Afduub loo geystey gaari MSF Soomaaliya u kireysnaa oo geeri naxdin leh ay ka dhalatey

24.06.2009 | Mudug, South Central Somalia

Fiidnimadii hore ee 24kii Juunyo 2009ka oo maalintuna ay Arbaco ahayd,  gaari gaar loo  lahaa oo MSF u kireysnaa ayaa lagu  weerarey Waqooyiga Gaalkacyo, ee Soomaaliya, isaga oo ka soo noqdey bukaan uu  ka qaadey Xarun MSF oo ku taala  Koonfurta Magaalada  uuna geeyey isbitaal  Waqooyiga ku yaal.

Intii dhacdadaasu dhacaysay, daryeelihii dumarka ahaa ee weheliyey bukaanka, ayaa la toogtay oo dhintay, dareewalkiina waa la dhaawacay. Qofkii sadexaad  ee gaariga saarnaa oo shaqaale MSF ahaa dhib ma soo gaarin. Wadihii gaariga waa la daweeyey xaaladdiisuna waa ay wanaagsan tahay. Gaarigiina waxaa qaatay kuwii weeraray.

Weerarkaasu  ma ahayn mid si toos ah MSF loola jeeday. Siday doonto ha ahaatee, waxay muujinaysaa leebal aan la aqbali Karin oo rabsho ah taas oo khatar galinaysa awoodii MSF ay ku siin lahayd daryeel caafimaad boqolaal kun oo Soomaali ah oo ku baahsan wadanka.

MSF waxa ay hawlaheeda ka bilowday Soomaaliya sanadkii 1991.laga soo bilaabo  Jannaayo 2008, mashaariicda MSF ee ku baahsan Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya waa ay sii socdaan  ayadoo ay sabab u tahay   dadaalka, hawlkarnimada iyo geesinimada shaqaalaheenna Soomaalida ah ee u go’ay inay sii wadaan, oo ay taageeraan koox saldhiggoodu yahay Nayroobi kuwaas oo booqda mar kasta oo amnigu saamaxdo.

MSF waxa ay ka codsanaysaa dhammaan  dadka dagaalaya in ay ixtiraamaan dhismayaasha/qalabka iyo hawlaha caafimaadka si markaa dadka iyaga oo aan loo eegeynin halka ay siyaasad, diin ama militeri ahaanba ay ku xiriiraan ay ku soo gaaraan daryeelka caafimaadka ee aadka loogu baahan yahay,.

Shaqada MSF ee Soomaaliya

MSF waxa ay ka shaqeyneysaa Soomaaliya in ka badan 17 sano waxaana ay daryeel caafimaad oo lacag la’aan ah ay maanta ku bixisaa siddeed gobol oo dalka ka mid ah; iyada oo ay mahaddeeda leeyihiin shaqaalaheenna dadaalka badan ee Soomaalida ah, oo ay taageeraan koox maareynta u qaabilsan oo xaruntoodu tahay Nayroobi. Sanadkii 2008dii oo keliya, ayaa kooxaha MSF waxa ay bixiyeen 727,428 oo la-talinta bukaan-socodka ah, oo ay ka mid yihiin 267,168 oo loo sameeyey carruur shan jir ka yar. In ka badan 55,000 oo haween ah ayaa heley la-talinta daryeelka ka horreeya dhalmada iyo in ka badan 24,000 oo qof oo bukaan-jiif ahaan loo dhigey cubitaallada iyo xarumaha caafimaadka ee ay MSF taageerto. Waxaa jirey 3,878 qalliin, oo 1,249 ka mid ahi ahaayeen dhaawacyo ka dhashey rabshad. Kooxaha caafimaadka ayaa daweeyey 1,036 qof oo qabey cudurka loo dhinto ee la dayacay ee kala azar, iyo in ka badan 4,000 oo laga daweeyey duumo (malariya) iyo 1,556 oo qof oo loo bilaabey daawada qaaxada. Ku dhowaad 35,000 oo qof oo la silcayey nafaqo-xumo ayaa la siiyey cunto iyo daryeel caafimaad waxaana la bixiyey tallaal gaaraya 82,174

Tags: , , , , ,

Qoraalada kale ee ku saabsan Mudug, South Central Somalia