Hindiya,Gobolka Bihar: MSF oo Gargaareysa Dadka Ka Badbaadey Fatahaadaha

24.09.2008 | Qeybta Guud

Dhakhaatiirta aan Xuduudda Lahayn/Medecins Sans Frontieres (MSF) ayaa wax ka qabanayey fatahaad weyn oo ka dhacdey waqooyigabari ee Hindiya iyo dalka la deriska ah ee Nepal ilaa bishii Agoosto ee la soo dhaafey. Fatahaadda, oo ah tii ugu xumeyd ee 50 sano dhacda, ayaa waxaa sababey markii uu Webiga Kosi jabsadey biyo-moos looga sameeyey dhinaciisa xiga dalka Nepal, taas oo keentey in uu webigu maro waddo cusub, isaga oo burburiyey boqollaal tuulo iyo kumanaan akar oo dhul-beereed ah. Boqollaal kun oo qof ayaa ku barokacay waxaana tobanaan kun ay weli ku sugan yihiin xerooyinka barokacayaasha.

Gobolka Bihar ee dalka Hindiya, iyo dalka Nepal, ayaa MSF ay wax ka qabaneysaa iyada oo sameyneysa xarumo caafimaad iyo iyada oo gacan ka geysaneysa dadaallada lagu wanaajinayo helidda biyo nadiif ah iyo fayadhowr, iyo sidoo kale iyada oo ka shaqeyneysa xakameynta cudurrada dillaaca. Dr. Binod Kumar waa mid ka mid ah shaqaalihii MSF ee ugu horreeyey ee gargaar caafimaadka siiya dadkii ka badbaadey fatahaadda gobolka Bihar. Halkan, ayaa uu kaga waramayaa xaaladda.

Maxay yihiin dhibaatooyinka caafimaad ee aad ku aragtaan xerooyinka?

Hawlaheenna caafimaad waxa aan diiradda ku saarney haweenka uurka leh iyo kuwa ilmaha nuujiya iyo carruurta shan sano jirka ka yar. Waxa aan aragney xaalado badan oo nafaqo-xumo daran iyo mid ba’an, shuban, caabuqyada neef-mareenka kore oo ba’an iyo caabuqyada maqaarka – dhibaatooyin la xiriira biyo faddaroobey, xaalado iskuraran ah, iyo nadaafad la’aan. Tusaale ahaan Chuni ama Sarsakla, waxa aan ka qaadney naamuunado biyo ah waxaana aan ogaanney in ceelasha ay isticmaalaan dadku ay faddaroobeen. Waxa aan dadka siinney weelal iyo kiniiniyada biyaha lagu nadiifiyo waxaanna aan qabanney kulanno caafimaadka lagu dhiirigelinnayo oo dadka lagu barayo sida loo isticmaalo agabkaas si ay markaa u helaan biyo nadiif ah oo la cabbi karo.

Sidee ayaa ay xaaladdoodu tahay dadka barokacay?

Dadka ku nool qaybtan gobolka Bihar ka mid ah waa dad aad reer-miyi u ah aadna sabool u ah. Waxaa farahooda ka baxay wax walba oo ay haysteen. Welwel weyn oo dhinaca cuntada ah ayaa ay qabaan. Waxa si qumman aan kuwa u baahan ugu daweynaa cunto u diyaarsan in horey laga isticmaalo. Xerooyinka aan ka shaqeyno, waxa aan ku bixinney baco waayo dadka ayaa waxa ay seexan jireen bannaanka, waxaana ay ahaayeen guryo la’aan iyo kuwo rajo-dhigey. Waxa ay sheegaan in aaney haysan dhar, cunto ku filan iyo in aaney ogeyn ilaa iyo muddada ay halkaa sii joogi doonaan.

Sidee ayaa ay tahay xaaladda ka jirta xerooyinka?

Waxa ay ku xiran tahay xerada laga hadlayo. Qaarkood waxa maareeya dowladda si wanaagsan ayaana ay u habeysan yihiin. Meelo kale, ayaa dadku degeen degsiimooyin ku-meel-gaar ah ama waddooyinka hareerahooda, meel kasta oo ay ka heli karaan dhul qallalan. Degsiimooyinkan ayaa ka fogaan kara xarumaha caafimaadka ama waxa ay noqon karaan kuwo la dayaco gaaritaankooda oo xun daraaddeed. Tusaale ahaan Chuni, dhowr kun oo qof ayaa ay doomo ay leeyihiin ciidamada ka soo badbaadiyeen fatahaadaha laakiin waddooyinka ayaa burbursan ama noqdey kuwo aan la mari karin, sidaa daraaddeedna ma ay helin gargaar badan marka laga reebo xirmooyin cunto ah oo dusha looga soo daadiyey. Waxa aan ku khasbanaaney in aan adeegsanno makiinnadaha beeraha lagu falo si aan dadka u gaarsiinno agabka aan cuntada ahayn. Maaddaama ay waddooyinku xumaayeen, waqti dheer ayaa ay nagu qaadatey waxaana ay ahayd mid dhib badan, laakiin hadda waa aan wada gaarsiinney xerada oo dhan qof kastana waxa uu heley baco, saabuun, weelasha biyaha, iyo kiniiniyada biyaha lagu nadiifiyo. Waxaa aan sidoo kale leenahay oo aan ka shaqeynaa xarumaha caafimaadka ee wareega.

Maxay tahay halista loogu jiro in ay cudurro dillaacaan?

Halistu waa mid sarreysa sababta oo ah xerada oo dadku ku badan yihiin iyo biyaha oo faddaroobey. Heerka biyaha ayaa hoos u dhacay, laakiin marka ay biyuhu noqdaan kuwo fadhiya ayaa laga yaabaa in uu sii xumaado caafimaadka dadka. Markii aan gaarney Chuni, waxaa markaa un dillaacay shuban waxaana la soo sheegey saddex ama afar qof oo u dhintey kuwaas oo ka mid ah boqollaalka qof ee uu ku dhacay shubanku. Isla markii ayaa aan dadka daweyney oo xaaladda hadda gacanta ayaa lagu hayaa.

Tags: , , ,

Qoraalada kale ee ku saabsan Qeybta Guud