WAX AY KALA DOORTAAN MA LAHAN: Qaxootiga, Magangelyo-doonka iyo Muhaarijiriinta Soomaalida iyo Itoobiyaanka ah ee Soo Goynaya Gacanka Cadan

28.06.2008 | Yemen, Abyan iyo Shabwa

WARBIXINTA YAMAN – JUUNYO 2008

SOO KOOBID

Kumanaan qof ayaa nafahooda halis geliya maalin kasta si ay uga soo gudbaan Gacanka Cadan iyaga oo ka soo baxsanaya iskahorimaad, rabshad/cunfi, abaar iyo saboolnimo. Intii lagu jirey sanadkii 2007dii, ku dhowaad 30,000 qof ayaa soo galey safarkan halista badan si ay Yaman uga soo doontaan xoogaaga ammaanka ah. Iskahorimaadka ka sii darey ee Soomaaliya iyo dhibaatooyinka cunto ee ka jira qaybo ka mid ah Geeska Afrika, ayaa keeney in dad mar walba sii kordhaya ay ku soo biiraan qaxootigii iyo mujaahiriintii horeba u badnaa ee joogey Yaman. Shantii bilood ee ugu horreeyey sanadka 2008da ayaa in ka badan 20,000 qof ay yimaadeen, tiradaas oo ah labalaab tiradii timid isla muddadaan oo kale sanadkii hore.

 Maaddaama aaney haysan siyaabo kale oo ammaan leh oo sharcina ah oo ay dalka kaga baxaan, ayaa qaxootiga iyo muhaajiriinta ay ku khasban yihiin in ay isticmaalaadaan adeegyada tahriibiyeyaasha si ay uga soo gudbaan Gacanka Cadan. Safarka doonta waa halis miiran; tahriibiyeyaasha ayaa lagu yaqaanaa naxariis-darro iyo bahalnimo. Nisbada dadka ku dhimanaya ayaa aad u sarreysa; sanadkii 2007dii, waxaa lagu qiyaasey in ugu yaraan 5% kuwa soo gelaya safarka halista ahi aaney nolol ku soo gaarin xeebaha Yaman.[1]  Haseyeeshee, tirada rasmiga ah ee dhimatey ayaa ay u badan tahay in ay intaa aad uga sii badan tahay; Xeebtu waa ay dheertahay, mana la wada ogaado dhammaan doomaha iyo dhammaan meydadka dadka dhintey.

In kasta oo dareenka, gaar ahaan kan Yurub, uu diiradda saarey muhaajiriinta iyo qaxootiga soo maraya badda Mediterranean-ta, masiibada ka socota Gacanka Cadan ayaa badiba ay iska indhotireen bulshada caalamka iyo saxaafadda Reer-Galbeedka. Warbixintan, waxa ay MSF uga dan leedahay in ay kor ugu qaaddo wacyiga ku aaddan dhibaatada dadka qaxootiga, magangelyo-doonka iyo muhaajiriinta ah ee imanaya xeebta koonfureed ee Yaman. 

 Bishii Sebtembar 2007dii, MSF waxa ay mashruuc ka bilowdey xeebaha koonfureed ee Yaman si ay gargaar caafimaad, mid nafsaani iyo mid bani’aadamnimo u siiso dadka cusub ee imaanaya. Wakiiillo u jooga tuulooyin istiraatiiji ah oo ku yaalla xeebta ayaa nidaam digniin oo kale u ah, kaas oo u oggolaanaya in kooxda wareegta ee MSF ay si dhakhso ah ugu hawlgalaan marka ugu horreysa ee la soo wariyo in ay dad yimaadeen. Ka sokow gargaarka ay ku bixiso xeebta, MSF waxaa kale oo ay tas-hiilaad caafimaad ku leedahay xarunta cusub ee dadka lagu qaabilo ee ku taalla Axwar. Ilaa markii uu mashruucu bilowdey, bishii Sebtember 2007dii, ilaa markii uu dhammaadey bishii Abriil 2008dii, MSF waxa ay gargaar gaarsiisey in ka badan 6,000 oo qaxooti iyo muhaajiriin ah oo yimid xeebaha Yaman.

