MSF OO DAWAYSAY DHAAWACYADA QARAXII BELED WEYNE

19.06.2009 | Gobolka Hiiraan, Koonfura iyo bartamaha Soomaaliya

 Ka dib markii qarax rabshad watey uu ka dhacay magaalada galbeedka Soomaaliya ku taalla ee Baladweyne 18kii Juunyo, ayaa cusbitaalka magaalada ee ay taageerto Medecins Sans Frontieres waxa soo gaarey 40 bukaan. Ku dhowaad dhammaan bukaannadu si xun ayaa ay u gubteen laakiin waxa ay heleen daaweyntii ay u baahnaayeen. 25 ka mid ah dhaawaca ayaa u baahnaa qalliin. Waxaa naga dhintey afar bukaan, kooxduna waxa ay ka cabsi qabaan in ay afar bukaan oo kale oo xaaladdoodu ba’an tahay ay badbaadi waayaan. Qaraxa waxa uu dhaliyey dab sababey dhaawacyo badan oo ay keeneen qiiq ay neefsadeen iyo gubashaba.  29 meyd ayaa la keeney cusbitaalka si ay kooxda caafimaadka ee MSF ay qaarabadooda u siiyaan warqad caddeynta dhimashada. MSF waxa iyada oo aad uga xun caddeyneysaa in xubin shaqaalaheeda ka mid ah uu ku dhintey qaraxa. Waxa aan u tacsiyadeyneynaa qoyskii marxuumka.

Qoraalada kale ee ku saabsan Gobolka Hiiraan, Koonfura iyo bartamaha Soomaaliya