MSF OO XIRTAY XARUN CAAFIMAAD DAGAAL CULUS OO MUQDISHO KA SOCDA AWGIIS.

14.05.2009 | Gobolka Banaadir, Koonfura iyo bartamaha Soomaaliya

MSF WAXAY XASUUSINAYSAA DHAMMAAN DHINACYADU IN AY TIXGELIYAAN XARUMAHA CAAFIMAADKA.

 Dagaalo isxigxiga oo ka dhacay Caasumada Somalia ee Dagaaladu aafeeyeen ee Muqdisho ayaa sababay waxyeelooyin badan oo Dhimasho iyo Dhaawac ah, sidoo kalena ku khasbay kumanaan in ay guryohooda ka barakacaan.Qaybta Waqooyi ee Muqdisho, Hay’ada gargaarka caafimaad ee caalamiga ah Dhakhaatiirta aan Xuduuda Lahayn (MSF) waxaa lagu khasbay in ay xirto Xarunteedii Bukaan Socodka ee ay ku lahayd Degmada Yaqshid si ay u hubiso in aan Shaqaaleheeda Caafimaadku ku waxyeeloobin xabadaha laysdhaafsanayo. Dadkii degaankaas degenaa waxay ka carareen dagaalka culus ee meesha ka dhacay. MSF waxay dib u furi doontaa Xaruntaas caafimaad markii la helo amniga ugu yar ee suurto gal ah si ay usii wado Hawleheeda Caafimaad.

 Nawaaxiga Caasumada, hal todobaad gudihiis laga soo bilaabo Maalintii Jimcaha 8dii May, Kooxaha Caafimaadka MSF waxay ku daweeyeen Cusbitaalka Dayniile 112 Qof oo ay soo gareen Dhaawacyo ka dhashay Qarax iyo Xamado. 47 ka mid ah dadkaas waxay ahayeen Dumar iyo Caruur da’doodu ka yar tahay 14. “ Ayadoo ay aad u yar yihiin Xarumaha Caafimaad ee Somalia, waxaa muhiim ah in dadku helaan awood ay ku gaaran inta weli ka shaqaynasa Xarumahaas Caafimaad” Ayuu yiri Alfonso Laguna, Madaxa Hay’ada MSF Somalia.

 Ayada oo dhawaan dadku bilaabeen in dib ugu soo noqdaan Muqdisho, haddana kumanaan Qoys ayaa isaga tegey mar labaad Magalaada si ay u raadsadaan Bay’ad nabdoon. Dadkaasi waxay degeen Xeryo ku yaal Dayniile iyo dhinacyada wadada aada Afgooye, Magaalo 30KM dhinaca Koonfur Galbeed kaga aadan Caasumada. MSF waxay Deegaanadan ka shaqayneysey laga soo bilaabo 2007, ayada oo siinaysey 15 Million oo litre oo biyaha Sanadkii iyo qalab kale oo cawimo ah hase ahaatee waxay u baahanaysaa Hay’adu in ay si deg deg ah kor ugu qaado cawimadii ay bixin jirtey si ay ugu jawaabto dadka cusub ee yimid Deeganada Dayniile iyo Xaawo Cabdi.

 Kuwa badan oo ka mid ah dadkaan waxay ka soo tageen dhammaan wixii agab ay lahaayeen, waqti adag oo roobabow ah. Xaalada nolol xumo ee ka jirta Deeganadaas dadku ku badan yahay ayaa sabab u noqon karta  Khatar Caafimaad ee lixaad leh, taas oo horseedi karta Caabuqyo Sanbabka ah iyo Cudurada fida.

 MSF waxay jeclaan lahayd in ay xasuusiso dhammaan dhinacyada is khilaafsan ee Somalia  in ay tixgeliyaan dhammaan Xarumaha iyo Shaqaalaha Caafimaadka, Bukaanada Xanuunsan iyo kuwa dhaawacyada qaba intaba.MSF waxay dalbanaysaa in ay tixgeliyaan dhexdhexaadnimada Xarumahaas Caafimaad dhammaan dhinacyada dagaalaamaya inta lagu jiro xaaladaan dagaal iyo in aan awood u yeelano in aan sii wadno dawaynta dadka dhaawacmay iyo kuwa xanuunsan intaba anaga oo anan u tixgelinayn Siyaasad, Diin iyo Xiriir Milatari midna.

 MSF waxay sidoo kale aqoonsanaysaa dhabar adayga ay muujinayaan Shaqaaleheeda Somalida ah ee xaqiijinaya in Xarumaha Caafimaadku furnaadaan ayna gaari karaan dhammaan Bukaanada ayada oo ay jirto Amni xumo iyo Khatar weyn ee Shaqsiyadeed.

MSF Gudaha Soomaaliya

 MSF waxay bilowday in ay Somalia ka shaqayso 1991. Muqdisho gudeheeda,MSF hada waxay ku leedahay xarumo caafimaad oo ku kala yaala Degmooyinka Yaqshid, Abdiaziz iyo Kaaraan, sidoo kale agagaarka Muqdisho waxay xarumo ku leedahay Degmooyinka Dayniile,Balcad,Jowhar iyo Xaawo Cabdi. Sanadkii 2008, Kooxaha Caafimaadka MSF waxay sameeyeen ka badan 800,000 oo Latalin Caafimaad ah, waxayna fuliyeen ka badan 2,700 Qaliin, 1239 ka mid waxay ahaayeen dhaawacyo ka yimid rabshado. MSF waa bixiyaha ugu weyn ee Daryeel caafimaad ee bilaash ah Koonfurta iyo Bartamaha Somalia, Ayada oo ka bixisa 9 Gobol oo Wadanka ka mid ah Daryeel Caafimaad oo Asaasi ah, Dawaynta Nafaqada, Gargaarida dadka Barakacay, Qaliin, Biyo iyo Cawimo kale.Xaalada Ammaan ee isbedbedeleysa awgeed, MSF hadda wax shaqaale Caalami ah uma joogaan Wadanka.

Tags: , , , ,

Qoraalada kale ee ku saabsan Gobolka Banaadir, Koonfura iyo bartamaha Soomaaliya