Sii wanaajinta daryeelka bukaannada qaaxada, Wardheer, gobolka Soomaalida ee Itoobiya

24.03.2010 | Itoobiya, Gobolka ay Soomaalidu degto

 Sheeko loogu talogaley Maalinta Qaaxada Adduunka …

“Qufaca tirada badan waxaa ii weheliyey xanuun badan oo iga hayey dhinaca midig ee feeraha habeenkiinna ma seexan karin”, Farxaan oo ah bukaan jooga xarunta cusub ee daweynta qaaxada ayaa sheegey, “Aad ayaan u baqayey oo mustaqbalka ayaan mar kasta aad uga welweli jirey. Waa ay i soo wada eegi jireen dhammaan dadka ku nool tuulada. Waxa ay i weydiin jireen, “maxaad sidaan ugu qafacaysaa’? Xaaladdaadu waa ay culus tahay waxaana ay u badan tahay in aadan nala sii joogi doonin’. Aad ayaan u baqayey oo mustaqbalka ayaan mar kasta aad uga welweli jirey”.

Farxaan waxaa laga heley qaaxo markii lagu baarey xarunta caafimaadka ee Wardheer, oo ah magaalo ku taalla soonka ugu ballaaran ee Gobolka Soomaalida, Itoobiya. Halkaan, oo dhulkeedu lama-degaan-u-ekaha ah iyo rabshadaha goosgooska ah ee ka dhaca waxa ay gaar ahaan aad u adkeeyaan nolosha. Xarunta caafimaadka, ee uu hawsheeda wado Xafiiska Caafimaadka uuna taageero ururka gargaarka caafimaadka ee Médecins Sans Frontières (MSF), ayaa mar dhow furtey tas-hiilaad lagu daweeyo qaaxada. Waaxdan sida gaarka ah loogu qaabeeyey hawsha waxaa yaalla 70 sariirood, waxaana ay leedahay deegaan si weyn loogu habeeyey in uu gacan ka geysto soo reysashada bukaanada.

Qaaxadu waa cudur la isu gudbiyo oo badanaaba ku faafa hawada sida hergabka caadiga ah oo kale, kaas oo badanaaba ku dhaca sambabada. Cudurku waxaa uu sanad kasta uu adduunka ku dilaa 1.6 milyan oo qof waxaana qaba oo la silca sagaal milyan oo kale. Nisbada cudurka qaaxada iyo HIV ee isla socda ayaa aad u badan, gaar ahaan Afrika, oo ay qaaxadu tahay cudurka ugu weyn ee ay u dhintaan dadka wada qaba labada cudur. Haddana, haddii si wanaagsan loo baaro lana siiyo daaweyn ku habboon ayaa dadka nafahooda la badbaadin karaa.

 “Dhismaha cusub ee lagu daweeyo qaaxada waxaa uu leeyahay dhul weyn oo bannaan maaddaama ay qabowyahayna bukaannadu si wanaagsan ayaa ay u hurdaan waxaana ay dareemaan wanaag inta ay daawada qaadanayaan”, ayaa uu raaciyey Farxaan, “Halkaan waxa ay igu siiyeen daawo, sariir aan ku seexdo, buste aan isku diiriyo, maro-kaneeco aan isku ilaaliyo iyo cunto aan cuno. Aad ayaanna ugu mahadinayaa. Hadda xanuun ma dareemayo, ma qufacayo waxaana mar kale ii furmey cunto-qaadashadii”.

Farxaan waxa uu xarunta daaweynta qaaxada sii joogi doonaa 2 bilood isaga oo halkaa ku helaya daaweyn iyo daryeel degdeg ah, waxaana intaa ka dib uu awood u yeelan doonaa in uu ku noqdo gurigiisa si uu u sii wato daawadiisa muddo 4 ilaa 6 bilood ah. Waxaa uu durba ku taamayaa in uu sii wato hawl-maalmeeddiisii caadiga ahayd, in uu shaqeysto isaga oo godad u qada si looga helo biyo ama u qoda dhismayaasha. Farxaan waxa uu ka mid yahay kuwa nasiibkoodu wanaagsan yahay.

