Labadii shaqaale ee MSF, ee la af-duubay ayaa la sii daayay.

28.04.2009 | Gobolka Bakool, Koonfura iyo bartamaha Soomaaliya, War-Saxaafadeed

 
Nayroobi, 28 Abriil 2009 – Labadii qof ee u shaqaynayay  Ururka Dhakhaatiirta aan Xuduudda Lahayn ee MSF, ee lagu  af-duubay 19 Abriil gobolka Bakool ee Soomaaliya ayaa iyaga oo nabad qaba maanta la sii daayay.  “Sii daynta  saaxiibadayo oo nabad qaba, caafimaadkooduna aad u wanaagsan yahay, waxa ay naga kor qaaday culays iyo wel-wel aad u balaaran.” Waxaa yiri Dag Horntvedt, ku simaha Madaxa Ergada MSF ee  Soomaalia. “Qoysaskoodu waa la ogaysiiyay, si aad ah ayaana ay u faraxsan yihiin. Hadd hawsha noo taallaa waa in aanu labadan qof dib ula midayno qaraabadoodii iyo saaxiibadood sida ugu dhaqso badan, iyo in aannu u fidinno wax Alla wixii taageero ah ee laga yaabo in ay u baahdaan si ay  uga soo kabtaan xaaladdii soo martay…”

  Dhakhtarka  Beljimka ah iyo Isku-duwaha Caafimaadka waxaa la afduubay  mar ay ka soo laabanayeen safar kormeer daawooyinka la xiriira oo ay ku tageen Rabdhuure. Ilaa waqtigaas, marar faro badan ayaa ay u suurtogashay in ay gaarsiiyan qoysaskoodii iyo saaxiibadood, iyaga oo mararka qaar adeegsanaya warbaahinta,  in ay xaaladdoodu gaarsiisneyd ilaa heerka ugu wanaagsan ee la fili karo.

  “Sii daynta saxiibadayo waxaa suurtogal ka dhigay  taageero la yaab leh oo laga helay bulshada iyo hogaamiyaasha Bakool iyo Baay, iyo weliba qaybaha kale ee Soomaalia,”  sidaas waxa yiri, isaga oo sii sharaxaya Horntvedt. ” Abaabulkoodii degdegga ahaa ee ay u galeen xoreynta saaxiibadayo ayaa isbeddelkaas oo dhan keentay. Taageeradani waxa ay muujinaysaa  mahadnaqa (sida ay raalida uga yihiin) bulshada iyo hogaamiyayaasheedu dadaalka aan kala go`a lahayn ee shaqaalahayaga Soomaalida ahi  ugu jiraan sidii ay caawimo u gaarsiin lahaayeen dadkooda.”

  Laakiin  Horntvedt  waxa uu aad carabka ugu adkeeyay sida ururkiisu uga caraysan yahay afduubkaas. “Dalalka Soomaaliya oo kale ah, ee dadka aadka u faraha badani ku tiirsan yihiin gargarka bani`aadamnimo, arrimaha noocan oo kale ahi waxa ay halis gelinayaan  daryeelka caafimaadka  ee ay tahay in dadyowgaasi helaan.”

Tags: , , ,

Qoraalada kale ee ku saabsan Gobolka Bakool, Koonfura iyo bartamaha Soomaaliya

Qoraalada kale ee ku saabsan War-Saxaafadeed