BADI DADWEYNIHII WAQOOYIGA MUQDISHO OO QAXAYA

07.07.2009 | Gobolka Banaadir, Koonfura iyo bartamaha Soomaaliya

Nayroobi, Luulyo 7, 2009 – Dagaallada dib uga bilowday Muqdisho, oo ah caasimadda Soomaaliya, waxa ay ku khasbeen badi dadkii ku noolaa degmooyinka Yaaqshiid, Kaaraan iyo Cabdulcasiis ee waqooyiga caasimadda in ay qaxaan, sidaa waxaa sheegey ururka bani’aadamnimada ee caafimaadka ee Dhakhaatiirta aan Xuduudda lahayn/Médecins Sans Frontières (MSF). Duqeyn, iyo dagaal furan oo joogto ah oo u dhexeeya kooxaha hubeysan ayaa sababey geerida dersinno rayid ah oo magaaladana geliyey jahawareer. Taas waxa ay keentey, in ay MSF ku khasbanaato in ay xirto xarumaheedii caafimaadka ee ay degaankaa ku lahayd.

 Toddobaadkii hore, MSF waxa ay xirtey cusbitaal carruureed iyo saddex xarumo caafimaad ah oo ay ku lahayd waqooyiga Muqdisho. Shaqaalaha MSF  – sida dadweynaha intooda kale – ayaa ku khasbanaadey in ay cararaan si ay u daryeelaan nafahooda iyo kuwa qoysaskooda. Waa markii ugu horreysay muddo 17 sano ah oo shaqaalaha MSF ee waqooyiga Muqdisho ay ku khasbanaadaan in ay nafahooda la cararaan. Kooxaha MSF waxa ay celcelis ahaan toddobaad walba sameynayeen 2,500 la-talinta caafimaadka ee bukaan-socodka, waxaana markii lagu khasbayey in ay hawlahooda joojiyaan ay daweynayeen ku dhowaad 400 oo carruur nafaqo-xumo ay hayso ah. Cusbitaalka Dayniile, oo ku yaalla geesta galbeed ee Muqdisho, kooxaha caafimaadka ee MSF waxa ay ku daweeyeen 869 qof oo dhaawac ah waxaana ay ku sameeyeen 49 qalliin ilaa bilowgii bishii Maajo. Kuwa heley daaweynta degdegga ah, 162 waxa ay ahaaayeen carruur ka yar 14 jir, oo 156 waxa ay ahaayeen haween. Laba iyo toban bukaan ayaa u dhintey dhaawacadii soo gaarey.

“Labadii bilood ee la soo dhaafey, dad lagu qiyaasey 200,000 oo qof ayaa u qaxay dhinacyada Afgooye iyo Jowhar,” ayaa ay tiri Monica Camacho, oo ah agaasimaha guud ee Ergada MSF ee Soomaaliya, ee xarunteedu tahay Nayroobi. “Dadku waa ay argagaxsan yihiin, labadii toddobaad ee la soo dhaaafeyna tirada dadka dhintey iyo tan dhaawaca ayaa si aad ah kor ugu kacay.  Waxaa ay noqotey mid aan suurtagal ahayn in la siiyo gargaar caafimaad iyo mid bani’aadamnimo dadka u baahan,” ayaa ay raacisey Monica Camacho.

 Waddada Afgooye, ee galbeedka Muqdisho, nus milyan qof ayaa ku nool cooshado ka sameysan geedo iyo baco waxaana aad u yar daryeelka caafimaad ee la heli karo. Waxaa si aad u ba’an u yar cuntada iyo biyaha, degsiimooyinka dadka gudaha ku barokacay ayaana dadku aad ugu badan yihiin, taas oo keeneysa halis loo galo cudurro dillaaca, sida jadeeco iyo daacuun.

 MSF waxa ay ugu yeereysaa dhinacyada iskahorimaadyada ku lugta leh in ay ixtiraamaan xarumaha iyo qalabka caafimaadka ee ururka iyo hawsha shaqaalaha Soomaalida ah – xirfadlayaashaas caafimaadka oo gargaar caafimaad iyo mid bani’aadamnimo oo aad muhiim u ah ku bixinayey xaalado aad u xun oo aan la mala-awaali karin.

