Daryeel caafimaad oo nolosha dad aan tiro lahayn uu ku badbaadiyey cusbitaalka Gaalkacayo

17.11.2009 | Gobolka Mudug, Koonfura iyo bartamaha Soomaaliya

Mother waiting to be seen at the MSF Malnutrition FacilityIsaga oo si dhaqso ah u gashanaya dharka loogu talogaley dhakhtarta qalliinka ee uu midabkiisu yahay cagaarka, ayaa Dr. Maslax u degdegayaa saalada qalliinka ee cusbitaalka Koonfurta Gaalkacyo si qalliin degdeg ah uu ugu sameeyo nin dhalinyaro ah oo toorrey la geliyey. “Waxaa la i soo wacay 2 saac oo habeenimo,” ayuu yiri isaga oo sharxaya. “4 saac oo habeenimo markii ay ahayd waxa aan ku jirney saalada qalliinka oo 5 saac oo habeenimana waxa aan ku guuleysaney in xaaladda bukaanka aan ka dhigno mid deggan.”

Subaxdii ka dambeysey ayaa qaraabada bukaanka iyaga oo murugeysan ku soo urureen cusbitaalka iyaga oo sheekeysanaya, oo mararka qaarna xataa qosol dheer laga maqlayo, iyaga oo helayey in wiilkaa dhalinyarada ahi ay xaaladdiisu soo roonaaneyso. Waxa ay niyadda u dhisayeen saaxiibada iyo qaraabada u yimaadda, kuwaas oo u soo ordey cusbitaalka iyaga oo ka baqaya in ay tii ugu xummeyd (geeri) ay dhici karto.

Isaga oo ka mid ah 144 shaqaale Soomaali ah oo Médecins Sans Frontières (MSF) uga shaqeeya cusbitaalka Koonfurta Gaalkacyo, ayaa Dr. Maslax uu door muhiim ah ka cayaarey socodsiinta hawlaha qalliinka. Horraantii sanadkii 2008dii, waqti iskahorimaadka Soomaaliya uu sii xoogeysaneyey oo baahiyaha caafimaadna ay badanayeen, ayaa MSF ay ku khasbanaatey in ay shaqaalaheedii caalamiga ahaa ka soo saarto dalka. Ilaa waqtigaas ayaa mashaariicda MSF waxaa wadey shaqaalaha Soomaalida ah, oo ay taageerayaan ayna kormeerayaan kooxo maareynta u qaabilsan oo saldhiggoodu yahay Nayroobi kuwaas oo soo booqda mar kasta oo uu ammaanku saamaxo. Haddii aaney jiri lahayn shaqada Dr. Maslax iyo boqollaalka shaqaalaha kale ee Soomaalida ah ee MSF uga shaqeeya dalka, waxaa dhici lahayd in kumanaan qof aaney heli lahayn daryeel caafimaad oo lacag la’aan ah oo nafo lagu badbaadinayo.

In habeenkii teleefoon lagu soo waco si uu qalliin degdeg ah u sameeyo ayaa si joogto ah uga mid ah shaqada Dr. Maslax, maaddaama cusbitaalka Koonfurta Gaalkacyo uu yahay cusbitaalka keliya ee qalliin degdeg ah oo lacag la’aan ah ku bixiya degaanka. “Bil kasta waxa aan qalliin ku sameeyaa ilaa 40 qofood oo dhaawacyo ka qaba caloosha,” ayuu yiri Dr. Maslax, “dhaawacyo xabad iyo kuwo toorey ah, dhaawacyo soo gaara uusleyda hoose (mulawadka) iyo dadka ku dhaawacma shilalka baabuurta.”

Qalliinku waa mid keliya oo ka mid ah adeegyada ay MSF ku bixiso cusbitaalka Koonfurta Gaalkacyo, halkaan oo qaar ka mid ah bukaannada adeegga caafimaadka soo doonanaya ay ka yimaadaan meelo fogfog sida Itoobiya oo kale. Qolka sugitaanka ee waaxda bukaan-socodka, waaxda bukaan-jiifka, qaybta ‘ragga aan loo oggoleyn’ ee waaxda ummulaha iyo daaradda xarunta qaaxada ee iftiinka iyo hawada u furan yihiin ayaa hal arrin ka wada siman – taas oo ah mashquulka hawlaha ka socda. Bil kasta MSF waxa ay bixisaa ku dhowaad 4,000 oo talooyin bukaan-socod ah, iyada oo qiyaastii 120 qof seexisa cusbitaalka si ay u helaan daryeel bukaan-jiif waxaana ku dhasha ilaa 100 carruur ah.

Abaarta daba-dheeraatey oo ay weheliyaan dagaallada iyo sicirka cuntada oo kor u kacay ayaa keeney in xarumaha nafaqeyntu ay inta badan buuxaan. Isaga oo farta ku fiiqaya saf ay ku jiraan haween ay ka muuqdaan niyad-jab iyo wareer oo xambaarsan carruur tabar-daran oo fuuqbaxay, oo sugaya in la dhigo xarunta quudin-ku-daweynta ee MSF, ayaa Jibriil oo kormeera ah uu sharxayaa isaga oo leh: “Bil kasta waxa aan qabannaa dhowr xaaladood oo shuban, jadeeco, fuuq-baxba leh iyo xataa mararka qaar cudurka qoor-gooyaha. Laakiin hadda nafaqo-xumada aadka u ba’an ayaa noqotey dhibaatada ugu badan. Waxa aan hadda 90 bukaan ku daaweyneynaa meel loogu talogaley 60 bukaan oo keliya.”