Warbixintan waxa ay qoreysaa dhibaatooyinkii caafimaad iyo kuwii bani’aadamnimo ee ka dhashey safarkaa halista ah, gaar ahaan xadgudubyadii ay geysteen tahriibiyeyaasha. Kooxaha MSF waxa ay daaweeyeen bukaanno qaba dhaawacyo ka dhashey qaraacis xoog badan, fuuqbax iyo dhibaatooyin la xiriira neef-qabatin. Bukaanno badan ayaa xanuun ka sheegtey guud ahaan jirka iyo madaxa – kuwaas oo ah calaamado jireed ko laga garto dhibaatooyinka nafsaaniga ah ee ka dhashey safarka aadka u culus ee ay soo galeen. Kuwo badan oo soo badbaadey ayaan soo marin oo keliya dhacdooyin naxdin iyo dhaawac leh oo iyaga naf ahaantood oo keliya soo gaarey ee laakiin waxa ay xubno qoysaskooda ka tirsan ku waayeen rabshad ama qarqasho.

 Warbixintan waxa ay ku fadhidaa xogtii caafimaad iyo middii la-talineed ee ay MSF ururisey intii ay hawsha halkaa ka waddey iyo markhaati-kacyadii ka badnaa 250ka ee laga ururiyey dadkii cusbaa ee imanayey. Dadku waxa ay yimaadaan iyaga oo aad u daallan, qaar badan ay xanuunsanayaan oo dareenkooda iyo niyaddooduna ay burbursan tahay. Waxa ay inoo sheegeen sheekooyin aad u naxdin badan oo geeri iyo dhibaato kaleba isugu jira. Doomo loogu talogaley in ay ugu badnaan qaadaan 30 ilaa 40 qof ayaa lagu ciriiriyaa 100 qof, oo qaar badan oo ka mid ahi ay ku xayirmaan goobo bakhaaro oo kale ah oo aan daaqado lahayn oo ku yaalla xagga hoose ee doonta. Dadka ayaa lagu khasbaa in ay goob keliya fadhiyaan iyaga oo aan dhaqaaqin waxaana, sida badanaaba dhacda, laga horistaagaa wax cunto ama biyo ah.

 Sagaal ka mid ah tobankii doomoodba, waxaa la soo sheegey in dad lagu qaraacay, iyada oo badiba loo adeegsado ulo, tuubooyin, suuman iyo mararka qaar oo qoriga dabadiida iyo middiyo la adeegsado. Haweenka iyo carruurta ayaan ka badbaadin qaraacistaas. Xaaladaha ayaa ah kuwo aad u xun oo waxaa la soo xaqiijiyey in dhimasho ay ka dhacdey saddex meeloodow meel doomaha. Sababaha ugu  badan ee dhimashadu waxa ay ahayd qaraacis badan, cunto iyo biyo la’aan iyo neef-qabatin ka dhashey dadka ku xayirmey godadka hoose ee doonta. Dhowr qof oo la wareystey ayaa sheegey in tahriibiyeyaashu ay dad ay ka mid yihiin carruur ay ka tuureen doonta. Waxaa sidoo kale la soo sheegey dad is-diley iyaga oo doonta uga boodey maaddaama ay xamili waayeen dhibaatada iyo cabsi daraaddeed.

