MSF oo Afghanistaan dib oogu laabatay

12.10.2009 | Qeybta Guud

Dhakhaatiirta aan Xuduuda Laheyn (MSF) ayaa mar kale shaqo ka biloowday Afghanistaan sanadka 2009. Soo laabashada ay hey’ada ku soo laabatay dalka- Ka dib shan sano oo ay ka maqnayd- waxaa sababay muuqaalada soo kurdhayo oo tilmaamayo in xaalada guud ee Afghanistaan ay ka sii darayso halkii ay ka soo rayn laheyd.Wadanka ayaa sii noqonayo mid amnigiisu sii xumaanayo, Iyo in la helo adeegyo caafimaad ay ku adag tahay dad badan oo Afghanistaan u dhashay.

 MSF waxaa ay hada ka howl gashaa Cisbitalka Axmed Shah Baba oo ku yaala bariga Kabul, isbitalka oo sare loogu qaadi doono cisbitaal heer degmo oo fidiyo adeegyo kala duwan oo ay ka mid yihiin gargaarka degdega ah.Cisbitalka ayaa ku yaalo goobta ay ku sii badanayaan tirada dadka doonayo meel yara xasiloon oo ay kaga gabadaan iska hor imaadyada iyo kuwa rajaynayo meel ay ka shaqeeyaan.

 Goor dhow, MSF waxaa ay xoojin doontaa isbitaalka liito ee ku yaala Lashkargah,  caasimada gobolka Helmand oo ku taalo xudunta dagaalada.Dad yar ayaa isticmaalayay isbitalka maadama uu san laheen dawooyin iyo shaqaale caafimaad in kastoo oo uu  ka mid ah labada cisbitaal oo ku yaalo koonfurta Afghanistaan oo loo soo gudbiyo bukaanada marka ay isbitaalada kale ay wax ka qaban waayaan (Referal).

 MSF waxaa ay Afghanistaan ka soo baxday bishii Juun/ bishii lixaad sanadkii 2004 kadib markii si waxooshnima ah loogu dilay shan shaqaalaheeda gobolka Badghiis. Xiligaas  dad badan waxaa ay rajaynayeen in Afghanistaan ay ku taagnayd wadadii ay ku soo kabsan laheyd maadaama ay jireen maalgalin caalami oo baaxad weyn oo loola qasid lahaa Cawimaad hor umarineed.Maanta rajadaasii waa ay burburtay. Baahida loo qabo cawimaad caafimaad oo degdeg ah ayaa mar kale noqotay mid aad u ba’an.

 Shaqada ay ka wado gudaha Afghanistan, MSF uma qaadato/aqbasho maal galin dowladaha,  taas badelkeed hey’ada waxaa ay ku tiirsantahay oo kaliya deeqaha uga yimaado bulshada guud.

Tags: ,

Qoraalada kale ee ku saabsan Qeybta Guud