HIV/AIDS: GOYNTA (QIIMAHA), HELIDDA IYO XAALAD-WAAFAJINTA DAAWOOYINKA AIDSK-KA EE DALALKA SOO KORAYA, WAA CULAYS TAAGAN

01.08.2008 | Qeybta Guud

Ololaha MSF ee Helidda Daawooyinka Aasaasiga ah ee warbixintii ugu horreysey ee qiimahayaasha daawooyinka AIDS-ka daabacay 2001dii, isaga oo kaga jawaabaya helid la’aanta macluumaad daahfuran oo ay helaan kuwa daweeya si ay awood ugu yeeshaan in ay qaataan go’aamo ogaal ku dhisan. MSF, oo ay weheliyaan kuwo kale oo daawooyinka HIV/AIDS ku bixiya dalalka soo koraya, ayaa ay weli dhibaato ka haysataa goynta qiimaha, helidda iyo xaalad-waafajinta daawooyinka antritertovital (ARVs). Hadda oo uu soo baxay caddadkii 11aad ee warbixinta, kaas  loogu magacdarey ‘Untangling the Web of Antiretroviral Price Reductions’ oo uu micnaheedu yahay ‘Kalafurfuridda Shabakadda Qiime-is-dhinka ee dawooyinka Antiretroviral’ ayaa inoo bidhaamineya marxaladihii uu soo marey qiimaha dawooyinka ARV ilaa 2001gii.

Karen Day, oo ah Agaasimaha Farmashiistaha ah ee Ololaha MSF ee Helidda Daawooyinka Aasaasiga ah, ayaa bixineysa guudmar ku saabsan qaar ka mid ah arrimaha ugu muhiimsan ee warbixinta sanadkan:

Qiimahee ayaa ay waqtigan ku kacaysaa in qof lagu daweeyo dawooyinka ARV dalalka soo koraya?

Hagaag, dawooyinka antiretroviral ee raaca koowaad ee iskujirka ah (3TC/d4T/NVP) hadda qiimahoodu waa $87 doolar halkii sano halkii bukaan. Masaafo fog ayaa aan soo soconney ilaa 2001gii, markaas oo daawadaan qiimaheedu uu ahaa in ka badan $10,000 doolar halkii sano, ka dib intii aaney soo-saarayaal kale bilaabin soo saaridda ARV taa hore u dhiganta – qiimahan ayaa ah isdhin ka badan 99%. Laakiin culays weyn oo haysta kuwa bixiya daaweynta, oo ay ka mid tahay MSF, waa qiimaha sarreeya ee noocyada cusub ee dawooyinka ARV.

HIV/AIDS waa cudur u baahan daawo socota inta uu qofku nool yahay waxaana ay dadku  u baahan yihiin in ay helaan dawooyin cusub oo ay ku beddeshaan tan ay isticmaalayaan marka ay soo wajahaan dhibaatooyinka ay la yimaadaan dawooyinka ay isticmaalayaan, ama marka uu cudurku u adkeysto daawada. Cudurka oo daawada u adkeysta waa arrin mar kastaba dhacda, xataa haddii dadku ay u qaataan sidii loogu talogaley kiniini kasta oo ka mid ah daawada. Marka ay xaaladuhu sidaa noqdaan, waxaan u baahanahay in aan helno daawo cusub, oo ka xoog badan, kana waxyeello (sun) yar tan markaa la isticmaalayo.

Tusaale ma innaga siin kartaa qiimaha ku qaaliyooba dadka u baahan in ay beddelaan daawada ay isticmaalaan marka ay dhibaatooyin ku keenaan? Sideese ayaa ay u badan yihiin dhibaatooyinkan daawada la socda?

Daawada la yiraahdo stavudine (d4T), oo ah mid ka mid ah dawooyinka ARV ee badanaaba laga isticmaalo dalalka soo koraya, ayaa waxa ay wadataa dhibaatooyin badan, oo aad u dhaca. Mid ka mid ah barnaamijyada AIDS-ka ee ay MSF ka fuliso Rwanda, ayaa ku dhowaad mid ka mid ah lixdii qof ee isticmaala stavudine uu ku khasban yahay in uu beddelo daawada oo taasna ay sabab u tahay sumoobid uu qofku ku sumoobo. Sanadkii 2006dii, Ururka Caafimaadka Adduunka ayaa kula taliyey kuwa bixiya daaweyn in ay ka tagaan daawadan oo ay ku beddeshaan dawooyin ka sun yar, oo ka sameysan ama zidovudin (AZT) ama tenofovir (TDF). Laakiin taas ayaa qiime aan yareyn ku kacaysa, kaas oo marka ay ugu wanaagsan tahay noqon kara laba-laab, marka ay daawadu tahay tan ay AZT ay salka u tahay, oo xataa gaari kara kow iyo toban-laab marka ay daawadu tahay tan ay TDF salka u tahay, waa marka aaney dalalku heli karin noocyada dawooyinka raqiiska ah ee loo yaqaan generic taas oo ay sabab u tahay iyada oo dawadaasi ay qoladii markii hore sameysey ay u xiran tahay oo aaney cid kale sameysan karin. Waxaannu u baahanay in qiimuhu uu hoos u soo dhaco, laakiin si ay tani u dhacdo, waxaan u baahanahay in warshado kale oo dawooyinka sameeya ay suuqa soo galaan, si uu markaa u yimaado tartan keena in qiimuhu uu hoos u dhaco.

