Wareysi ay MSF la yeelatey Shaqaale Degaanka ah

10.09.2009 | Gobolka Jubadda Hoose, Koonfura iyo bartamaha Soomaaliya

Bishii Disembar 2008dii, 20 arday oo Soomaaliyeed ayaa ka qalinjebiyey Jaamacad Caafimaad oo ku taalla Muqdisho. Waxa ay ahaayeen ardaydii ugu horreysey ee qalinjebisey muddo labaatameeyo sano ah. Dr. Xafsa Cabdiraxmaan Maxamed oo 26 jir ah ayaa ka mid ahayd ardaydaa qalin jebisey. Markii ay dhammeysatey waxbarashadeeda waxa ay go’aansatey in ay u shaqeyso ururka bani’aadamnimada ee Médecins Sans Frontières (MSF), si ay xirfadaheeda ugu adeegsato in Soomaaliya laga bixiyo daryeel caafimaad oo lacag la’aan ah. Halkaan waxa ay inooga sheekeyneysaa waayo-aragnimadeeda la xiriirta sidii ay ugu barbaartey Muqdisho iyo tan la xiriirta ka-dhakhtar qalliin oo dumar ah oo Soomaaliya ka shaqeeya:



Dr Xafso iyo gabadhii ay qaliiinka ku Samaysay © MSF



“Markii aan aad u yaraa nabad ayaa Soomaaliya ka jirtey, laakiin ma xusuusto. Carruurnimadeydii oo dhan, waxaa Muqdisho caadi ka ahaa dagaal, bililiqo, burburin iyo dil. Marar badan ayaa anniga oo u socda dugsiga aan dhexda u galey xabado. Waxa aan arkey dad dhimanaya iyo kuwo si xun u dhaawacmey. Jaamacadda ayaa si gaar ah culaysu iigu lahayd. Maalin kasta geeri ayaan ka baqi jirey waxaana aan Alle ka baryi jirey in uu gurigeyga igu soo nabad-celiyo. Dagaalka ka sokow waxaa jirey dhibaatooyin kale, sida iyada oo meelo badan oo magaalada ka mid ah aaney lahayn koronto sidaa daraaddeedna in habeenkii aad wax daalacato ama aad tababar aad ku qaadato cusbitaalka ayaa aad u adkeyd.

In kasta oo ay jireen dhammaan culaysyadaas haddana waxa aan aaminsanahay in aan ka mid ahaa kuwa ugu nasiibka badan. Hooyadey ayaa aaddey dalka Ingiriiska ka hor intii aanan jaamacadda bilaabin iyada ayaana iga bixisey lacagta waxbarashada. Dad badan oo kale ayaan fursaddaas helin, Soomaaliya waxaa jooga arday badan oo aad u maskax wanaagsan oo aan helin fursad ay riyadooda ku xaqiijiyaan. Waxa aan rajeynayaa in arrintani ay isbeddeli doonto. Waxbarashada lagama weynaado. Sida sida ay tilmaameyso maahmaahda Ingiriisiga ah ee tiraahda, ‘waxbarasho lagama koro’.

Waxa aan qalin-jebiyey dhammaadkii sanadkii hore. Waxa aan u doortey in aan dhakhtarad qalliin noqdo waa anniga oo raba in aan caawiyo haweenka Soomaaliyeed, si gaar ah hooyooyinka aan helin daryeel caafimaad oo wanaagsan gaar ahaan marka ay la soo gudboonaato dhibaato la xiriirta foosha oo ay u baahdaan qalliin. Soomaaliya waxaa ka jirta baahi ballaaran oo loo qabo dhakhtar qalliin oo dumar ah maaddaama haween badan oo Soomaali ah aaney rabin in ay qalaan dhakhaatiir qalliin oo rag ah.