 Imaanshaha xeebaha Yaman ayaa ah mid aad iyo aad u halis badan, maaddaama ay tahriibiyeyaashu ay wax walba sameeyaan si aaney u arkin ciidamada ammaanka ee Yaman. Ku dhowaad kalabar dadkii la wareystey waxa ay sheegeen in aan doomuhu u soo dhowaanin xeebta iyo in lagu qasbay in ay doonta ka degaan iyaga oo jooga meel biyaheedu ay gun-dheer yihiin. Haddii ay dadku baqaan oo ay diidaan in ay ka boodaan doonta, waa la qaraacaa waxaana lagu tuuraa biyaha. Maaddaama dad badan, gaar ahaan kuwa ka imanaya dhulka xeebta ka fog ee Itoobiya ama Soomaaliya, aaney dabbaalan karin, dhimasho ka dhalata qarqamid/maashoosho ayaa badanaaba dhacda. Badi doomaha waxa ay dhinaca xeebta u soo dhaqaaqaan habeennimo si ay isaga ilaaliyaan in ay arkaan mileteriga Yaman, taas oo sii kordhineysa halista ay dadku ku maashoon karaan. Ku dhowaad saddex meeloodow laba ka mid dadkii la wareystey waxa ay soo sheegeen dad u dhintey markii ay ku qaraqmeen biyaha. Laba jeer ayaa MSF ay gargaar siisey dad ka soo badbaadey doomo ay badi dadkii saarnaa, 100 qof ama ka badan, ay qarqameen ama la waayey.

 Badi dadkan waa ay ogaayeen halista jirta, laakiin waxa ay MSF u sheegeen in aaney haysanin wax ay kala doortaan. Iyagu soo gelidda safarkan halista ah uma ahan mid ka mid ah fursado kala duwan oo ay haystaan, ee waa istiraatiijiyadda keliya ee ay kaga soo baxsan karaan rabshadda iyo saboolnimada. Badi dadkan la wareystey waxa ay sheegeen sababo kala duwan oo ay u soo tageen, iyada oo rabshadda iyo ammaan-darrada ay ahayd tan ugu weyn, oo ay soo raacdey saboolnimo iyo shaqo la’aan.

Ku dhowaad saddex-meeloodow laba waxa ay ahaayeen Soomaali halka meesha kalena ay ahaayeen Itoobiyaan. Badi dadkan ka soo gudbayey Gacanka Cadmeed waxa ay ahaayeen rag, laakiin in ka badan labaatan boqolkiiba waxa ay ahaayeen haween. Dadkan badidoodu waxa ay ahaayeen dhallinyaro, shan iyo labaatameeyo jirro ah, laakiin MSF waxa ay sidoo kale la kulantey dad da’daas ka weyn iyo sidoo kale carruur yaryar. In ka badan kalabar dadka dhowaan yimid ee la wareystey waxa ahaayeen kuwo guursadey. Qoysaska ayaa marar badan kala maqan, iyada oo xubin ama dhowr xubnood oo qoyska ka mid ah ay soo gelayaan safarka halka kuwa kalena ay harayaan, mararka qaarna ay taas sababto iyaga oo aan awood u lahayn in ay dhammaantood iskumar soo wada safraan.

 Ka hor inta aaney soo gaarin Boosaaso, oo ah dekadda ay ka soo baxaan ee ku taalla Waqooyi-bari Soomaaliya, ayaa dadku yihiin kuwo horeba u soo galey safar halis badan oo qaalina ah. Waxaa jira ilaa 100 jidgooyo oo ku yaalla waddada u dhaxaysa Muqdisho ilaa Boosaaso, waxaana qaar badan oo dadkan ka mid ah ay sheegeen in la handaday iyo in ay bixiyeen laaluush. Waxaa ay sidoo kale ka sheekeeyeen weeraro ay ku soo qaadeen burcad iyo dad la diley. Magaalada Boosaaso, ayaa dadka dhowaan yimid ay kula kulmeen xaalado nololeed oo aan degganeyn iyo ammaan-xumo sii kordheysey.

