Hab la waafajiyey baahida oo wax looga qabto jadeecada

03.07.2009 | Gobolka Galgaduud, Koonfura iyo bartamaha Soomaaliya

© MSF

Iyada oo uu iskahorimaadka Muqdisho gaaray heer uusan weligii gaarin, ayaa haddana waxaa MSF u suurtagashey in ay wax ka qabato jadeecada ka dilaacaysa gobollada la deriska ah.
Dadka reer Guriceel waxa ay og yihiin in marka ugu horeysa ee ay ilmaha ku arkaan qandho kulul, indhaha oo casaada iyo shubaax yaryar oo ka soo baxda afkiisa, in ay tahay in ay ilmahaa ka goonji yeelaan carruurta kale. Dalkaan oo iskahorimaad socdey sanado uu burburiyey hannaankii daryeelka caafimaadka, ayaa Médecins Sans Frontières (MSF) waxa ay bartey dadkaan in ay caafimaadka ay gacmahooda wax kaga qabtaan marka ay timaaddo mid ka mid ah cudurrada ugu waaweyn ee carruurta dila: kaas oo ah jadeecada. Laga soo bilaabo 11kii Abril ayaa cudurkaan oo aad u faafa waxa uu ku fidayey dhammaan magaalada Guriceel iyo degaannada ku hareereysan ee gobolka Galgaduud ee Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya.  Ilaa hadda MSF waxa 403 bukaan oo degaanka ku nool ka daweysey xannuuno la xiriira jadeecada. Caadi ahaan jadeecadu waxa ay si xun u saameysaa carruurta, laakiin hadda 60 boqolkiiba bukaannadu waxa ay ka weyn yihiin shan sano jir – qaarna waaba dad waaweyn.  “Carruurta ka yar shan jirka waxa ay ka faa’iideysteen waxqabadyadii tallaalka ee nidaamsanaa ee ay MSF ka fulineysey cusbitaalka saddexdii sano ee la soo dhaafey – laakiin tallaalka aan habeysneyn ee degaanka hore uga jirey ayaa laga yaabaa in uu sabab u yahay saamiga badan ee carruurta roonroon iyo dadka waaweyn ee uu saameeyey cudurka”, ayaa uu yiri Saciid Ibraahim Xassan, isuduwaha degaanka ee MSF ee mashruuca Galgaduud.  Daaweynta xannuunnada la xiriira
Jadeecadu ma lahan daawo, laakiin waxaa suuragal ah in la daweeyo ama laga hor tago xannuunnada khatarta ah ee ay wadato ama eelka xun reebi kara. Arrintani waxa ay si gaar ah muhiim ugu tahay meelaha uu daryeelka caafimaadku ku yar yahay ayna ku badan tahay nafaqo-xumada, sida Soomaaliya oo kale.  Cusbitaalka Istarliin ee ay MSF maamusho waxa uu toban sariirood dhigey dhisme cusub waxaana uu ugu talogaley tiro shaqaale ah oo si gaar ah ugu hawlan daryeelka bukaannada qaba xannuunada ba’an ee la xiriira jadeecada. Bukaannada xaaladdoodu aaney sidaa u ba’neyn waxaa lagu daryeelaa qayb gooni u go’an oo waaxda bukaan-socodka ka tirsan. 

 Hab ka duwan kan caadiga ah
Dad badan oo reer Galgaduud ah ayaa ah reer guuraa ku baahsan degaan aad u ballaaran oo inta badanna socod ku jira iyaga oo arigooda iyo geelooda u raadiyaha biyo iyo baad. Arrintan oo uu weheliyo iskahorimaadka socda ayaa waxa ay mid aan xaqiiqada ku dhisneyn ka dhigeysaa in olole tallaal laga fuliyo degaankaa. 

 Taa beddelkeeda kooxda MSF waxa ay door-biddey hab kaa ka duwan: marka laga soo tago daaweynta bukaannada qaba jadeecada ee la keeno cusbitaalka, koox wareegta ayaa maalin kasta booqata tuulooyinka iyo degsiimooyinka, ilaa meelo 50 km u jira Guri Ceel, si ay u raadiyaan una daweeyaan dadka cudurku ku dhacay iyo si ay odayaasha qabaa’ilka, hogaamiyeyaasha diinta, macallimiinta iyo madaxda ay ugu sheegaan in carruurta jirran ay keenaan cusbitaalka si loogu daryeelo. 

