XAQIIQOOYINKA NAFAQO-XMADA

20.10.2009 | Qeybta Guud

Barnaamijyada nafaqada ee MSF  

  • Sanadkii 2009kii, yaa kooxaha caafimaadka ee Dhakhaatiirta Aan Xuduudda Lahayn /Médecins Sans Frontières (MSF) ay 250,000 oo carruur ah oo ayhaysey nafaqo xumo ba’an ku daweyeen 116 barnaamij oo laga fuliyey 34 dal, iyada oo aasaasi ahaan ku daweeyey cunto u diyaarsan in la cuno oo hodon ku ah nafaqo, taas oo, in kasta oo ay ka qaalisan tahay cuntada ay hadda bixiyaan nidaamyada gargaarka cuntada ee hadda jira, dhab ahaantii ay ka hortegeyso ayna daaweyso nafaqo-xumad aba’an – loona adeegsan karo si aad u ballaaran. Waqtigan la joogo, MSF waxa ay 120 mashaariicda nafaqada ah ka waddaa 36 dal.

Maxay tahay nafaqo-xumo?

  • Nafaqo-xumo, gaar ahaan nafaqo-yaraan, waa xaalad caafimaad oo ba’an oo ay calaamad u yihiin yaraanta borotiinnada, duxda, fitamiinnada iyo macaadiinta aasaasiga ah ee cuntada. Waxa ay si gaar ah ugu culus tahay ayna halis ugu tahay ilmaha iyo carruurta koreysa. Sida ay qabto UNICEF, waxaa waqtigaan la joogo jira 195 malyan oo carruur ay da’doodu ka yar tahay 5 sano jir oo ay saameysey nafaqo-xumo, iyada oo 90% ay ku nool yihiin dalka ka hooseeya Sahara ee Afrika iyo Koonfurta Aasiya. Waqti kasta, ugu yaraan 20 milyan oo carruur ah ayaa la silcaya noocyada loo dhinto ee nafaqo-xumada aadka u ba’an iyo 17 milyan oo iyaguna ay hayso nafaqo yaraan.
  • Nafaqo-xumadu ayaa door aad u weyn ka ciyaarta geerida sababtuna waa iyada oo nidaamka difaaca jirka ee carruurta nafaqo-darani uu u nugul yahay cudurrada caanka ah. Xaqiiqo ahaan, nafaqo-xumadu waxa ay keentaa geerida saddex-meeloodow-meel siddeedda milyan ee carruurta ay da’doodu ka yar tahay shan sano jirka ee dhinta sanad kasta.
  • Waxaa jira carruur badan oo aan muuqan iyo dhimashooyin aan muuqan, oo ka dhacaya meelo aanan caadi ahaan warkoodu ina soo gaarin. Sanad kasta ayaa ay dhacdaa. Dhibaatooyinka dhaqaale iyo kuwa bulsho ee ka dhasha ayaa ah kuwo iska cad. Arrintani waa xaalad caafimaad oo degdeg ah oo jirta una baahan waxqabad degdeg ah.

 Nafaqo-xumo waa ay ka dugan tahay gaajo

  • Mararka qaar waa la isku khaldaa nafaqo-xumo iyo gaajo. Mabaa’diida sheegaya muhiimadda nafaqada ay carruurtu u baahan yihiin waa kuwo la wada og yahay: waa naas-nuujin barax-tiran oo ay carruurtu helaan 6da bilood ee ugu horreeya noloshooda, ka dibna loo bilaabo cunto dheeri ah oo u habboon da’dooda.
  • Si ay korriimo iyo koboc caafimaad qaba ay u helaan, ilmaha iyo carruurta da’da yar waxa ay u baahan yihiin tamarta ku jirta borotiin ay tayadiisu wanaagsan tahay sida caanaha, ukunta, iyo kalluunka, dux aasaasi ah iyo karbohaydareydyo, iyo sidoo kale fitamiinno iyo macaadin.

Fursad muhiim ah

  • Badi dhibaatada ay keento nafaqo-xumadu waxa ay carruurta ku dhacdaa ka hor inta laba sano jirsan. Tani waa fursad muhiim ah, taas oo ah marka ay tayada nafaqada cuntada carruurtu ay saameyn ballaaran oo joogto ah ku leedahay caafimaadka ilmaha, iyo koboca jireed iyo kan maskaxeed.
  • Cuntada aan lahayn noocyada tamarta loo baahan yahay ee ay ka mid yihiin borotiin tayo sare leh, duxda aasaasiga ah, iyo karbohaydareydyo iyo sidoo kale fitamiinno iyo macaadin waxaa ay wax u dhimi kartaa korriimada iyo koboca, waxaana ay kordhin kartaa halis uu ilmuhu u galo geeri ka timaadda cudurrada caanka ah ee carruurta, ama waxaa ka dhalan karta dhibaatooyin caafimaad oo ilmaha soo wajaha noloshiisa oo dhan.

