey u arkaan hawlaha MSF?

Maaddaama aan nahay dadka ajnebiga ah ee jooga degaanka, qayb ka mid ah mas’uuliyaddeennu waxa ay tahay in aan si joogto ah ula hadalno bulshada na martigelisey, si aan ugu sheegno waxa aan halkaas u joogno, waxa aan qabaneyno, iyo in adeegyadu ay yihiin lacag la’aan iyo in uu qof kasta uu xaq u leeyahay.

Waxa aan booqanney tuulooyin dhow iyo kuwo fogba, waxaana aan ogaaney in dadka ay ka warqabaan xarunta caafimaadka, mid ka mid ah culeysyada kale ee weli taagan waa in ay dadku na soo gaarin goor hore, inta aannu xanuunku ku siyaadin oo aaney cuslaan daweyntiisu.Waa ay fududdahay in aan bulshada la hadalno, dhaqanka Soomaalidu waa dhaqan u habeysan in la kulmo, la wada hadlo oo wax la is-dhaafsado.

Dhab ahaantii, umulisada ka shaqeysa xarunta cafimaadka ayaa ku dadaashey in ay la kulanto umuliso-dhaqameedyada ku nool degmada, si kor loogu qaado wacyigooda ku aaddan noocyada dhibaatooyinka  ay la kulmaan iyo in ay kala hadasho sida wax looga qabanayo culaysyada jira sida uurka ay halistiisu sarreyso.Kulamadani ayaa ah kuwo faa’iido u leh Umuliso-dhaqameedyada iyo umulisada MSF, laakiin ugu dambeyntii, kuwa guusha ka helaya oo ka faa’iideysanaya waa bukaannada.

Maxay yihiin tallaabooyinka xiga ee uu qaadayo mashruuca Iimey?

Waxa aan ku khasbannahay in aan sii wadno in aan beegsanno dadka ugu nugul bulshada, taas oo macnaheedu yahay kuwa ay u badan tahay in aaney xataa soo gaari karin xarunteenna caafimaadka. Maaddaama xarumo caafimaad oo wareega aan ka furney goobo kale, waxa dadka aan imaan karin tas-hiilaadka caafimaadka ee hadda jira aan siin karnaa fursado kale oo ay daryeel ku helaan.

Degmooyinka aan ka shaqeyneyno waa kuwo dhul ahaan waaweyn; degaannada qaar ayaa u jira masaafo 60km ka badan xarumaha caafimaadka. Waana aad qiyaasi kartaa in adiga oo xanuunsan aadan dooneynin in aad ku soo lugeyso qoraxda ku gubeysa. Haddii aad dadka u tegi karto, halkii ay iyagu 2 maalmood soo lugeyn lahaayeen si ay kuu soo gaaraan, waxa ay taasi isbeddel ku keeneysaa oo ay wax ka tareysaa caafimaadkooda.

In qayb daaweysa qaaxada lagu soo daro mashruuca mashruuca ayaa iyana muhiim ah.  Waxa aan waayo-aragnimo badan u leenahay hawlaha daaweynta qaaxada ee aannu ka fulinno degaannada kale ee Itoobiya, halkaanna si weyn ayaa loogu baahan yahay.

Bisha Agoosto waa sanadguuradii koowaad ee ka soo wareegatey markii ay MSF hawlo ka bilowdey Iimey, ma kula tahay in ay muhiim tahay in aan hadda halkaas joogno, iyo in aannu sii joogno?

Waa ay caddahay in dadku fursado badan oo kala duwan aaney haysan, marka ay timaaddo adeegyada caafimaadka ee labada degmo ee aan ka shaqeyneyno, iyo sidoo kale degaannada la deriska ah.Waxa bukaannada ay inooga yimaadaan tuulooyin aad u fog iyo degmooyin kale. Toddobaadyo aan badneyn ka hor, waxa aan la kulmey hooyo soo lugeyneysey saddex maalmood si wiilkeeda xanuunsan ay u keento xarunta. Wiilkeeda waxaa laga heley cudurka kala azar, oo ah cudur ka jira dalalka dhaca kulaalayaasha uuna sababo duqsi loo yaqaanno sand fly, kaas oo haddii aan la daweyn geeri keeni kara.

Waxaa kaalin ay inooga bannaan tahay badbaadinta nolosha, daaweynta dadka, iyo in welwelka ay dadku qabaan aan wax kala qabanno, sababta oo ah ma jirto si kale oo ay wax yeelaan. Marka aan ka shaqeyneyno xarumaha caafimaadka waxa aan sidoo kale tababareynaa shaqaalaha caafimaadka ee gobolka Soomaalida. Muddada fog, iyaga ayaa noqonaya kuwa sii wadaya hawshan.

Tags: , ,

Qoraalada kale ee ku saabsan Itoobiya, Gobolka ay Soomaalidu degto