Maxaa laga yeelayaa bukaannada u baahan daawooyin cusub maaddaama tii hore uu cudurku u adkeystey?

Bukaannada u baahan daawada ‘raaca-labaad’, waxaa aad ugu badanaya qiimaha daawada marka la barbar dhigaa kii caadi ahaan lahaa. Kor u kaca waxaa uu u dhaxeeyee sagaal laab ilaa 17 laab uu gaari karo qaar ka mid ah dalalka ‘dakhligoodu dhexdhexaadka’ yahay oo dawooyinka u xiran yihiin sharikadihii markii hore sameeyey oo kuwa dadka daweeyana ay ku khasban yihiin in ay ka soo iibsadaan sharikaddii markii hore sameysey. Waana ay sii badan doontaa baahida loo qabo daawada raaca labaad. Mashruuc AIDS-ka ku saabsan ee ay MSF fuliso kan ugu muddada dheer, waxa uu ka socdaa Khayelitsha, Koonfur Afrika, 22% bukaannada daawada qaadanayey shan sano waxa ay u baahan yihiin in loogu beddelo daawada raaca-labaad. Waxa aan si weyn ugu baahanahay in daawooyin cusub oo raqiis ah laga helo dalalka soo koraya.

Sharikadaha dawooyinka sameeya qiime-dhimis ayaa ay u sameeyaan dalalka soo koraya, miyaaney taasi jirin?

Haa, laakiin marka ay daawo cusub soo gasho suuqa, sharikadda sameysey ayaa suuqa gacanta ku haysa iyada ayaa go’aan ka gaaraysa dalalka heli kara daawada iyo qiimaha ay ku heli karaan. Waayo-aragnimada ayaa ina bareysa in qiime-dhimmista ay sharikadahaan bixiyaan in aaney ahayn mid sidaa u weyn oo macno sameysa. Tartan dhex mara sharikado badan oo soo saara daawada, ayaa ah hab la tijaabiyey oo hoos u dhiga qiimaha, laakiin shuruucda sharikadaha kale u diida in ay farsameeyaan daawo ay shirkad gaar ah hindistey ayaa hor taagan in ay sharikado kale suuqa soo galaan. Tusaale ahaan dalka Hindiya, oo aan oggolaan sharciyadaas aan ka soo hadalney ee patent-iga loo yaqaan ayaan sharikadaha daawada u oggoleyn patent wixii ka horreeyey 2005tii, waxaana sidaa daraaddeed uu ahaa mid ka mid ah dalalka ugu muhiimsan daawooyin qiimahooda la goyn karo laga soo saari jirey. Dhab ahaan, MSF waxa ay in ka badan 80% daawada AIDS-ka ee ay isticmaasho ay ka soo iibsataa sharikado Hindiya ka dhisan waxaana dalkaa loogu yeeraa ‘farmashiyihii dunida soo koreysa.’

Haddaba maxaaney u jirin noocyo dawooyin cusub oo generic ah oo qiimahooda la goyn karo, maaddaama baahida loo qabo ay sii kordheyso?

Maaddaama tiro sii kordheysa oo daawooyinkaan ah lagu xiranayo (si aaney cid kale u soo saarin) dalka Hindiya, in kasta oo dhab ahaantii dalku ka dejiyey shuruuc adag waxyaabaha ay tahay in la xiran karo iyo waxyaabaha aan la xiran karin. Markaa tani waxa uu micnaheedu yahay in kuwa farsameeya dawooyinka generic ah aaney awood u lahaaneyn in ay soo saaraan noocyo qiimahooda la goyn karo oo dawooyinka ah haddii sharikadda markii hore sameysey daawada aaney si iskeeda ah u oggolaan in ay farsameyn karaan sharikadahan kale, ama aaney dowladdu go’aansan in ay buriso xirashadaas ay sharikaddu xiratey iyada oo adeegsaneysa xeer ku jira sharciga xirashada (patent law) oo la yiraahdo ‘compulsory license’ oo u oggolaada sharikad ama sharikado kale in ay soo saaraan dawadaas iyaga oo taas lacag uga beddelanaya ciddii markii hore sameysey. Hab kale oo caqabaddan lagaga baaqsan karo waxa ay tahay iyada oo la wada maalgeliyo lana wada maareeyo xuquuqaha ka dhasha baaritaanka iyo soo saaridda dawada, sida tii ay dhowaan soo jeedisey ayna ku dhaqmeyso UNITAID oo ah tas-hiilaad daawada iibsata. Arrintan ayaa gacan ka geysaneysa in hoos loo dhigo qiimaha lagu iibiyo dawooyinka cusub iyada oo dhalisa in tartanku bato, iyo in la kobciyo oo la soo saaro dawooyin carruurta loogu talogaley iyo kiniiniyaasha iskujira aan u baahanahay si aan u fududeyno daaweynta bukaannada.

