Booga MSF ee Somalia 2009

05.07.2010 | Taakulada Soomaalida

Sanadkii 2009kii, ayaa dadka Soomaaliyeed waxa ay weli dhibaato ka soo gaareysey rabshad aan loo meel dayeyn, iyada oo abaar ba’an ay ku dhacdey qaybo dalka ka mid ah. Malaayiin dad ah ayaa degdeg ugu baahdey daryeel caafimaad, haddana farqiqa weyn ee u dhexeeyey baahida dadka Soomaaliyeed iyo waxqabadka bani’aadamnimada ee la heli karey ayaa sii ballaaranayey. Shaqaalaha MSF ayaa 24ka saacba ka shaqeynayey sideed gobol oo dalka ka tirsan si ay u bixiyaan daryeelka caafimaadka ee aadka loogu baahnaa iyo iyaga oo sidoo kale gargaarey Soomaalida ku nool Kenya, Yaman, Itoobiya, Malta iyo Giriigga.

Daryeelka qalliin ee nolosha dad lagu badbaadinayo

Mashaariic Gaalkacyo, gobolka Mudug, iyo Mareerey, gobolka Jubbada Hoose uu ka fulinayo, ayaa uu ururku uu awood ugu yeeshey in uu ka bilaabo waxqabadyo qalliinka degdegaa ah isaga oo shaqaaleeyey saddex dhakhtar oo ka soo qalinjebiyey jaamacad caafimaad oo Muqdisho ku taalla dhammaadkii sanadkii 2008dii.Shantii bilood ee ugu dambeysey 2009kii, ayaa saddexdaan dhakhtar ay sameeyeen 13 qalliin oo ay haween kaga umuliyeen iyo 104 qalliinno waaweyn ah, 55 ka mid ahi ay ahaayeen dhaawacyo ka dhashey rabshad.

Wadar ahaan kooxaha qalliinka ee MSF ee Soomaaliya ku sugan waxa ay 2,987 qalliin waaweyn iyo qalliino yaryar ah ay sameeyeen sanadkii 2009kii.Isbitaalka Dayniile, oo caasimadda Muqdisho kadinkeeda ku yaalla, ayaa shaqaalaha MSF ay ku daweeyeen tiro dad rayid ah oo ku dhaawacmey dagaallo xooggan oo dhacay bishii Febraayo, iyaga oo Isbitaalka maalin keliya la soo gaarsiiyey 121 dhaawac ah.1137 qof ayaa Isbitaalka loo dhigey dhaawacyo ka soo gaarey qaraxyo; iyada oo 537 ka mid ahi ay ahaayeen haween iyo carruur ka yar 14 sano jir.Isbitaalka MSF ee ku yaalla magaalada Baladweyne ayaa la soo gaarsiiyey 178 bukaan oo dagaal ku dhaawacmey oo u baahan waxqabadyo qalliin ah sanadkii 2009kii.Magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud, ayaa in ka badan 230 bukaanno qaba dhaawacyo dagaallo ka soo gaarey lagu daweeyey sanadka gudihiisa ka dib markii ay dagaallo ka soo cusboonaadeen gobolka.

Akhri Buuga MSF ee Somalia 20090ka

Tags: , , , , , ,

Qoraalada kale ee ku saabsan Taakulada Soomaalida