Heerka nafaqo-darrida oo si aad ah u kordhay gobolka Jubbada Hoose, Soomaaliya

16.06.2010 | Gobolka Jubadda Hoose, Koonfura iyo bartamaha Soomaaliya

 Tirada carruurta nafaqo-darridu hayso  ee lagu dawaynayo Cusbitaalka Mareerrey ee gobolka Jubbada Hoose ayaa si aad ah u soo kordhayey  toddobaadyadii la soo dhaafey, ayaa uu yiri ururka caafimaadka ee Medecins Sans Frontieres (MSF).

patients waiting under trees in MSF Marere feeding centre©MSF

“MSF hadda waxay ku daawaynaysaa rugteeda nafaqynta carruur bukaan-jiif iyo bukaan-socod isugu jirta oo  tiradoodu gaarayso 750  ” ayuu yiri Kaaliyaha Isuduwaha Caafimaadka ee MSF Dr. Sheikhdon, “Intii u dhaxaysay bishii January iyo bishii May ee sanadkan waxaan qaabilnay 1,975 caruur nafaqo-dari ay hayso ,tiradaani waxay ku labanlaabmaysaa  tirada carruurtii  nafaqo-darridu haysay ee aan dawaynay xilligaan oo kale sannadkii la soo dhaafay ”

Ilaa iyo  bartamihii bishii May, daadad ba’an oo ka dhacay guud ahaanba aagaas ayaa  baabíyey dalaggii beeraha, barakiciyey dad, ugana sii darey xaaladda hellitaanka daryeelka caafimaad oo horaba aad u liidatay. Musiibadaan ayaa degaanka ugu darsantay dhibaatooyinkii hore u jiray sida abaaraha, rabashadaha iyo nabadgelyo-xumida, adeegyadii caafimaadka oo gebi-ahaanba maqan iyo gargaarka bani’aadamnimada oo awalba aad u koobnaa.

 Shaqaalahayaga oo booqday  dhawr tuulo oo degaanka ah, ayaa xaqiijiyey  in ay jiraan carruur badan oo nafaqo-darro  hayso oo ku dhex nool guud ahaan bulshada.Daadadka oo xiray waddoonyinka ayaa  aad u adkeeyay isu-socodka. Dadka qaarkood ayaa istacmaalaya  doomo yar-yar oo macmal ah si ay ku soo gaaraan cusbitaalka. Saansaanka muuqdaa wuxuu tilmaamayaa  xaaladda  welwel badan leh.

 MSF waxay sameyneysaa wixii karaankeeda ah si ay wax uga qabato baahida sii kordheysa iyada oo qoraysa shaqaale dheeri ah  iyo iyada oo dhiseysa teendhooyin si ay u ballaariso goobta dadka lagu daweeyo ee ay buuxdhaafsheen bukaannadu.

“Shaqaalaha MSF ee Marerrey ayaa iyaga oo aan nasan shaqeyneya si ay wax uga qabtaan baahida aadka u ballaaran ee jirta.Hase yeshee, waxaan ka walaacsanahay in dad badan oo uu baahan daryeel caafimaad aysan u suurtagalayn in ay nasoo gaaraan iyo inaga oo aysan duruufuhu inoo saamaxayn in aan iyaga gaarno  . Waxaan dib u bilownay adeegyo dadka degaannadooda loogu tagayo, annaga oo adeegyo daryeel gaarsiiney dhawr tuulo. Waxaan rajeyneynaa in aan sii kordhinno adeegyadeenna.” Ayuu ku soo afjaray Dr. Sheikhdon

 MSF Waxay ka fidinaysay daryeel caafimaad oo lacag laáan ah gudaha Soomaaliya ilaa sanadkii 1991-gii. MSF waxa ay leedahay waax bukaan-socod, waax bukaan-jiifka carruurta ah, iyo waax hooyooyinka/haweenka. Shaqaalaha caafimaadku waxay buxiyaan adeegyada cunto ku daweynta iyo quudinta dheeriga ah, qalliin, adeegyada bukaan-socod-eegtada ee daaweynta iyo ka hortagga iyo kuwa daaweynta qaaxada iyo sidoo kale adeegyada ka umulinta, oo ay ku jiraan daryeelka uurreyda iyo umulaha.Sanadkii 2009kii, 35,644 qof ayaa la siiyey la-talin iyo daaweyn lacag la’aan ah, oo ay ka mid ahaayeen 12,756 carruur ay da’doodu ka yar tahay shan jir.1,308 qof ayaa la dhigey Isbitaalka oo lagu daweeyey waxaana 2,882 carruur ahi ay ku heleen daryeel nafaqeyn.

 MSF waxay ka wadaa fidinta adeega caafimaad goboladda Banaadir, Bay, Hiiraan, Galgaduud, Jubadda Hoose, Shabeelaha Dhexe, Shabeelaha Hoose iyo Mudug.Waxaana suurta galiyay 1300 shaqaalaheena  somaaliya ku sugan oo ay caawinayaan  ku dhowaaad 100 shaqaalaha ku sugan Nairobi.

Tags: , , , , ,

Qoraalada kale ee ku saabsan Gobolka Jubadda Hoose, Koonfura iyo bartamaha Soomaaliya