Qof u shaqeeya MSF oo lagu dhaawacay Soomaaliya

13.03.2008 | Gobolka Banaadir, Koonfura iyo bartamaha Soomaaliya

Nayroobi -Maarso 13, 2008 — Gaari ay leedahay hay’adda caalamiga ah ee gargaarka caafimaadka ee Dhakhaatiirta aan Xuduudda Lahayn/Médecins Sans Frontières (MSF) ayaa taariikhdu markii ay ahayd 12 Maarso 2008 lagu weerarey degaanka Balcad ee Soomaaliya. Saacaddu markii ay ahayd 1-dii duhurnimo (7 saac) saacadda Afrikada Bari ayaa dhowr nin oo hubeysan ay xabado ku fureen gaariga, iyaga oo si xun u dhaawacay mid ka mid ah shaqaalaha MSF oo ahaa ilaaliye, kaas oo markiiba loo qaaday cusbitaalka halkaas oo looga daweynayo dilaac ka galey lafta bowdada. Waxaa dhaawac yar iyana soo gaarey saddex kale oo shaqaalaha hay’adda ka mid ah.

Gaariga markii xabadda lagu furayey waxa uu ka soo noqonayey kormeer uu ku tegey mid ka mid ah xarumaha caafimaadka aasaasiga ah ee MSF ay ku leedahay Balcad oo 20km waqooyi ka xigta Muqdisho. Nimankii hubeysnaa waxa ay la tageen teleefoonadii gacanta iyo alaabo kale oo ay lacag ka mid tahay oo ay lahaayeen dadkii gaariga saarnaa, iyo sidoo kale gaarigii laftiisa.

Sida aan ku ogaaney xogta aan hayno ilaa hadda, waxaa jirtey in dhowr gaari lagu weererey isla degaankaa sidaa daraaddeedna waxa ay u eg tahay in uusan ahayn weerar loola dan lahaa MSF oo keliya.

MSF waxa ay Soomaaliya ka shaqeyneysey laga soo bilaabo sanadkii 1991.

Qoraalada kale ee ku saabsan Gobolka Banaadir, Koonfura iyo bartamaha Soomaaliya