“Ma garanayo waxa aan sameyn lahaa haddii aanan kaalmadaan heli lahayn. Waxa aan dhihi karaa in daryeelkan daaweynta qaaxada ee Wardheer uu yahay mid aad muhiim iigu ahaa, aad ayaana uu muhiim ugu yahay bulshada”, ayaa uu hadalkiisa ku soo gabagabeeyey Farxaan.

Ilaa hadda, kooxaha wareega ee MSF waxa daryeel caafimaad ay ku baahiyeen 5 rugo caafimaad ah oo ku yaalla tuulooyin halkaa ka dhow, iyaga oo bukaannada qaaxada u soo gudbinaya xarunta caafimaadka ee cusub ee ay maamulaan MSF/Xafiiska Caafimaadka ee ku taalla Gallaaddi oo halkaas ka dhow. Haseyeeshee waxaa jira dad badan oo ku nool degaanka ballaaran ee Wardheer oo aan heli karin daryeelkan oo kale. In kasta oo gobolka Soomaalida uu leeyahay nisbada ugu yare e dadka xaaladaha qaaxada laga helo ee dalka haddana nisbada dadka ay ku dhacdo qaaxada ayaa loo maleynayaa in ay sarreyso; taas oo ah sabab kale oo ay muhiim u tahay in la helo gargaar badan iyo in hay’adaha bixiya gargaarka caafimaadka ay si caqabad la’aan ah u gaaraan dadka, haddii la doonayo in la badbaadiyo nafo badan.  

MSF waxa ay waayo-aragnimo dheer u leedahay in mashaariicda qaaxada ay ka fuliso gobolka Soomaalida (Soonanka Jigjiga, Godey iyo Afdheer). Heer qaran ahaan MSF waxa ay sidoo kale ku lug leedahay koox-hawleedda farsamada ee ku hawlan Qaaxada u Adkeysata Dawooyinka badan ee uu hoggaamiyo barnaamijka Qaranka ee la dagaallanka Qaaxada kaas oo diyaariyey “Dhabbatuska iyo Istiraatiiijiyadda Qaranka ee Qaaxada u Adkeysata Dawooyinka Badan”.  

Mashruuca MSF ee Wardheer

MSF waxa Wardheer, oo ka tirsan Gobolka Soomaalida ee Itoobiya, ay ka shaqeyneysey ilaa 2007dii. Ururku waxa uu tas-hiilaadka Xafiiska Caafimaadka ee Dowladda ka taageeraa bixinta daryeelka caafimaadka aasaasiga ah, oo ay ka mid tahay daryeelka bukaan-jiifka iyo bukaan-socodka, daaweynta nafaqo-xumada, daryeelka caafimaadka taranka, daaweynta  qaaxada iyo hawlaha shaybaarka. Meelo kale oo gobolka ka mid ah ayaa MSF waxa ay daryeel caafimaad (ka bilowda daryeelka caafimaadka aasaasiga ah ilaa daryeelka nafaqeynta) ku bixiyaa Galaaddi, Bookh, Bariga iyo Galbeedka Iimey, Dhagaxbuur, iyo Doolow Addo (xerada qaxootigu ku sii hakadaan iyo degaannada ku hareereysan).

Dalka Itoobiya, MSF waxa ay sidoo kale barnaamij daweeya cudurka kala azar (sidoo kale daaweynta HIV/qaaxada/nafaqo-xumada) ka waddaa Abdurafi, waqooyi-galbeed ee gobolka Amxaarada; mashruuc daryeelka caafimaadka aasaasiga ah ayaa ay ka waddaa Wantaho woreda oo ka tirsan gobolka Gambella; waxaana ay taageertaa barnaamijka qaranka ee baahinta istiraatiijiyada nafaqeyn-ku-daweynta bukaan-socodka ee Anchar worreda ee Galbeedka zoonka Hararge ee gobolka Oromada. Intaa waxaa dheer, in ururku uu diyaar u yahay in uu wax ka qabto xaaladaha degdegga ah haddii iyo goorta ay lagamamaarmaan noqoto.

Tags: , , ,

Qoraalada kale ee ku saabsan Itoobiya, Gobolka ay Soomaalidu degto