Shaqaalaha Caalamiga ah ee MSF oo Qayb Ahaan ku Noqdey Goobo Cayiman

20.03.2008 | Taakulada Soomaalida

 
Maarso 20, 2008: Shaqaalaha caalamiga ah ee la shaqeeya hay’adda madaxa bannaan ee gargaarka caafimaadka ee bani’aadamnimada ah ee Dhakhaatiirta aan Xuduudda Lahayn/Médecins Sans Frontières (MSF) ayaa dib uga bilowdey hawsheedii bani’aadamnimada dhowr goobood oo Soomaaliya ka mid ah.Ka dib dilkii waxashnimada ahaa ee saddex ka mid ah shaqaalaha gargaarka ee MSF loogu geystey magaalada koonfurta Soomalaiya ku taalla ee Kismaayo bishii Jannaay 28-keedii, MSF waxa ay joojisey joogitaankii shaqaalaheeda caalamiga ahaa ay dalka joogeen. Haddana barnaamijyadu waa ay sii socdeen iyada oo taasna ay mahaddeeda leeyihiin xubnaha shaqaalaha ee Soomaalida ah.Iyada oo ay MSF sii wadi doonto wax ka ogaanshaha arrinta gacan-ku-dhiiglayaasha Kismaayo, haddana waxaa dhowaan laga sameeyey qiimeyn qaar ka mid ah 14-ka goobood ee ay MSF mashaariicda ka fulineyso si loo ogaado xaaladaha nabadgelyada ee degaanka. Goobo gaar ah oo xaaladdooda nabadgelyo loo arkey in la qaadan karo, MSF waxa ay go’aansatey in ay ku celiso shaqaale caalami ah oo tiradoodu xaddidan tahay iyada oo la eegayo baahida bani’aadamnimada ee aadka u ba’an. Qiimeynta lagu sameynayo goobaha kale weli waa ay socotaa.

Maaddaama ay rabshaduhu u socdaan si aan hoos-u-dhac lahayn, oo ay taasina keentey barakac weyn, haddana gargaarka bani’aadamyanimada ee Soomaaliya ayaa weli ah mid aad u yar, waana mid ka mid ah kuwa ugu dhibka badan uguna ba’an masiibooyinka bani’aadamnimada ee dunidan maanta. MSF waxa ay ka xumaatey in aaney gaari karin bukaan badan sababo nabadgelyo daraaddood. MSF waxa ay mar kale ku celineysaa sida ay uga carootey weerarkii Kismaayo, kaas oo u muuqda in uu yahay mid lala beegsadey shaqaalaha gargaarka bani’aadamnimada.

MSF waxa ay si joogto ah uga shaqeyneysaa Soomaaliya in ka badan 16 sannadood, haddana waxa ay daryeel caafimaad siisaa kow iyo toban gobol oo dalka ka mid ah. Sannadkii 2007, MSF waxa ay furtey dhowr mashruuc oo cusub iyada oo kaga jawaabeysa baahida caafimaad iyo tan bani’aadamnimo ee ka dhalatey khilaafaadka. Kooxaha caafimaadku waxa ay sameeyeen in ka badan 2,500 qalliin, waxaana ay daweeyeen 520,000 oo bukaan-socod ah, waxaana ay cusbitaallada seexiyeen 23,000 oo bukaan jiif ah.

Tags: , , , , ,

Qoraalada kale ee ku saabsan Taakulada Soomaalida