Daalka ka muuqda wejiyada hooyooyinka ayaa muujinaya safarkii dheeraa ee ay badidoodu ay soo galeen si ay u soo gaaraan cusbitaalka. Nabadgelyo-xumada jirta daraaddeed, ayaa kooxaha MSF aaney u suuroobeynin in ay bannaanka baabuurta u qaataan oo ay bukaannada soo qaadaan. Mid ka mid ah hooyooyinka ayaa tiri, “Dad badan oo tuulada jooga ayaa ogsoon in ay jirto daaweyn lacag la’aan ah, laakiin dhibaatada ugu weyn waa safarka. Waxaa uu qaadan karaa maalmo badan, caadi ahaanna waa mid aad qaali u ah, isaga oo ku kacaya ilaa 500,000 oo Shilin Soomaali ah (oo u dhiganta $10). Dad badan ayaa aan kharashkaas iska bixin karin, sidaa daraaddeedna guryahooda ayaa ay iska joogaan oo qaar ka mid ahna waxa ay ku dhintaan tuulada.”

Gummaarrada dabka ee ka muuqda jirka tiro badan oo ka mid ah carruurta yaryar ee ku jira xarunta quudinta ayaa tusineysa in qaar badan oo ka mid ah hooyooyinka ay marka hore doontaan daawo dhaqameed oo cusbitaalkana ay yimaadaan oo keliya marka ay waxyaabaha kale ka soo quustaan.

Sawir kooxdan kore ka duwan waxaa muujinaya haweeney faraxsan oo taagan albaabka xarunta quudinta. Gacan waxa ay ku siddaa ilmo yar oo caafimaad uu ka muuqdo gacanta kalena waxa ay ku haysaa dambiil uu ugu jiro raashinkii cuntada qoyska ee ay MSF siisey si ay gurigeeda ugu qaadato. Codkeeda ayaa ay ka sare marineysaa oohinta carruurta ee dhego-beelka leh si ay ugu mahadceliso mid ka mid ah shaqaalaha. “Muddo ayaa ay halkaan joogtey waxaana ay maanta gurigeeda kula noqoneysaa ilmo caafimaad qaba,” ayaa uu yiri Jibriil.

Shaqaalaha MSF sida Jibriil iyo Dr. Maslax oo kale ayaa habeen iyo maalin ka shaqeeya cusbitaalka Koonfurta Gaalkacyo iyaga iyo shaqaale kale oo badan oo Soomaali ah si ay u dhaliyaan isbeddel mug leh. “Shaqaalaha cusbitaalka waxa ay badbaadiyaan nafo badan,” ayaa uu yiri Dr. Maslax.

Dal ay rabshad, silic iyo geeri ay sababeen cudurro laga hortegi karo iyo kuwo la daweyn karo ay ku badan yihiin, ayaa bixinta daryeel caafimaad oo xor ah lacag la’aanna ah uu aad muhiim u yahay.

MSF Gudaha Somaaliya

MSF waxa ay ka shaqeyneysaa Soomaaliya in ka badan 17 sano waxaana ay daryeel caafimaad oo lacag la’aan ah ay maanta ku bixisaa siddeed gobol oo dalka ka mid ah; iyada oo ay mahaddeeda leeyihiin shaqaalaheenna dadaalka badan ee Soomaalida ah, oo ay taageeraan koox maareynta u qaabilsan oo xaruntoodu tahay Nayroobi. Sanadkii 2008dii oo keliya, ayaa kooxaha MSF waxa ay bixiyeen 727,428 oo la-talinta bukaan-socodka ah, oo ay ka mid yihiin 267,168 oo loo sameeyey carruur shan jir ka yar. In ka badan 55,000 oo haween ah ayaa heley la-talinta daryeelka ka horreeya dhalmada iyo in ka badan 24,000 oo qof oo bukaan-jiif ahaan loo dhigey cubitaallada iyo xarumaha caafimaadka ee ay MSF taageerto. Waxaa jirey 3,878 qalliin, oo 1,249 ka mid ahi ahaayeen dhaawacyo ka dhashey rabshad. Kooxaha caafimaadka ayaa daweeyey 1,036 qof oo qabey cudurka loo dhinto ee la dayacay ee kala azar, iyo in ka badan 4,000 oo laga daweeyey duumo (malariya) iyo 1,556 oo qof oo loo bilaabey daawada qaaxada. Ku dhowaad 35,000 oo qof oo la silcayey nafaqo-xumo ayaa la siiyey cunto iyo daryeel caafimaad waxaana la bixiyey tallaal gaaraya 82,174.

Tags: , , ,

Qoraalada kale ee ku saabsan Gobolka Mudug, Koonfura iyo bartamaha Soomaaliya