Fatahaadaha Balad Weyne: MSF oo taageereysa dadka barokacay

02.06.2010 | Gobolka Hiiraan, Koonfura iyo bartamaha Soomaaliya

MSF

MSF assisting the families affected by the flooding in Beled weyne

Cabsidii toddobaadyadii la soo dhaafey laga qabey fatahaado ka dhaca Balad Weyne ayaa rumowdey dhammaadkii toddobaadkii hore ka dib markii heerarka biyaha ee kor u kacayey ay barokiciyeen in ka badan 10,000 qof oo deganaa magaalada. Dadka barokacay ayaa degey meel qiyaastii 10km bari ka xigta magaalada. Kooxaha MSF oo dusha kala socdey xaaladda ayaa awoodey in ay isla markiiba u gurmadaan iyaga oo baco laga soo rarey Muqdisho u qeybiyey 1,500 qoys ee ay fatahaaduhu saameeyeen. Baaritaan nafaqo ayaa sidoo kale la sameeyey, in kasta oo natiijooyinka ka soo baxay aaney xumeyn, haddana kooxaha MSF ayaa la socon doona xaaladda.

MSF ayaa hore hawlgal degdeg ah uga fulisey gobolka Hiiraan si ay u gargaarto dadkii ay waxyeelleeyaan fatahaadaha bishii Nofembar 2006dii. Bishii Jannaayo 2007dii, ayaa MSF bilowdey in ay adeegyo caafimaad oo kuwa daryeelka caafimaadka aasaasiga ah iyo qalliinka degdegga ahba isugu jira ay ka bixiso cusbitaalka gobolka ee ku yaalla magaalada Balad Weyne, si loogu adeego dad gaaraya 280,000 oo gobolka ku nool.

MSF waxa ay Soomaaliya si joogto ah uga shaqeyneysaa laga soo bilaabo 1991gii maantana waxa ay joogtaa siddeed gobol oo kala ah: Banaadir, Baay, Hiiraan, Galgaduud, Jubbada Dhexe, Shabeellaha Dhexe, Shabeellaha Hoose iyo Mudug.

Tags: , , , ,

Qoraalada kale ee ku saabsan Gobolka Hiiraan, Koonfura iyo bartamaha Soomaaliya