Sidee ayaa ay u socdaan hawlaha dawooyinka AIDS-ka ee carruurta?

Nasiibdarro, carruurta ayaan marka hore laga fekerin marka ay timaaddo soo saaridda dawooyin ku habboon. 22-ka nooc ee ARV ah ee ay oggolaatey Hay’adda Maamulka Cuntada iyo Dawooyinka ee Mareykanka, siddeed ka mid ah looma oggola in loo isticmaalo carruurta oo sagaal ka mid ahina maba ku yimaadaan qaab loogu talogaley carruurta. Xataa marka ay dawooyinku leeyihiin nooc loogu talogaley carruurta, badanaaba looma hagaajiyo qaab loogu isticmaali karo meelaha aanu jirin dhaqaale iyo kheyraad ku filin, taas oo micnaheedu yahay in ay yihiin budo u baahan in lagu daro biyo, ama shorobooyin, labadaba u baahan kara qaboojiye, kaas oo ay yar tahay in laga helo dalalka soo koraya. Intaa waxaa dheer, daawooyinka qaarkood oo dhadhankoodu kharaar yahay ayaa culays badan ku keeneysa in ay carruurtu isticmaalaan.

Sharikadaha sameeya dawooyinka generic ah ayaa dhab ahaantii hor boodayey kobcinta iyo soo saaridda kiniiniyaasha saddexda nooc mid la isugu geeyey oo loogu talogaley carruurta, waxaana hadda jira dhowr nooc oo kiniiniyaashaas ah. Laakiin waa xaqiiqo jirta oo ah mid laga xumaado in ay qaadatey lix sanadood oo kale in la helo kiniini noocaas ah oo carruurta loogu talogaley marka la barbardhigo kan dadka waaweyn loogu talogaley. Waxaa dhab ahaantii loo baahan yahay dadaallo dheeri ah oo lagu bixiyo sidii wax looga qaban lahaa AID-ka carruurta, laakiin maaddaama suuqa daawada AIDS-ka carruurta ee dalalka Galbeedka aan lagu guuleysan, ma jiro suuq weyn oo sharikadaha dawooyinka sameeya ku dhiiirigeliya in ay maalgeliyaan dawooyinkaas.

Laakiin arrinta ugu muhiimsani waxa ay tahay haddii barnaamijyada ka hortaga in hooyooyinku ay cudurka u gudbiyaan carruurtooda si guul leh looga hirgelin lahaa dalalka soo koraya, sida looga hirgeliyey dalalka Galbeedka, ma aanan arki lahayn tirada badan ee carruurta uu ku dhaco cudurka. Waxaa degdeg loogu baahan yahay in arrintan wax laga qabto.

Inooga qaar ka mid ah dawooyinka AIDS-ka ee ugu cusub ee dhowaan soo baxay?

Waxaa jirey horumarro muhiim ah oo lagu gaarey kobcinta dawooyin cusub oo siyaabo cusub ula dagaallama fayruska HIV. Arrintan ayaa dhab ahaantii dadka la nool HIV/AIDS siineysa fursado kale oo badan oo daaweyn. Haddaba dhibaatadu waxa ay tahay, in tiro yar oo ka mid ah dawooyinkan cusub loogu talogaley in ay wax ka qabtaan baahiyaha gaarka ah ee bukaannada ku nool dalalka soo koraya, sida haweenka ku jira da’dii carruur dhalista, carruurta, iyo dadka u baahan in ay awood u yeeshaan in dawooyinkan ay isla waqtigaa la qaataan dawooyin kale oo ay cudurro kale u qaataan sida qaaxada ama duumada. Tani waa dhibaato dhab ah oo jirta, sidaa daraaddeed ma ahan in aan sugno sanado badan ka dib marka dawooyinkaas laga helo Galbeedka si loo sameeyo dawooyin ay isticmaali karaan dadka ku nool dalalka soo koraya.

Intaa waxaa dheer in sharikadaha soo saara dawooyinkan cusub aaney xataa sheegin qiimayaashii ay ku siin lahaayeen dalalka soo koraya, taas oo ku tusineysa sida aanan ugu soo dhoweyn in aan dawooyinkaan u helno dadka ku nool goobaha ay kheyraadku ku yar yihiin. Farqiqa u dhexeeya dadka heli kara iyo kuwa aan heli karin ee dalalka qaniga ah iyo kuwa soo koraya ayaa ah mid aad u ballaaran. Waxaa iyana dhibaato sii ballaaraneysa ah in aanu ajende cilmi-baarista iyo kobcinta dawooyinka AIDS-ka ah aanu ka jirin dalalka soo koraya.

Tags: , ,

Qoraalada kale ee ku saabsan Qeybta Guud