 Yaman ayaa caadi ahaan soo dhoweysa dadka imanaya, gaar ahaan Soomaalida. Dowladda Yaman ayaa u aqoonsan Soomaalida in ay yihiin qaxooti dhab ah. Sidaa daraaddeed Soomaalidu uma baahna in shakhsi kasta uu maro qaab lagu ogaanayo qaxootinimadiisa. Haseyeeshee, dadka dhowaan yimid ee Itoobiyaanka ah ayaa loo qaataa in ay yihiin kuwo sharci-darro ku yimid oo ay tahay in la tarxiilo, iyaga oo aan la kala saarin muhaajiriinta iyo magangelyo-doonka. Sidaa daraaddeed, Itoobiyaanku waxa ay ka baqaan in la xiro waxaana qaar badan oo ka mid ah ay bilaabaan in ay ka tagaan xeebaha iyaga oo weli daallan oo tabardaran.

Qaxootiga iyo mujaajiriinta tirada badan ee imanaya ayaa culays ku haya Yaman. Ilaa maanta, gargaarka bani’aadamnimo ee dadka imanaya xeebta iyo sidoo kale qaxootiga iyo muhaajiriinta hore u joogey Yaman ayaa ahaa mid aad u yar. Gargaar kale oo caalami ah ayaa si degdeg ah loogu baahan yahay. Sidoo kale, waxaa loo baahan yahay in la xoojiyo awoodda ay leeyihiin kuwa gargaara qaxootiga iyo muhaajiriinta imanaya xeebta. Hay’adaha dadkaas gargaara ayaa tiro ahaan yar waxaana si degdeg ah loogu baahan yahay in ay hay’ado kale oo caalami ah ay xaaladda wax ka qabtaan. Waa in UNHCR ay kordhisaa joogitaankeeda xeebta ayna dhabarka u ridataa kaalin ka-hortag oo xooggan oo ay ku gudaneyso hawsheeda ah in ay dadkan ilaaliso. Xaaladaha Xarunta Qaabilaadda Axwar ee dhinaca diiwaangelinta, hoyga iyo cuntada iyo gaadiidka ayaa loo baahan yahay in la wanaajiyo. Sidoo kale, dadka dhowaan yimid ayaa loo baahan yahay in luqadahooda kala duwan lagu siiyo macluumaad ku aaddan fursadaha u furan.

Yaman waxa ay ka mid tahay dowladihii saxiixey Heshiiskii Xaaladda Qaxootiga ee 1951 iyo Borokoolkiisii 1967, waana dalka keliya ee Jasiiradda Carabta ka mid ah ee oggolaadey shuruucdaas caalamiga ah. Haseyeeshee waxaa maqan in dalka oo dhan laga fuliyo shuruucdaa waxaana Dowladda Yaman lagu tirtirsiinayaa in ay kaalin sidan ka xooggan ka qaadato mas’uuliyadda ka saaran ilaalinta iyo gargaarka bani’aadamnimo ee qaxootiga, magangelyo-doonka iyo muhaajiriinta. Kartida maamullada degaannada iyo kuwa qaran ayaa loo baahan yahay in la xoojiyo si ay wax uga qabtaan baahiyaha dadka cusub ee imanaya. Dadka aan Soomaalida ahayn waa in loo oggolaadaa in ay maraan habka magangelyo-doonka.

Intiiba iskahorimaad, saboolnimo iyo abaaro ay ka jiraan Geeska Afrika, dadku mar walba waa ay ka soo carari doonaan. Qaxootiga iyo muhaajiriinta waa in la siiyaa waxyaabo u beddela in ay nafahooda gacanta u geliyaan tahriibiyeyaasha naxariista aan lahayn. Bulshada caalamka, dowladaha iyo hay’adaha kale waa in ay bixiyaan dadaal kasta oo wax looga qabanayo baahiyaha bani’aadamnimo ee muhaajiriinta iyo qaxootiga.


[1] Xisaabtan waxaa ay ku fadhidaa warbixinta UNHCR ee tirakoobeysa dhacdooyinka, Disembar 2007.

Tags: , , , , , ,

Qoraalada kale ee ku saabsan Yemen, Abyan iyo Shabwa