MSF ayaa ka furtay waax bukaan socod eegto oo caruurta Waqooyiga Gaalkacyo

06.05.2010 | Gobolka Mudug, Koonfura iyo bartamaha Soomaaliya, War-Saxaafadeed

May 6,2010- Nairobi- Heyádda caafimaadka ee caalamiga ah, Dhakhaatiirta aan Xuduuda Lahayn (MSF) ayaa manta ka  furaysaa xarunta MSF ee Gaalkacyo, waax bukaan socod oo loogu tala galay caruurta da’doodu ka yartahay  12 sano jir.Waaxda waxaa ay  u fidin  doona  la-talin iyo daaweyn lacag la’aan ah caruurta ku nool Gaalkacyo iyo nawaaxigeeda.

“MSF waxay ku faraxsantahay in ay furto waaxdaan cusub” ayay tiri Karin Fischer Liddle, madax howl-galka MSF ee Soomaaliya. “Baahida caafimaadka ee ka jirta gudaha Soomaliya aad ayay u badantahay, carruta ayaa mar walbo ah kuwa si wayn ugu waxyeeloobo cuduro laga hortagi karo amba la dawayn karo”

Rugtani cusub ayaa waxaa ay leedahay labo dhakhaatiir,seddex kal-kaaliye caafimaad oo loogu tala galay talaalka, dawaynta iyo la-socodka xaaladaha bukaanada.Rugta ayaa waxaa kale oo ay bixinayasaa baaritaano lacag la’aan ah.Marka la isku geeyo rugta waxaa ka shqeeya 18 shaqaale caafimaad.

MSF waxay ka shaqaynaysay gobolka mudug ilaa iyo 1997.Cusbitaalka Koonfurta Gaalkacyo waxa ay ku bixisaa adeegyo bukaan-socod oo daaweyn iyo ka-hortag isugu jira; daryeelka hooyooyinka, oo ay uu ka mid yahay daryeelka degdegga ah ee uurreyda iyo umulaha; quudin ku daweyn; daaweynta qaaxada iyo qalliin.Xarunta caafimaadka ee Waqooyiga Gaalkacyo, ayaa MSF ay ku bixisaa daaweynta qaaxada iyo quudin ku daweyn.Labada meeloodba waxaa si nidaamsan loola socdaa xaaladaha degdegga ah ee nafaqada iyo cudurrada faafa ee ka dillaaca gobolka.

MSF waxay si joogto ah uga shaqaynaysay gudaha Soomaaliya ilaa 1991 hadaa MSF waxy ka fidisaa daryeel caafimaad sideed gobol: Banaadir, Baay, Hiiraan, Galgaduud, Jubadda Hoose, Shabeelaha Dhexe, Shabeelaha Hoose iyo Gobolka Mudug.

Qoraalada kale ee ku saabsan Gobolka Mudug, Koonfura iyo bartamaha Soomaaliya

Qoraalada kale ee ku saabsan War-Saxaafadeed