Markii aan qalin-jebiyey ka dib, waxa aan Muqdisho ku qaatey tababar kale oo lix bilood ah ka dibna waxa aan imid Mareerey bilowgii Agoosto. Cusbitaal kama jirin Mareerey ilaa MSF ay halkaan shaqo ka bilowdey sanadkii 2003. Waxaa joogi jirey dhakhtar qalliin oo ajnebi ah, laakiin maaddaama ay halis gaar ah soo wajahdey shaqaalaha caalamiga ah ayaa waxa ay MSF ku khasbanaatey ilaa horraantii 2008da in barnaamijkeeda Soomaaliya ay ka shaqeeyaan Soomaali keliya oo aan gacan kale ka helin. Mareerey waxa ay arrintaan uga dhigneyd iyada oo la joojiyey waxqabadyadii qalliinka maaddaama aan la helin dhakhtar qalliin oo Soomaali ah. Ka hor intii aanan Mareerey shaqada ka bilaabin MSF waxa ay haweenka u baahan qalliinka uureyda iyo umulaha ee degdegga ah u diri jirtey Kismaayo. Safarkaa ayaa qaadanayey shan saacadood xilliga uu dhulku qalalan yahay iyada oo MSF ay bixin jirtey kharashka ku baxa. Hadda oo aan halkaan joogo qalliinka halkaan ayaan ku sameyn karnaa. 31kii Agoosto waxa aan sameeyey qalliin-kaga-umulintii iigu horeysey. Intii aan ardayadda ahaa marar badan ayaan sameeyey qalliin-kaga-umulin, laakiin kani waa kii iigu horreeyey ee aan sameeyo aniga oo ah dhakhtarad qalliin.

Gabadha aan qaley waxa ay jirtey 18 sano oo keliya. Qayb ahaan ayaa ay naafo ka tahay lugta midig waalidiinteeda ayaana ay kula nooshahay Jilib, oo ah magaalo 18km waqooyi ka xigta Mareerey. Ninkeeda waxa uu hadda joogaa Kenya. Maaddaama uu kafkeedu ciriiri yahay si caadi ah waa ay u dhali kari weydey. Waxa ay foolaneysey 24 saacadood ka hor intii aaney waalidiinteedu keenin cusbitaalka. Haddii aan la qali lahayn minkeeda ayaa dillaaci karey, halkaana ay ku dhiman lahaayeen iyada iyo ilmaheeduba. Nasiib wanaag waalidiinteeda ayaa waqti fiican keeney halkaan. Qalliinku waa uu iska fududaa, waxa aanu kaga umuliney wax saacad ka yar. Hooyada iyo gabadheeduba waa ay wanaagsan yihiin, gabadhiina waxaaba loo bixiyey Xafsa taas oo anniga la igu sharfayo.”

MSF iyo Mareerey

MSF waxa ay Mareerey ka shaqeyneysey ilaa 2003dii. Cusbitaalka Mareerey, waxa ay shaqaalaha MSF ku bixiyaan adeegyo bukaan-socod oo dadka waaweyn iyo carruurtaba la siiyo iyo daryeeel bukaan-jiif oo ay helaan carruurta, xaaladaha caafimaadka guud iyo kuwa umusha iyo uureyda. Shaqaalaha caafimaadku waxa ay bixiyaan adeegyada umulinta, oo ay ka mid yihiin daryeelka uureyda iyo umulaha ee degdegga ah, cunto ku daweynta iyo quudinta dheeriga ah, qalliinka (oo u badan kan umulinta), adeegyo bukaan-socod oo daaweyn iyo ka-hortag isugu jira iyo daaweynta qaaxada. Maagalada inoo dhow ee Jilib ayaa MSF waxa ay ka waddaa barnaamij quudin ah laakiin waxaa lagu khasbey in ay waxqabadyadan laasho bishii Agoosto nabadgelyo-xumada daraaddeed. Lixdii bilood ee ugu horreeyey 2009ka, kooxaha MSF ee Mareerey waxa ay bixiyeen 18,104 la-talin bukaan-socod ah waxaana ay cusbitaalka seexiyeen 536 bukaan. 2,453 carruur ah ayaa laga daweeyey nafaqo-xumo oo 3,373 kalena waa la tallaaley.

MSF waxa ay toban mashruuc ka waddaa siddeed gobol oo Soomaaliya ka mid ah.


Tags: , , , ,

Qoraalada kale ee ku saabsan Gobolka Jubadda Hoose, Koonfura iyo bartamaha Soomaaliya