Istiraatiijiyado cusub oo wax looga qabanayo helid la’aanta cuntooyin nafaqo leh ee carruurta yaryar

  • Meelaha ay ku badan tahay nafaqo-xumada sida Koonfurta Aasiya iyo Afrikada ka hooseysa Sahara, ayaa ay cilmi-baaris muujineysa in qiimaha cuntada nafaqada leh ee carruurta ay da’doodu u dhaxayso 6-30 bilood ay tahay mid aaney goyn karin badi waalidiinta, taas oo ka hor istaagta in ay carruurta siiyaan nafaqo ku filan.
  • Cabaqad weyn hortaagan ayaa waxa ay tahay iyada oo aaney jirin istiraatiijiyado kharash yar oo lagu bixin karo qaar badan oo ka mid ah nafaqooyinka aasasiga ah ee loogu baahan yahay in si caafimaad qaba ay u kobcaan carruurta ku nool degaannada uu kheyraadku ku yar yahay.
  • Hormar ay dhowaan gaareen cilmiga nafaqada iyo barnaamijyada nafaqada ayaa abuuraya fursado ay ku wanaajinayaan taabogalnimada barnaamijyada wax ka qabashada nafaqo-xumada ee gobollada ugu nugul ee dunida.

Toos u Wajahidda Nafaqo-xumada Carruurta 

  • Istiraatiijiyado la tijaabiyey oo wax looga qabanayo nafaqo-xumada ayaa waxtar yeeshey waxaana ay dalal badan ka muujiyeen natiijooyin dad rajo geliyey. Qaar ka mid ah dalalkaas, oo ay ku jiraan Mexico, Thailand, iyo Brazil, ayaa yareeyey nafaqo-xumada ku dhacda carruurta aadka u da’da yar iyaga oo u marey barnaamijyo nafaqeyn oo toos ah oo hubiya in ilmaha iyo carruurta da’da yar oo xataa kuwa ay dhaleen qoysaska ugu saboolsan ay helaan cunto tayo leh, sida caano iyo ukun. Barnaamijyada noocaas ah, ayaa horumar waafi ah looga gaarey in carruurta laga xoreeyo dhibaatooyinka la socda nafaqo-xumada ee soo wajahda waqti hore oo noloshooda ka mid ah. Isla waqtigan waxaa dalalka Afrika iyo Aasiya ay muujiyeen rabitaan siyaasadeed oo looga dayanayo barnaamijyadaas lagu guuleystey.

Gargaarka cuntada ee caalamiga ah

  • Bankiga Adduunka ayaa ku qiyaastey in 12 bilyan oo doolar loo baahan yahay sanad kasta si kor loogu qaado barnaamijyo nafaqeyn oo waxtar leh si loo wajaho baahida hadda jirta. Keliya 350 milyan oo dollar ayaa toos loogu bixiyey barnaamijyada nafaqada sanadkii 2007dii.
  • Dadaal ku filan laguma bixin noocyada cuntada ee ay tahay lagu daro gargaarka dadka la gaarsiinayo, haddii si kale loo yiraah, tayada cuntada. Badi barnaamijyada gargaarka cuntada ee hadda socda ee la gaarsiinayo dalalka soo koraya waxa ay ku dhowaad guud ahaan ay ku tiirsan yihiin badarka la xoojiyey ee laga sameeyey galleyda iyo soya (CSB), oo baahida ka bi’in kara ilmaha yar laakiin aan siineyn nafaqo ku habboon.
  • Mareykanka ayaa ah dalka ugu weyn ee bixiya gargaarka cuntada dunida oo dhan. Waxa uu soo saaraa uuna diraa boqollaal kun oo tan oo CSB iyo bur kale oo la xoojiyey ah si loogu isticmaalo barnaamijyada nafaqeynta ee ka socda dunisa soo koreysa, in kasta oo cuntadani loo aqoonsadey in nafaqadeedu ay ka hooseyso tan ah u baahan yihiin ilmaha iyo carruurta yaryar. CSB iyo noocyada kale ee burka lama dhiirigeliyo in loo isticmaalo Barnaamijka Mareykanka ee Nafaqeynta Dheeriga ah ee Haweenka, Ilmaha iyo Carruurta yaryar (WIC) ee barnaamijka ka haqab-beelka nafaqada ee Mareykanka, kaas oo hooyooyinka da’da yare e dhaqaalahoodu yar yahay siiya waraaqo ay ku iibsan karaan cunto nafaqo leh sida caano, miro, ukun, iwm… Mareykanku waxa uu carruurta dalalka dibadda u diraa cunto uusan ku quudineynin muwaadiniintiisa. Waa in la joojiyaa arrintan.
  • Cuntooyin kale oo hodon ku ah nafaqo ayaa lagu dari karaa cuntada gargaarka ah ee la qaybiyo. Deeq-bixiyeyaasha caalamiga ah ee cuntada gargaarka ah ayaa waajib tahay in ay sidoo kale taageeraan barnaamijyo ka soo bixi kara baahiyaha nafaqo ee ugu hooseeya ee ilmaha iyo carruurta yaryar, waana in ay la shaqeeyaan dalalka ay saameeyeen dhibaatooyinka si ay u helaan cunto tayo leh oo wax looga qabto nafaqo-xumada carruurta.

Tags: , , ,

Qoraalada kale ee ku saabsan Qeybta Guud