 Kooxda wareegta waxa ay jadwalkeeda ku saleyneysaa halka hadba ay dadku u guuraan iyo halka ay nabadgelyadu saamaxayso. Ilaa hadda natiijooyinku waa ay wanaagsan yihiin: in ka badan 40 boqolkiiba dadka uu cudurka jadeecada ku dhacay ee la daweeyey waxaa lagu daweeyey magaalooyinka bukaannadu ay degganaayeen. Ilmo keliya ayaa lagu soo warramey in uu jadeeco ugu dhintay degaankaa. 

 “Macluumaadka aan hayno waxa uu tilmaamayaa in geeridu ay ka yar tahay tan caadiga ah ee la filan karo. Waxa aan aaminsannahay in si firfircoon u raadinta dadka cudurka qaba, booqashada tuulooyinka si loo daweeyo bukaannada iyo ka qaybgelinta bulshooyinka ay gacan weyn ka geysatey arrinta,” ayuu yiri Saciid Ibraahim Xassan. 

Jadeeco kale
Gobollada deriska la ah ayaa uu saameeyey cudurka dillaacay. Labadii toddobaad ee u dambeeyey bisha Abriil, kooxaha MSF waxa ay in ka badan 16,000 carruur ay da’doodu u dhaxayso lix bilood ilaa 15 jir ku tallaaleen magaalada Baladweyne ee gobolka Hiiraan ee koonfur ka xiga Galgaduud, magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug kooxaha waxa ay daweeyeen in ka badan 230 bukaan muddadii u dhexeysay bartamihii Abriil ilaa bartamihii Juunyo.

 Xaaladaha nabadgelyada ayaa hadba xukumaya sida iyo halka ay MSF ka shaqeyn karto isla xaaladahaas ayaana sharxaya hababka kala duwan ee loo maareeyo jadeecada dilaacdey. Hadda MSF waxa ay raadineysaa fursadihii ay ku bilaabi lahayd olole tallaal oo ballaaran oo ay ka fuliso xerooyinka ku yaalla waddada Afgooye iyo Muqdisho, halkaas oo boqollaal kun oo dad ahi ay soo miciin bideen markii ay rabshadda Muqdisho kor u kacdey. 

XAQIIQOOYIN KU SAABSAN JADEECADA

Jadeecadu waa sababta ugu weyn ee ay u dhintaan carruurta yaryar. Sanadkii 2007, qiyaastii 197,000 qof ayaa u dhintey jadeeco dunida oo dhan – waana 540 geeri maalin kasta ama 22 geeri saacad kasta.
Jadeecadu waxa ay keeni kartaa xannuuno aad u ba’an, oo ay ku jirto indho-beel, maskax xannuun ba’an, shuban daran, caabuqa dhegaha iyo oof-wareen.
In ka badan 95 boqolkiiba geerida ay keento jadeecadu waxa ay ka dhacdaa dalalka dakhligoodu yar yahay oo kaabayaashoodu caafimaadkana ay jilicsan yihiin. Ilmaha oo inta uusan sanad jirsan la siiyo tallaal ayaa ka ilaalin karta cudurkaas.
Xigasho: WHO
MSF waxa ay siddeed gobol oo ku yaalla Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya ka bixisaa daryeel caafimaad oo ku xiran baahida caafimaad iyada oo aan loo eegeynin qabiilka iyo siyaasadda qofka. Sanadkii 2008da kooxaha MSF waxa ay bixiyeen ku dhowaad 730,000 la-talin bukaan-socod ah, oo ay ku jirto in ka badan rubuc milyan la talin oo la siiyey carruur ay da’doodu ka yar tahay shan jir. 24,000 oo qof ayaa la dhigey iyaga oo bukaan-jiif ah cusbitaallada iyo xarumaha caafimaadka ee ay MSF taageerto, ku dhowaad 4,000 oo qalliin ah ayaana la sameeyey, 1,249 ka mid ahi waxa ay ahaayeen dhaawacyo ay sababtey rabshad. Ku dhowaad 35,000 oo qof oo la silcayey nafaqo-xumo ayaa la siiyey cunto iyo daryeel caafimaad.

Hawsha ay ka waddo Soomaaliya, MSF ma aqbasho maaliyad ka timaadda dowlad ama hay’ad deeq-bixin, waxaana ay ku tiirsan tahay oo keliya deeqaha ay ka hesho dadweynaha caadiga ah.
 

Tags: , ,

Qoraalada kale ee ku saabsan Gobolka Galgaduud, Koonfura iyo bartamaha Soomaaliya