Haween iyo caruur ku helay daryeel caafimaad cisbitaalka Dayniile

29.10.2009 | Gobolka Banaadir, Koonfura iyo bartamaha Soomaaliya

Bulshada rayadka ee ku nool Muqdisho aya ay hareereeyaan dagaalada, waxaa ayna si weyn oogu wax yeeloobeen dagaalada dhowaankan ka soconayey xaafadaha ay dadku deganyihiin.

Ilaa iyo horaantii bilowgii bishii shanaad/ apriil ee sanadkan, Shaqaalaha caafimaadka ee cisbitaalka Dayniile oo ku yaalo banaanka Moqdisho waxaa ay daweeyeen 430 oo isugu jiro haween iyo caruur ku wax yeeloobay qalalaasaha iyo dagaalada.Waxaa ka mid ah caruur ay da’doodu ka yratahay 14 sano jir, 232 qof waxaa ay qabeen dhaawacyo ka soo gaaray qaraxyo halka 115 qof oo ka mid la ga daweeyay dhaawac risaas. Bishii septeebar kaliya 93 haween iyo caruur isugu jiro oo cisbitaalka uu qaabilay 67 oo isugu jiro [56 haween iyo 11 caruur] ka mid ahi waxaa laga daweynayey dhaawacyo ka soo gaaray madhaafiic iyo risaas.

Hey’ada dhakhaatiirta aan xuduuda laheyn MSF waxa ay caawiso waaxda qaliinka ee cisbitaalka la ga bilaabo bishii 10-aad/octoobar.Shaqaalaha caafimaadka ayaa u fidiya daryeel caafimaad oo lacag la’aan dadka ku wax yeeloobay qalalaasaha muqdisho iyo nawaaxigeeda.

MSF GUDAHA SOOMAALIYA

Hey’ada dhakhaatiirta aan xuduuda laheyn ee MSF waxaa ay si joogto ah Soomaaliya ooga shaqeynaysay in ka badan 18 sano, waxaa ay ka soo dhex shaqaysay herarka kala duwan oo ay qalalaasooyinka Soomaliya.Hadadaan MSF waxaa ay u fidisaa daryeel caafimaad bulshada ku nool sagaal gobol oo wadanka Soomaaliya.Gudihii sanadkii 2008 oo kaliya kooxda MSF ee qaliinka waxaa ay qaliin ku smaeeyeen 3,878 qof oo 1,249 ka mid ahi ay yihiin kuwa dhaawacya ka soo gaaray dagaalda.


Tags: , , , , ,

Qoraalada kale ee ku saabsan Gobolka Banaadir, Koonfura iyo bartamaha Soomaaliya