saddex shaqaalaha Hay’adda Dhakhaatiirta Aan Xuduudda Lahayn ah lagu diley magaalada Kismaayo

29.01.2008 | Gobolka Jubadda Hoose, Koonfura iyo bartamaha Soomaaliya, War-Saxaafadeed

Nayroobi Jannaayo 29, 2008 – waxaa aaan si murugo weyn ku dheehan tahay aan u xaqiijineynaa in shaley subax saddeshaqaalaha Hay’adda Dhakhaatiirta Aan Xuduudda Lahayn – Médecins Sans Frontières (MSF) ah lagu diley magaalada Kismaayo ee ku taalla koonfurta Soomaaliya, meel aan ka fogeyn cusbitaalka aanu ka shaqeyno.
Dadka la diley waxa ay kala yihiin Dhakhtar u dhashey dalka Kenya, Qof ka shaqeeya Adeegga iyo Sahayda oo u dhashey Faransiis iyo Darawal Soomaali ah. Victor Okumu oo ah Dhakhtar ku takhasusey qalliinka oo 51 sano jir ah oo hore ugala soo shaqeeyey MSF dhowr meelood oo ay ka mid yihiin Daarfuur iyo Sierra Leone; Damien Lehalle oo ah qof ka shaqeeya adeegga iyo sahayda oo 27 jir ah oo goobtii labaad oo uu kala shaqeeyo MSF; Billan waa darawalka Soomaaliga ah ee gaariga u waday. Xubin kale oo ka mid ahaa kooxda ayaa isna uu soo gaarey dhaawac fudud.Maydka dadka la diley waxa la keeney cusbitaalka Kismaayo, markii dambena waxaa la soo saarey diyaarad iyaga oo ay la socdaan shaqaalihii caalamiga ahaa waxaana dhammaantood loo soo qaadey Nayroobi.Shaqaalaha kale ee MSF dhibaato ma ay soo gaarin.Sida xaqiiqda ah ee arrintan u dhacdey weli ma cadda, laakiin waqtigan hadda la joogo waxa aan muhiimmadda saareynaa sidii aan u caawin lahayn dadka ay masiibadani sida aadka ah u taabatey, gaar ahaan qoysaskii ay ka baxeen.Waxa aan si aad ah ugu hiloobi doonnaa Victor, Damien iyo Billan, waxaana mar labaad aan tacsideena gaarsiineynaa qoysaskii ay ka baxeen iyo saaxiibadooda.MSF waxa ay mashruuc caafimaad oo xagga qalliinka ah ay Kismaayo ka furtey bishii Sebtembar ee 2007, hawlaha uu qabanayeyna waxa ka mid ahaa qalliin-kaga-dhalinta haweenka iyo adeegyo kale. MSF waxa ay si joogta ah uga shaqeyneysay Soomaaliya muddo 16 sano ah, haatanna waxa ay daryeel caafimaad ka bixisaa kow iyo toban gobol oo dalka ka mid ah. Iyaga oo ay sanad kasta soo booqdaan in ka badan 300,000 bukaan-socod ah iyo qiyaastii 10,000 oo bukaan-jiif ah.

Tags: , , , , , ,

Qoraalada kale ee ku saabsan Gobolka Jubadda Hoose, Koonfura iyo bartamaha Soomaaliya

Qoraalada kale ee ku saabsan War-Saxaafadeed