 “Qaar ka mid ah dhismayaashii caafimaadka ee waqooyiga Muqdisho waxaa la wareegey rag hubeysan,” ayaa uu yiri Alfonso Verdu, maareeyaha hawlgallada MSF ee Soomaaliya. “Dhammaan bukaannadii lagu daweynayey xarumaha caafimaadka ee MSF labadii toddobaad ee u dambeeyey ayaa ku khasbanaadey in ay cararaan ama in lala cararo. Qaar badan oo ka mid ah ayaa ku khasbanaadey in ay kala go’do daaweyntoodii, taas oo ah arrin welwel badan leh. Xaqiiqo ahaan qof ku harey ma jiro waddooyinka Waqooyiga Muqdisho”.

 Saddexdii bilood ee la soo dhaafey, MSF waxa ay la kulantey tiro dhacdooyin ammaanka la xiriira. Bishii Abriil, laba xubnood oo shaqaalaheena ka mid ah ayaa ku afduubnaa Xuddur, gobolka Bakool muddo hal toddobaad ah. 18kii Luulyo, shaqaale ka tirsan MSF ayaa ku dhintey qarax diley 30 qof oo kale. Bishii Juunyo dhammaadkeeda, gaari kuwa MSF ka mid ah ayaa lagu soo weerarey Waqooyiga Gaalkacyo, taas oo dhalisey geerida hooyo dhashey bukaan la daryeelayey. Dhacdooyinkaan u dambeeyey iyo ammaanka guud ee degaanka oo ka sii darayay labadii sano ee la soo dhaafey ayaa ka dhigey hawsha MSF ee Soomaaliya mid sii adkaaneysa.

 ”In kasta oo arrimahaas oo dhami ay dhaceen, haddana waxa aan dooneynaa in aan dalka ka sii shaqeyno. Baahiyaha ayaa aad u weyn, dhibbanayaasha ugu badan ee iskahorimaadkuna waa rayid,” ayaa uu yiri Benoit Leduc, oo ah madaxa hawlgallada MSF ee Soomaaliya. “Waxa aan ka arki karnaa cusbitaalkeena Dayniile, halkaas oo badi bukaannadu ay yihiin haween iyo carruur. Waxaa aan mar kale ugu yeereynaa dhammaan dhinacyada ku lugta leh iskahorimaadyada in ay ixtiraamaan bedqabka dadka rayidka ah iyo in ay ballanqaadaan helidda goobtii bani’aadamnimada ee loogu baahnaa in lagu daweeyo dhaawaca.”

 MSF waxa ay si joogto ah uga shaqeyneysay Soomaaliya in ka badan 17 sano waxaana ay daryeel caafimaad ka bixineysaa sagaal gobol oo dalka ka mid ah. Sanadkii 2008da kooxaha MSF waxa ay bixiyeen 727,428 la-talin bukaan-socod ah, oo ay ku jirto 267,168 la talin oo la siiyey carruur ay da’doodu ka yar tahay shan jir. In ka badan 55,000 oo haween ah ayaa heley daryeelka la-talinta caafimaadka ee dhalidda ka horeysa waxaana 24,000 oo qof la dhigey iyaga oo bukaan-jiif ah cusbitaallada iyo xarumaha caafimaadka ee ay MSF taageerto. Waxaa la sameeyey 3,878 qalliin, 1,249 ka mid ahi waxa ay ahaayeen dhaawacyo ay sababtey rabshad. Kooxaha caafimaadku waxa ay 1,035  oo qof ka daweeyeen cudurka dilaaga ah ee la dayacay ee kala azar, in ka badan 4,000na duumo (malaariya) iyo 1,556 qof oo loo bilaabey daawada qaaxada. Ku dhowaad 35,000 oo qof oo la silcayey nafaqo-xumo ayaa la siiyey cunto iyo daryeel caafimaad, 82,174 oo tallaal ayaana la bixiyey ah.

Qoraalada kale ee ku saabsan Gobolka Banaadir, Koonfura iyo bartamaha Soomaaliya